SoDMA oo dib u dhis iyo dayactir ku samaynaysa xarunta keydka cuntada Muqdisho

0
Thursday October 02, 2025 - 15:02:18 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SoDMA oo dib u dhis iyo dayactir ku samaynaysa xarunta keydka cuntada Muqdisho

    Guddoomiye ku-xigeenka Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa Muqdisho si rasmi ah uga daahfuray mashruuca dib-u-dayactirka iyo dhismaha cusub ee Bakhaarka Dhexe ee Keydka Cuntada. Mashruucan waxaa loogu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku-xigeenka Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa Muqdisho si rasmi ah uga daahfuray mashruuca dib-u-dayactirka iyo dhismaha cusub ee Bakhaarka Dhexe ee Keydka Cuntada. Mashruucan waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda kaydinta iyo qaybinta raashinka degdegga ah, si wax looga qabto xaaladaha bini'aadantinimo ee soo noqnoqda. Maalgelinta mashruucan waxaa bixisay Dowladda Shiinaha, taas oo astaan u ah iskaashiga xooggan ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Dhismo kale oo keydka cuntada ah ayaa sidoo kale ka soconaya magaalada Laascaanood oo ah xarunta maamulka goboleedka Waqooyi Bari. Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo kaabeyaasha hay'adda SoDMA.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip