
Gaadiid cusub oo lagu soo kordhiyay Dekedda Muqdisho
Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), ayaa maanta soo bandhigay gaadiid cusub oo noociisu yahay Foor-liif16, kuwaas oo loogu talagalay in lagu fududeeyo howlaha kala duwan ee ka socda Dekadda weyn ee Caasimadda JFS.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dedaalada lagu xoojinayo horumarinta Dekadda Muqdisho, kadib qiimeyn heer caalami ah oo dhawaan lasoo bandhigay laguna sheegay in Marsada Muqdisho ay tahay tan Koowaad ee ugu wanaagsan Bariga Afrika.
Dekedda Muqdisho ayaa sidoo kale kaalinta Afaraad ka gashay Dekadaha ugu horumarsan ee Qaarada Afrika.
Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa warbaahinta u sheegay in maamulkiisa uu dhiig cusub ku shubi doono qorshaha horumarinta iyo tayenta Dekadda.
Gaadiid cusub oo lagu soo kordhiyay Dekedda Muqdisho
Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), ayaa maanta soo bandhigay gaadiid cusub oo noociisu yahay Foor-liif16, kuwaas oo loogu talagalay in lagu fududeeyo howlaha kala duwan ee ka socda Dekadda weyn ee Caasimadda JFS