Taliyaha ciidan dhulka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Rwanda

0
Thursday October 23, 2025 - 15:56:55 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidan dhulka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Rwanda

    Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Rwanda, Sareeye Gaas Vincent Nyakarundi, intii uu ku sugnaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Rwanda, Sareeye Gaas Vincent Nyakarundi, intii uu ku sugnaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda. Kulanka labada Taliye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada ciidan ee dhinacyada tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha dagaalka iyo maamulka howlgalada dhulka, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada. Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Rwanda taageerada joogtada ah ee tababarada iyo xiriirka dhow ee ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in iskaashigan uu door muuqda ka qaadan doono xoojinta nabadda iyo amniga gobolka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip