Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo Maalintii labaad ka socda Muqdisho

0
Sunday November 23, 2025 - 10:59:17 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo Maalintii labaad ka socda Muqdisho

    Waxaa maalintii labaad Magaalada Muqdisho ka socda Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaas oo shalay ay si rasmi ah u daah-furay Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Shirweynahan oo ah mid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalintii labaad Magaalada Muqdisho ka socda Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaas oo shalay ay si rasmi ah u daah-furay Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Shirweynahan oo ah mid muhiim u ah dib-u-habeynta garsoorka dalka ayaa waxaa ka qeyb galaya mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, madax ka socota maamul-goboleedyada, bulshada rayidka, jaamacadaha, iyo qaybaha kala duwan ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed. Maanta shirka waxa diiradda lagu saaraya horumarinta sharciga, isla-xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hay'adaha garsoorka, iyadoo lagu falanqeynayo caqabadaha jira iyo fursadaha lagu dardargelin karo adeegyada cadaaladda. Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu maanta soo xiro shirweynaha, isagoo ka jeedin doona khudbad ku saabsan jiheynta guud ee dib-u-habeynta cadaaladda ee dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip