halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes daily newspaper 25-09-25

0
Thursday September 25, 2025 - 08:22:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes daily newspaper 25-09-25

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxwyne Xasan Sheekh oo New York kula kulmay dhaxal sugaha Kuwait

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kul -an-doceed barbar socda meertada 80-aad ee golaha guud ee Qarama da Midoobey la qaatay dhaxal-suga ha dalka aan walaalaha nahay ee Kuwait Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa looga wada hadlay xoojinta iskaashi ga labada dal iyo arrimaha guud ee gobolka ee labada dal ay dan-wad -aagta ka yihiin.

Guddoomiyaha aqalka sare oo qaabilay Feeryahanad Ramla Cali

Guddoomiyaha aqalka sare ee Baar lamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya mudane Cabdi Xaa -shi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Gud doomiye ku xigeenka 2-aad mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay xiddigta Qaran Marwo Ramla Cali.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku boorriyey Ramla dadaalkeeda miro-dhalka ah ee ay Qaranka Soomaali yeed ugu soo hoyday magac, sum cad iyo doorkeeda waddaninimo ee dal jacaylku ku dheehan yahay, isag -oo ku bogaadiyay in ay sii laba jibba arto kaalinta firfircoonida iyo dad la dhaqanka leh ee ay ku tilmaaman yihiin Haweenka Soomaaliyeed, oo kaalin muuqata oo mudnaan leh ka qaata dalalka horumaray oo ay ku nool yihiin.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen qaar ka mid ah Sanatarra da aqalka sare ayaa Ramlo ku maa muusay billad sharaf ay ku mutay satay kaalinteeda matalaadda Qaran ka Soomaaliyeed ee ciyaaraha feer ka caalamiga ah.

Madaxweynaha oo u hambalyeeyay boqorka Sacuudi Carabiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ham balyo ku aaddan sannad guurada 95-aad ee maalinta Qaranimada Sacuu diga u diray Xaakimka labada Masjid ee Barakeysan, Boqor Salmaan Bin C/casiis Aala Sucuud.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu hambalyo iyo bogaadin u diray Boqor tooya iyo shacabkeeda, isaga oo u ra jeeyay horumar, barwaaqo iyo xasil looni waarta.

Shir lagu qabtay Muqdisho oo looga hadlay doorka haweenka ee dhameystirka dastuurka

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa shalay magaalada Muqdisho ku qabtay kulan dadweyne oo looga hadlayay doorka haweenka Soomaaliyeed ee ka-qaybgalka geed di-socodka dhameystirka dastuurka.

Kulankan oo ay soo agaasimeen Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrima ha Dastuurka, Guddiga Madaxa Ban naan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Guddiga La-socodka ee Baarlamaa nka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ururrada Haweenka iyo Mas’uuliyiin ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ca daaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Amb. Ilyaas Sheekh Cumar oo furitaa nka kulanka ka hadlay ayaa xusay in ay haweenka Soomaaliyeed yihiin laf-dhabarta bulshada, sidaas dar teedna ay lama huraan tahay in codk ooda iyo aragtidooda lagu daro dib-u-eegista iyo dhamaystirka Dastuurka.

Wasiir Xoosh oo odayaasha dhaqanka kala hadlay falalka anshax xumo ee kusoo badanaya baraha bulshada

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federa alka iyo Dib u heshiisiinta XFS muda ne Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa shee gay in baraha bulshada ay ka socoto dhaqan aan wanaagsanayn, oo ay soo badanayaan dadka xushalay iyo iskudirka wada, wuxuuna odeyaasha dhaqanka faray in ay kaalintooda ka qaataan, bulshadana ay wacyi geli yaan.

" Waxaa soo badanaya shakhsiyaad iyo kooxo abaabulan oo kuwii shar ciga qabto ay ahayd oo baraha bul shada u adeegsada si qaldan sida, Iskudirka iyo kala qeybinta shacabka, ceyda haldoorka umadda, faafinta wa rar xanaf leh, been abuur iyo kicin dadweyne”.

"Dhaqanka Soomaaliyeed waa geed-fadhi muhiim ah, oo ah hoggaanka umadda Soomaaliyeed, kaalintoodu waa mid weyn, waa in xikmadooda uga hortagaan khataraha isticmaalka qaldan ee baraha bulshada, wanaa gana ay ku boorriyaan”.

Wasiirka oo xarunta Wasaaradda ku lan looga hadlayay kaalinta dhaqan ka ee ka hortaga qataraha isticmaa lka qaldan ee baraha bulshada kula qaatay odeyaasha dhaqanka Sooma aliyeed ayaa intaa ku daray arri mahan marin habaabinta ah ee lagu qaldayo shacabka ay horseedi ka -raan isku-dhaca beelaha, xasillooni darro iyo qalalaaso amni, waxaa kale oo ay maskax ahaan u dhaawici karaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrima ha Gudaha waxaa ugu dambeyntii shacabka uu ku boorriyay in Khawaa -rij aanay kusoo gabban dhexdooda, kana digtoonaadaan faafinta xusha lay.

Wasiir Fiqi: "Kooxo Mucaarad ah oo u Dhaqmaya Sida Argagixisada Waa in Maxkamad la Hor Keenaa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaa -liya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray weerar ay kooxo mucaarad ah ku qaadeen saldhig Booliis.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay falkaasi mid laga xumaado oo muujinaya in kooxahaasi ay si ula kac ah u beeg sanayaan ciidamada qaranka, bur buriyaan gaadiidka ciidanka, isla mar kaana dil iyo dhaawac u geystaan saraakiisha iyo askarta booliska.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kooxaha weerarka fuliyay ay yihiin "mukhar ibiin” la mid ah argagixisada, sidaas darteedna lagama maarmaan tahay in si degdeg ah loo horkeeno maxka mad, halkaas oo cadaaladda lagu marsiiyo.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in hay’ adaha cadaaladda ay gutaan waaji baadkooda si loo ilaaliyo amniga iyo sharciga dalka.

"Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay In Horjoogayaal Al-Shabaab Lagu Dilay Moqokori”

Diyaarado dagaal oo ay wadeen cii -damada Dowladda Federaalka Soo maaliya, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa duqeyn qorshaysan ka fuliyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkan oo ay fuliyeen Ciidama da Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa lagu dilay saddex horjooge oo sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu shee gay bayaan kasoo baxay dowladda.

Mid ka mid ah horjoogayaashii la dilay ayaa la xaqiijiyay inuu yahay Cabdi Xiiray, sarkaal sare oo lagu eedeeyay inuu qorsheeyay weerarro isdaba joog ah oo lagu qaaday shacabka iyo ciidamada amniga ee ku sugan deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Ilaa hadda, dowladda ma soo band higin sawirrada horjoogayaasha lagu dilay duqeynta, balse saraakiisha ammaanku waxay sheegeen in howlgalkani yahay mid "strategic ah” oo lagu beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah oo kooxda xiriir la leh.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay da daallo lagu wiiqayo awoodda Al-Sha baab ee gobolka, iyagoo adkeeyay inay sii wadi doonaan weerarrada qor sheysan ilaa laga xaqiijinayo nabad da iyo xasilloonida shacabka Soo maaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay fal lagu carqaladeynayo amniga caasimadda

Warsaxaafadeed ay soo soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay ugu hadashay dagaalka ciidanka dowladda iyo Mucaaradka ku dhex maray Muqdisho.

"Dowladda Federaalka ee Soomaa liya waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula ware egaan Saldhigga Booliska ee Deg mada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.”ayaa lagu yiri warka

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay "Dowladda Soomaaliya waxay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shac abka iyo kan Ciidamada Qalabka Si da ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo arg agixisada.”.

"Dowladda Soomaaliya waxay cad deyneysaa in wixii shalay ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubni hii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka.” ayaa markale lagu yiri qoraalka

Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa siyaasiyiintaasi iyo ciddii kale ee khalkhal gelineysa amniga inay ka waantoobaan falalkaasi gura can, una hoggaansamaan sharciga iyo dastuurka dalka u degsan.

Ugu dambeyn DFS waxay caddey neysaa inay u taagan tahay ilaalinta sharciga, bedqabka shacabka iyo hantidooda, iyo in lala xisaabtamo cid kasta oo wax u dhimeysa amniga qaranka.

Shir ku saabsan horumarinta wadooyinka oo Dhuusamareeb lagu soo gabangabeeyey

Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeeynta dowladda FS Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shirka guddiga sare ee mashruuca horumarinta waddooyinka Soomaaliya oo ay isugu yimaadeen wasiiradda hawlaha guud iyo dib u dhiska DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirkan ayaa laga soo saarey War-saxaafadeed ay isku waaqafeen ka qayb galayaashu, kaasi oo ku saabsanaaa qodobada lagu gaaray gunnaanadka, Mashruuca Kaabayaasha Jidadka dalka ayaa ah mid u gudbaya wejiga dhismaha waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka bulshada iyo ganacsiga dalka iyo dibaddaba. Iyadoo maalinta berri ah la saxiixi doono qandaraaska dhisme ee wadada isku xirta Dhusamareb-Qaridhi oo ah waddo 60km ah.

Waxaana meel wanaagsan maraya hawlaha waddada Gaalkyo iyo Xarfo oo Puntland ah, oo iyaduna gaaraysa 67km oo goor dhow la saxiixi doono.

Waxaa sidoo kale meel gebogebo ah maraya howlaha qandaraas bixinta darasadeynta jidka isku xira Baladxaawo , Luuq iyo Doolow, halka hawlaha qandaraas bixinta ee Jidka Gaalkayo iyo Hobyo oo ah (100 km) ay si habsami ah u socdaan laguna tala jiro in muddo kooban lagu soo gebagebeeyo.

Guddigu waxa uu ku heshiiyey in la tixgeliyo dowlad goboleedka cusub ee Woqooyi-bari Soomaaliya marka la dooranayo waddooyinka cusub.

Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho

Raadiyo Muqdisho waxaa la aas aasay sanadkii 1951-kii, waxaana la -gu aas aasay shaqaale ka kala tirsa naa Soomaali iyo Talyaani, maadaa ma xilligaasi lagu guda jiray xornimo gaarsiinta, islamarkaana la abuuray hey’adaha dowladda kuwooda ugu muhiimsan, sida Radiyo Muqdisho, maadaama Soomaalida loo diyaaria nay inay maamulka dalka la waree -gaan marka la gaaro sanadka 1960-kii.

Haddaba Allaha u naxariistee Engi neer Xaaji Max’uud Cali Guuleed oo dhawaan ku geeriyooday laanta 1aad Gen.Daa’uud ee degmada War dhiigley, ayaa ka mid ahaa shaqaa lihii sanadkii 1951kii lagu aas-aasey Radio Mogadishu, Xaaji Max’uud wuxuu ka mid ahaa Farsamayaqaa nadii ugu horreeyay Raadiyaha lagu bilaabay ilaa iyo haddana wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha waaxda Idaacadda, inkastoo dhowrkii sano ee ugu dambeeyay uu xanuuns anayay.

Marxuum Maxamuud Cali Guuleed wuxuu ka mid ahaa farsamayaqaana dii ugu horreeyay ee ka howlgalay Radio Muqdisho (Codka Jamhuur iyadda Federaalka Soomaaliya), isa ga oo shaqadiisa ka bilaabay sanad kii 1950-meeyadii, waxa uu dalka dibaddiisa ku soo qaatay tababbarro kala duwan, gaar ahaan waddamada Jarmalka iyo Talyaaniga, taas oo aqoontiisa u sahashay in uu noqdo madaxii ugu horreeyay ee farsamada Radio Muqdisho, xil uu muddo dheer si hagar la’aan ah u hayay.

Intii lagu guda jiray burburkii dalka, Marxuumku ma uusan ka tegin xarunta Radio Muqdisho, wuxuuna sii watay shaqadiisa iyo taageerada uu u fidinayay bahda Warbaahinta, markii dib loo hawlgeliyey Raadiyaha Qaranka sanadkii 2009-kii, waxa uu ka mid ahaa Odayaashii dhiig cusub iyo talo soo kordhiyey, isagoo mar kale garab istaagay shaqaalaha cusub.

Booliska oo askar u soo xiray shacab lagu dhibaateeyay Siinaay.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, ayaa sha -lay shir jaraa’id ku qabtay Saldhiga Booliiska Degmada Wardhigley, isagoo faahfaahin ka bixiyay arrimo la xiriira amniga iyo xaalado dhow -aan dhacay.

Taliyaha ayaa sheegay in gacanta la gu soo dhigay afar askari oo ku eedeysan inay si bareer ah u dileen Axmed Siicow oo kamid ahaa shacabka deggan xaafadda Siinaay. Wuxuu intaas ku daray in askartaas dhawaan la horgeyn doono Maxkamadda, isla markaana lagu soo oogi doono dacwad ku saabsan waxyeellada ay u geysteen qof rayid ah.

Dhinaca kale, Taliye Macalin Mahdi ayaa digniin culus u diray xubnaha mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay hurinayaan colaad iyo xasillooni darro, taas oo uu sheegay in aysan marnaba Booliiska u dulqaadan doonin.

Iska hor’imaad dhexmaray ciidamada booliska iyo ilaalada mucaaradka Soomaaliya

Dowladda federal Soomaaliya ayaa cambaareysay iska hor’imaadka ka dhacay degmada Wardhiigley shalay.

"Dowladda waxay ka niyadjabsan tahay in shaqsiyaad doonaya in ay hoggaamiyaan dalka ay diyaar u yihiin daadinta dhiiga shacabka iyo ciidamada ammanaka ee ilaalinaya dalka, lana dagaalamaya argagixi sada”.

Dowladda fedealka waxay sheegtay in ay ka go’an tahay ilaalinta shacab ka iyo hantiodooda iyo xaqiijinta in lala xisaabtamo cidkasta oo wiiqeysa ammaanka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dadweynaha ay ka codsadeen in ay yimaadaan goobta.

"Anagoo shir leh ayaa waxaa noo yimid shacabkii aad warbaahinta ka daawateen…waxay naga codsadeen garab istaag… saladhigga nala taga" ayuu yiri Cabidraxmaan Cabdisha -kuur oo sheegay in iyaga rasaasta lagu riday

dhinaca kale, adaxweynihii hore Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo iska hor’imaadka kaddib dadweynaha la hadlay ayaa ku baaqay dibadbax.

"Madasha waxay dooneysaa inay ku baaqdo mudaaharadeed nabadeed oo algu diidan yahay falalka waxashnimada iyo dhulbooka ka socda muqdihos

Dhaawacyo badan oo la dhigay Isbitaalada Ku yaala Gaza.

Dhakhaatiirta ka hawlgasha mid ka mid ah isbitaaladii ugu dambeeyay ee magaalada Qasa ayaa sheegay in ay la ciirciirayaan dhaawacyada ka dhashay duqeymaha Israa’iil ayna ku qasban yihiin in ay sameeyaan qalliin ay ku jiraan xaalado adag oo aan lahayn daawooyin suuxdin ah.

Mid ka mid ah dhaqaatiirta Australia oo si mutadawacnimo ah ugu shaqey sanayay isbitaalka al-Shifa ayaa BBC u sheegay in maalin walba ay la kulmaan dhacdo dad badan ay ku dhinteen, halka mid kalena uu ka sheekeeyay sida cunug looga bad baadiyay jirka haweeney uur leh oo madaxa laga gooyay.

Ciidamada Israa’iil ayaa hadda 500 mitir u jira isbitaalka iyaga oo ballaar inaya duullaanka dhulka ah si ay si buuxda ugula wareegaan magaalada Qasa, taas oo milatariga Israa’iil ay ugu "goob ay ku xoogan yihiin”. Xamas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in taangiyada ay ku sii siqayaan barta maha magaalada iyagoo ka kala imaanaya koonfurta iyo waqooyi-galbeed.

Xigasho:-BBC

Dowladda Fedaraalka oo shaacisay heerka uu marayo Kaluumaysiga sharci darada ah ee Xeebaha Soomaaliya

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Buluuga ee Xukuumad da Federaalka Soomaliya ayaa shaa -ca ka qaaday in xadgudubyada ka dhaca dhinaca Badda ee la xiriira Kaluumaysiga sharci darada ah inuu dhaxeyso 25% ilaa 60%.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Buluuga Axmed Xasan ayaa sheegay in Wasaaradu ay ku howlan tahay dedaalada lagu dhisayo ciidamada ilaalada xeebaha dalka si loo soo afjaro Kaluumeysiga sharci daradda ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiir Axmed Xasan in kiisaska la xariira Kalluumaysiga sharci darada ah ay u dacweeyeen dalal qaarkood saaxiibo dhow la ah dowladda Soomaaliya.

"Kalluunka Soomaaliya boobkiisa wuu socdaa, Dowlado aan saaxiibo nahay qaarkood ayaa u dacweynay arrintaan, waxaa jira kuwo ku howlan ilaa hadda in ay dhacaan khayraatka Dalka oo aan wadno in aan kala hadalno in ay biyaha isaga baxaan” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraatka Buluugga ah Axmed Xasan.

Wasiir Axmed ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya xogtaan ay ku ogaatay dayaxa macmalka ah (Satellite) maadaama ay xubin ka tahay ‘Copenhagen agreement’ oo ahaa heshiis looga hortagayay kalluu maysiga sharci darrada ah.

Waxuu bogaadiyay tallaabooyin ay qaadeen Maxkamadaha dalka oo lagu xukumay dad kaluumaysi sharci darro ah ka sameeyay xeebaha dal ka, isagoona xusay in haatan la xooj iyay ciidanka ilaalada xeebaha dalka.

"Baaris saddex sanno ah oo ay Dowladdu samaysay waxaa usoo baxday natiijada ah in 500,000 ilaa 800,000 oo kun oo Metre tan oo ah Kalluunka Nooca Tuunaha ah laga samayn karo, dhaqaalaha laga heli karana ay ka badan tahay bal bilyan oo doollar" ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Buluuga ah Axmed Xasan.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya, iyado Soomaaliya ay heshiis dhinaca difaaca Badda ah kula jirto dalal kala duwan sida Turkiga waxana socda qorshe lagu dhisayo ciidamo xooggan oo awood buuxda u yeelan kara mustaqbalka ilaalinta Badda si looga hortago Maraakiibta sida sharci darada ah uga kalluum aysto Xeebaha Soomaaliya.

Itoobiya oo ka hadashay sarkaal sare oo katirsan ciidanka Puntland oo lagu dilay Calmiskaad

Dowladda Itoobiya ayaa ka tacsiyay say geerida Taliyihii Guutada Labaad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland, Gen. Cabdi Cali Qalyare, kaasoo ku dhintay qarax miino oo doraad lagula beegsaday Calmiskaad.

Sarkaalkan iyo darawalkiisii ayaa lagu aasay magaalada Garowe, wax aana dilkiisa sheegtay kooxda Daa cish sida ay ku faafiyeen barta Twitterka.

Qunsulka Itoobiya u fadhiya magaala da Garowe, Negashiny Yetnegachu, ayaa ku tilmaamay Gen. Qalyare inuu ahaa geesi si adag ula dagaala may kooxaha argagixisada, isaga oo sheegay in dowladda Itoobiya ay tacsida la qaybsanayso shacabka Puntland iyo qoyska uu ka geeriy -ooday.

Yetnegachu wuxuu sheegay in Al-Shabaab iyo Daacish ay yihiin labo cadow oo khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Waxa uu intaas ku daray in Itoobiya ay garab taagan tahay midnimada Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Sidoo kale, Qunsulka Itoobiya ayaa ka hadlay arrinta biyo-xireennada Itoobiya, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhismayaashaasi – ha ahaadeen kuwo waaweyn ama kuwo yaryarba – aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin kheyraadka biyaha ay Soomaaliya la wadaagto Itoobiya.

"Waxaan aaminsanahay in dhammaan kheyraadka ay dalalka Bariga Afrika wadaagaan, ha noqdaan biyo ama kuwo kale, lagu xallin karo wadahadal iyo isfaham,” ayuu yiri Negashiny Yetnegachu.

Qunsulku waxa uu sheegay xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia inuu haatan marayo meel aad u wanaagsan, isagoo sheegay in dalkiisu uu qorshaynaya inuu Soomaaliya iyo dalalka bariga Afrika uga faaidaysan doono mashruuca laga dhalinayo biyo xireenka cusub ee dhawaan xariga looga jaray.

Trump oo QM ku tilmaamay Qalinshubato

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cambaareyn dusha uga tuuray ururka Qaramada Midoobey oo uu sheegay in uu ka bayray ujeed dooyinkii loo abuuray, islamarkaana uu farahaha la galay arrimo aan sida uu sheegay dhalanteed ah.

Madaxweyne Trump oo ka hadlayey sababihii loo dhisay QM ayaa sheegay in markii hore ururka loo abuuray ilaalinta nabadda adduunka iyo ka hortagga dagaallada, balse labadaba uu ka gaabiyey.

Trump ka hadlayey sannadlaha ah ee Golaha Guud ee Q.M. uga socda magaalada New York, ayaa dhanka kale dafiray jiritaanka isbeddelka cimilada iyo halista ay dunida ku hayso oo uu ku tilmaamay mashruuc qalin-shubatonimo.

Donald Trump oo ka hadlayey fashilaadda Golaha Ammaanka ka haysata ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dunida, ayaa tibaaxay in golaha ay ka dhex jirto xarig-jiid siyaasadeed oo ragaadiyey hawlaha Qaramada Midoobey.

Gabar wariye ah oo shaqada looga eryey qoraal ay ku saabsan Qasa oo A$150,000 xaal loo siiyey

Wardbaahinta Qaranka Australia (ABC) ayaa lagu amray in uu raalli -gelin buuxda iyo lacag ku dhaw boqol kun oo Dollar xaalmarin u siiyo gabar wariye ah oo shaqada looga eryey qoraal ku saabsan dagaalka Qasa oo ay baraha bulshada dhigtay.

Maxkamad heer federal ah ayaa war baahinta ABC ku heshay in ay gef ka gashay Antoinette Lattouf oo ah gabar wariye ah oo si halhaleel ah shaqada looga eryey bishii Desemb -ar 2023, ka dib markii kooxo u ololeeya Israa’iil ay dacwad ka gudbi yeen.

Tillaabada shaqada looga eryey Lattouf oo lagu micneeyey midab-takoor, ayaa warbaahinta ABC u soo jiiddey dhaleecayn ballaaran oo uga timid dadweynaha iyo kooxaha u dhaqdhaqaaqa xaquuqda aadamiga, ku waas oo su’aalo ka keenay siyaasadaha ABC ee ku aadden mab aa’diida madaxbannaanida, dhexdhe xaadnimada iyo sinnaanta.

Garsoore Darryl Rangiah oo dacwaddan qaadday ayaa sheegtay in meel looga dhacay xaquuqda qofnimo ee Antoinette Lattouf, ka dib markii maamulka ABC uu u hogtay cadaadis uga yimid kooxo danley ah. Maxakamaddu waxay ku xukuntay warbaahinta ABC ganaax lacageed oo gaaraya $99,200 iyo raalligelin buuxda, si taasi cashar ugu noqoto cid kasta oo ku fikireysa in ay xadgudub caynkan ah gasho.

Eedda loo qabsaday Lattouf ayaa ahayd in ay sii wadaagtay qormo ay daabacday hay’ada xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, taas oo Isra’il ku eedeysay in cuneqabateynta dadweynaha u adeegsadaan hub ahaan, taas oo ah eedeyn ay ku soo celceliyaan kooxaha u ololeeya xaquuqda aadanaha, balse ay Israa’iil iska diiddo.

Duufaantii ugu xoogganeyd oo dad ku dishay Taiwan, qalqalna gelisay Shiinaha iyo Hong Kong

Duufaanta xooggan ee Ragasa ayaa ku wajahan koonfurta dalka Shiinaha ka dib markii ay Talaadadii ka soo gudubtay waqooyiga dalka Filibiin. Hoos ka eeg burburka ay geysatay ilaa hadda:

Filibiin

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dalka Filibiin ka dib markii Ragasa ay ku dhufatay jasiiradaha fog fog ee waqooyiga Isniintii isla markaana ay ka tagay daadad.

Taiwan

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay duufaanta, halka in ka badan 120 kalena la la’yahay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan dadka dhintay iyo kuwa la la'yahay ay ku sugan yihiin magaalada Guangfu ee degmada Hualien ee bariga Taiwan.

Biyo-xireen dhul go’ay ayaa laba jeer buuxdhaafay Talaadadii, isagoo sii daayay qiyaastii 60 milyan oo tan oo biyo ah, wuxuuna kiciyay daadad xooggan oo ka dhacay magaalada Guangfu.

Dhanka kale guddoomiyaha tuulada Damaca ayaa sheegay in tuulada oo dhan ay biyuhu buux dhaafiyeen xaaladuna ay tahay mid qasan.

Hong Kong

Waaxda Hong Kong Observatory ayaa soo saartay digniintii ugu sarreysay ee duufaanta, iyadoo dadka ugu baaqday inay gudaha ku jiraan

Gegida diyaaradaha ee caalamiga ah ee magaalada iyo iskuullada ayaa la xiray iyadoo la filaayo duufaanta.

Shiinaha

In ka badan hal milyan oo qof ayaa laga daadgureeyay koonfurta gobolka Guangdong, halkaas oo la filayo in Ragasa ay ku dhufato.

Magaalooyinka koonfurta Shiinaha ee Zhuhai, Shenzhen iyo Guangzhou - oo dhammaantood ku yaal gobolka Guangdong - ayaa isku dayaya inay soo galaan biyaha badda qiyaastii duhurnimadii waqtiga maxalliga ah.

Magaalada Zhuhai, booliisku waxay ku gaaf wareegayaan waddooyinka iyaga oo wata teleefanno waaweyn, iyagoo dadka u sheegaya inay guryahooda joogaan - in kasta oo aad si dhib leh u maqli karto digniinahooda ka sarreeya dabaylaha iyo roobka.

Maxaa doraad Trump ka qabsaday Xarunta QM?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mashaqo kala kulmay xarunta Qaramada Midoobey ee New York, halkaas oo uu u tagey in uu khudbad ka jeediyey kulanka Golaha Guud.

Trump ayaa aad ugu han weynaa in uu jeedin doono khudbad meelo badan taabaneysa oo uu isaga mayro jacdii ka raacday doorkii hore ee uu madasha ka hadlay, balse wuxuu mar kale kala kulmay wajigabax.

Madaxweyne Trump oo ah nin isla weyn oo jecel in wax walba isugu toosaan ayaa ugu horreyntiiba waxaa ka jajabiyey wiishka wareega ee lagu koro afaafka hore ee xarunta QM oo isaga iyo xaaskiisa meel dhexe kula jabay. Waxaana la arkayey Trump oo careysan oo malaha u qaatay in si ku-talo-gal loola halleeyey wiishka.

Arrinta labaad ee Trump ku qabsatay xarunta QM ayaa ahayd in markii uu masraxa koray ay cillad ku timid aaladda loo yaqaan Teleprompter-ka, taas oo ah shaashad madaxdu ka akhriso khudbooyinka. Sidaasna wuxuu ku lumiyey khudbaddii uu ugu talogalay madasha.

Trump, waxaa halkaas ka raacday jac kale oo uga dhigneyd in maradu uga furatay madal loo dhan yahay. Inkasta oo mar dambe la hagaajiyey mishinkii akhriska, haddana Trump kama soo waaqsan shilkii labaad ee ka soo gaarey Golaha Guud ee QM oo uu ka jeediyey khudbad socotey 55 daqiiqo oo aan wax laga qaato lahayn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip