Wasiir Fiqi: "Wasaaradda Difaaca waxaa u qorsheysan in agoonta shuhadadii CXD Loo sameeyo hay'ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda"

0
Sunday October 05, 2025 - 22:52:59 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 89
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fiqi: "Wasaaradda Difaaca waxaa u qorsheysan in agoonta shuhadadii CXD Loo sameeyo hay'ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda"

    Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Wasaaradda Difaacu ay qorsheyneyso in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hay'ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Wasaaradda Difaacu ay qorsheyneyso in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hay'ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda. "Wasaaradda Difaaca waxaa u qorsheysan in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hay'ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda, mar dhow ayaana Golaha Wasiirrada horgeyn doonaa sharciga hay'addaas," ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil iyo saraakiil xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xusay in sharcigaas dhowaan la horgeyn doono Golaha Wasiirrada, isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan dayaci doonin carruurta shuhadada geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tilmaamay sida ay Xukuumaddu uga go'an tahay tayeynta, qalabaynta iyo joogteynta tababarada Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan awood u leh ciribtirka kooxaha argagixisada iyo difaaca madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip