Ra'iisul Wasaaraha oo qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey'adda Care

0
Tuesday September 23, 2025 - 15:34:53 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha oo qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey'adda Care

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey'adda Care International, Mr Apollo Gabzira. Labada dhinac ayaa waxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey'adda Care International, Mr Apollo Gabzira. Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen dardargelinta mashaariicda ay dalka ka fuliso hay'adda iyo sidii ay u waafajin lahaayeen Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP) oo qeexaya barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda. Ra'iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Hey'adda Care International taageeradooda ku aaddan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, dib-u-dhiska, xasillinta iyo bani'aadannimo iyo wada shaqaynta joogtada ah. Dhinaca kale, Apollo Gabzira, ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan mashaariicda ay Hey'adda Care International ka waddo Soomaaliya ee ku aaddan taageerada shacabka Soomaaliyeed, iyada oo lagu salaynayo mudnaanta bulshada iyo qorshaha Xukuumadda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip