Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay shirka astaynta dowladnimada Falastiin

0
Tuesday September 23, 2025 - 15:42:22 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay shirka astaynta dowladnimada Falastiin

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami oo looga hadlayay ictiraafka dowladnimada Falastiin iyo x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami oo looga hadlayay ictiraafka dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujisay mowqifkeeda joogtada ah ee ah garab-istaagga shacabka iyo dowladda Falastiin, iyada oo ka mid ahayd Dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin, isla markaana taageero joogto ah u muujisay dadaallada lagu xaqiijinayo dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiirigelinaysaa dalalka qaatay go'aanka taariikhiga ee ku aaddan ictiraafka dowladda reer Falastiin, taas oo xoojinaysa xasilloonida iyo nabadda gobolka, xaqiijinaysana xuquuqda taariikhiga ah ee dadka Falastiin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip