Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo guddoomiyay kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada Soomaaliya iyo Qatar

0
Tuesday September 23, 2025 - 15:43:31 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo guddoomiyay kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada Soomaaliya iyo Qatar

    Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa guddoomiyay kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar. Kulanka ayaa l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa guddoomiyay kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar. Kulanka ayaa looga hadlay diyaarinta iyo dardar-gelinta is afgaradyada dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah ee ay kala saxiixanayaan labada dowladood, kuwaas oo ay ka mid yihiin; •⁠ ⁠Iskaashiga Difaaca •⁠ ⁠Dhalinyarada iyo Ciyaaraha •⁠ ⁠Waxbarashada Sare iyo Dhaqanka •⁠ ⁠Warbaahinta •⁠ ⁠Maaliyadda (Cashuuraha iyo Kastamka) Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa xusay in heshiisyadani ay qayb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, lana doonayo in si toos ah loogu turjumo adeegyo iyo fursado shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa jira heshiisyo wali socda oo ku saabsan Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amniga Gudaha, Iskaashiga Tacliinta Sare, iyo Beeraha iyo Amniga Cuntada, kuwaas oo lagu xallinayo dhinacyada ka harsan ka hor saxiixa rasmiga ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip