Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

0
Sunday September 28, 2025 - 19:44:32 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Guddoomiyaha iyo Adiga ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Guddoomiyaha iyo Adiga ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si weyn ugu soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada Golle ee Dowladda Federaalka. Dr. Aadan Cabdullaahi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo dhoweynta ka dib warbaahinta la hadlay, isagoo marka hore ka mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay, wuxuuna sheegay in Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari uu yahay maamul cusub oo ku soo biiray maamul Gobolleedyada dalka. "Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari waa Dowlad cusub oo kusoo biirtay Maamul Gobolledyada Dalka ka jira kuna timid rabitaanka shacabka". Waa markii ugu horeysay oo uu Guddoomiyaha safar ku yimaado magaalada Muqdisho tan iyo doorashadiisii oo dhacday 23- Agoosto 2025.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip