Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

0
Sunday September 28, 2025 - 19:46:25 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

    Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan. Kulanka ayaa looga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan. Kulanka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo iskaashiga ka dhaxeeya hey'adaha Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Amniga, gaar ahaan horumarka laga sameeyey amniga caasimadda, tababarrada ciidanka daraawiishta, dardargelinta wajiga labaad ee barnaamijka JPP iyo ka hor-tagga askareynta carruurta. Wasiirka Amniga Gudaha Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa uga mahadceliyey danjiraha taageerada kala duwan ee ay siiyaan hey'adaha amniga Dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga, si loo gaaro horumar wax ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo guulaha la gaaray. Dhankiisa, Danjire James Swan ayaa sheegay in sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin hey'adaha amniga dalka, gaar ahaan arrimaha mudnaanta weyn leh, sida amniga caasimadda iyo xaqiijinta barnaamijyada lagu taageerayo hey'adaha hey'adaha amniga Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip