HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA 18 SEPTEMPER 2025

0
Thursday September 18, 2025 - 08:16:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA 18 SEPTEMPER 2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh: "Soomaaliya iyo Masar waxaa u dhexeeya xiriir taariikhi ah oo dheer

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mu -dane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku xaqiijiyey wareysi uu siiyey kanaalka "Al-Arabiya” adkeysiga iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo kan istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soo -maaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.

Madaxweynaha ayaa yiri: "Soomaa liya iyo Masar waxaa u dhexeeya xir -iir taariikhi ah oo dheer, shalay sid -oo kale waxaan nahay laba saaxiib oo istiraatiiji ah, xiriirkan ayaa dib ugu laabanaya xilligii ka horreeyey ma dax-bannaanida Soomaaliya ee kon tameeyadii qarnigii hore, markii uu Maxamed Cabdullaahi Nasser xukun ka hayay iyo markii Kanaalka Suwe -ys la weeraray, Soomaaliya weli ma helin madax-bannaanideeda, balse shacabka Soomaaliyeed waxay taag naayeen dhinaca Masar.”

Wuxuu intaas ku daray: "Xaqiiqdu waxay tahay in xiriirkeennu uu dib ugu laabanayo kumanaan sano, tan iyo markii boqoradda Hatshepsut ay booqatay Soomaaliya in ka badan shan kun oo sano ka hor, shalay Masar waxay markii ugu horreysay ka qaybqaadaneysaa hawlgalka Mi dowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya.”

Madaxweynuhu ayaa yiri: "Inkastoo hawlgallada noocan oo kale ah ay la socdaan dib u dhacyo "Bureaucracy” ah, ha ahaato Midowga Afrika, Qara mada Midoobay ama hay’ado kale, haddana Masar waxay dhammaysay qiimeynteeda, waxayna dirtay saraa kiil si ay u daraaseeyaan dhulka oo u go’aamiyaan goobaha ay ka howlgali doonaan, waxaan sugeynaa imaan shaha ciidamadii ugu horreeyey ee Masar si ay ugu hoos shaqeeyaan Midowga Afrika.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intaas ku daray: "Masar sanado ba dan waxay si toos ah u siisay taa geero ciidamada ammaanka iyo difaa ca Soomaaliya, iyada oo loo marayo tababar iyo qalab bixinta qaar, sidaas darteed xiriirka Soomaaliya iyo Masar waa mid aad u xooggan.”

Guddoomiyaha soDMA oo ka qeyb galay shir looga hadlay khataraa cimilada

Guddoomiyaha Hay’adda Maareyn ta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu falanqeynayey fursadaha maaliyadeed ee wax looga qaban ka ro khataraha iyo musiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimillada.

Shirka waxaa sidoo kale ka soo qey b galay xubno ka tirsan Golaha Wasii rrada, Xildhibaanno iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qo to dheer looga dooday caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo sida loo heli karo maalgelin iyo taa geero dhaqaale oo wax ku ool ah, si wax looga qabto saameynta sii kor dheysa ee arrintan.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo fursado maaliyadeed oo waara, si Soomaaliya ay ugu diyaar garowdo loona xakameeyo halista musiibooyinka dabiiciga ah ee sii kor -dhaya sababo la xiriira isbeddelka cimilada.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali -ya mudane Xamsa Cabdi Barre aya a xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Sooma -aliya Mr. Wang Yu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashi -ga labada dal ka dhaxeeyo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay sii yaan Soomaaliya, gaar ahaan arrima -ha iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadannimida.

Danjire Wang Yu ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ee ka dhaxeeyo labada dal, gaar ahaan dhinacyada kala duwan ee muhiimka u ah labada Jamhuuriyadood.

Duqa muqdisho oo xarigga ka jaray 12 waddo

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muq -disho ayaa shalay si rasmi ah xari gga uga jaray 12 waddo oo Intarloog ah (Interlock), kuwaas oo laga hirge liyay Waaxda Xaawo Taako ee deg -mada Hawlwadaag.

Mashruuca dhismaha waddooyinkan waxaa si wadajir ah u fuliyey bul shada deegaanka iyo Maamulka Go -bolka Banaadir.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay in xasillo -onida iyo nabadgelyada ka jirta caasimadda ay saldhig u noqdeen horumarka socda. Wuxuu caddeeyay in canshuurta shacabka lagu celin doono, loona adeegsan doono dhis maha waddooyinka muhiimka ah iyo adeegyada kale ee bulshada aas-aa siga u ah.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu shaaciyay in dhismaha Wadada War shadaha uu qorshe ku jiro islamar kaana qiimeyn lagu sameynayo, hal ka Daalo iyo Fagax uu ballan qaaday in maalmaha soo socda si muuqata wax looga qaban doono.

Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay shacabka in ay gacan ka geystaan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda ma gaalada.

Waxaana munaasabadda xarig-ka-jarka goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Cabdi majiid Daahir Aadan, agaasimayaal ka tirsan maamulka gobolka, iyo ma daxda degmada.

Taliska ciidanka xoogga iyo SoDMA oo ka wada hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa goobaha laga xoreeyay alshabaab

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdul -le, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Tali -yaha Ciidanka Xoogga Dalka, Saree-ye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

Labada mas’uul ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladda guud ee cimillada iyo qorshayaasha la xiriira hawlaha dib u xoreynta dhulka ay ga canta ku hayaan alshabaab.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hay’adda SODMA ay uga qayb qaadan lahayd gurmadka bini’aadan nimo ee la gaarsiinayo deegaannada cusub ee la qorsheynayo in laga xoreeyo alshabaab.

Waxaa la isku afgartay in SODMA ay u diyaargarowdo sidii ay u gaar siin lahayd gargaarka degdegga ah goobahaas, isla markaana ay hog gaanka u noqon lahayd isku dubbar idka dhammaan howlaha bini’aadann -imo.

Sidoo kale waxay labada mas’uul isla qaateen in la sameeyo guddi fars amo oo kala matala Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo hay’adda SoDMA.

Guddigaan ayaa si dhow uga wada shaqeyn doona sidii loo fulin lahaa qorshayaasha gargaarka iyo taage erada loogu fidinayo dadka ku nool deegaannada la xoreeyay.

Sareeye Gaas, Odowaa Yuusuf Raage ayaa sidoo kale ka codsaday Gudoomiyaha SODMA in hay’addu ay ciidanka xoogga dalka ka caawiso sidii ay qayb uga noqon lahayd gaar siinta gargaarka iyo caawinta dadka ku nool goobaha ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha adag.

Kulankan ayaa muujinaya muhiima dda iskaashiga wadajirka ah ee ka dhaxeeya hay’adaha dowladda, si loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, loona gaarsiiyo gar gaar degdeg ah xilliyada ay u baahan yihiin.

Soomaaliya oo Shiinaha kaga qayb gashay shirweynaha Caalamiga ah ee Injineeriyadda

Waxaa shalay si rasmi ah uga fur may magaalada Tianjin Shirweynaha 5aad ee Injineeriyadda "International Engineering and Construction Supply Chain Expo” iyo Shirka 9aad ee Inter -national Market Report Conference for Foreign Contracted Projects cum ‘Belt and Road’ Project Matching and Exchange Conference.

Labadan shir ee heerka caalami ah ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaba nqaabisay Wasaaradda Ganacsiga ee dowladda Shiinaha, iyagoo isugu keenay madax sare, danjireyaal iyo wakiillo ganacsi oo ka kala yimid dacallada dunida.

Soomaaliya waxaa shirkan uga matalayay Agaasimaha Guud ee Wa saaradda Ganacsiga iyo Warsha daha XFS, Mudane Ibraahim Axmed Cusman, oo khudbad muuqaal ah ka jeediyay furitaanka shirweynaha.

Mudane Ibrahim ayaa khudbaddiisa ku iftiimiyay iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shii -naha, kobaca dhaqaalaha iyo fursa -daha maalgashi ee ka jira dalka, doorka ay Soomaaliya ka ciyaarayso horumarka gobolka iyo dedaallada Belt and Road Initiative.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay horu marka ay Soomaaliya ka sameyney so dhinacyada ganacsiga, warshad aha iyo taageerada ganacsatada yar yar iyo kuwa dhexdhexaadka ah.

Carwada iyo shirka la socda waxay fursad u noqdeen in la xoojiyo xiriirka ganacsi ee la isku baro hay’adaha dowliga ah, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo maalgashadayaasha caalamiga ah, iyadoo Soomaaliya si firfircoon ay uga qeyb qaadatay dood aha iyo kulamada isbarasho ee hal kaasi ka dhacay.

Wasiirka Caafimaadka oo xusay maalinta caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadd a Federaalka Soomaaliya, Dr, Cali Xaaji Aadan ayaa shalay ka qeyb galay munaasabadda lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka, taas oo sannad kasta lagu xuso 17-ka Sebtembar.

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Qalabka, Daawa da iyo Xarumaha Caafimaadka ee Wasaaradda, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasime Waaxeedyo, Madax Qeybeedyo, Agaasimayaasha Isbitaallada Dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay, Dhakhaatiir, Aqoonya hanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan bahda caafimaadka.

Intii lagu guda jiray munaasabadda ayaa laga hadley muhiimadda badq abka bukaanka iyo doorka uu ku lee yahay kor u qaadista adeegyada caa -fimaad ee dalka.

Waxaa sidoo kale lagu xusay in Wasaaradda Caafimaadku ay mud naan gaar ah siin doonto sugidda am niga iyo badbaadada bukaan kasta oo adeeg caafimaad ka helaya xaru maha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aaden ayaa sheegey in maalintan muhiimka ah ku tilmaamey maalin isxusiin waajibaad qaran taasoo ah in ka ogaado muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo badqabka muwaadinka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Dary -eelka Bulshada Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an horumarinta adeegyada caafimaad iyo xaqiijinta badqabka bukaanka taasoo ah mid waajib ah islamarkaana ka mid ay ahdaafta Wasaaradda Caafimaadka.

Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo midowga Yurub oo ka wada hadlay xal u helidda dadka ku barakacay dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa u Adkeysiga Afooyin ka ee Midowga Yurub, Marwo Mayra.

Kulanka, oo ka dhacay xarunta Mid -owga Yurub ee magaalada Nairobi, waxaa diiradda lagu saaray dardarg elinta howlaha xal u helidda dadka ku barakacay dalka iyo meel-marinta sharciyada, sida sharciga qaxootiga iyo magangelya doonka.

Hay’adda ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii loo abuuri lahaa waxqabad muuqda oo xal loogu raadinayo bul shada barakacday, iyadoo la kaasha naysa daneeyeyaasha u heelan wax ka qabashada arrimahan.

Hindiya oo shixnad dawo ah ugu deeqday Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuum adda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa dowladda India kala wareegay 10 tan oo daa wooyin kala duwan ah, kuwaas oo qayb ka ah taageerada joogtada ah ee dalalka saaxiibka la ah Soomaa liya ay ugu deeqaan caafimaadka shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda lagu wareejinayay deeqdan caafimaad oo ka dhacday Dekedda Muqdisho, ayaa waxaa goo -bjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala du wan oo ay ka mid yihiin Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh, Agaasimaha waaxda Qalabka iyo Daawada Dr. Mohamed Abdullahi, Maareeye ku-xigeenka Dekedda Muqdisho, Dr. Cali Xaaji Maxamed Warsame iyo xubno kale.

Wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa uga mahadceliyay Dowladda India deeq dan muhiimka ah ee daawooyinka ah, isagoo xusay in ay gacan ka geysan doonto taageeridda xarumaha caafi maadka iyo wax ka qabashada baah iyaha caafimaad ee shacabka.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaa liya ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka, tayeynta xarumaha caafimaad, iyo hubinta heli taanka daawooyin tayo leh oo ku fil -an bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo dowladaha saaxiibada la ah, gaar ahaan Dowladda India uu yahay mid muhiim ah oo lagu horumarinayo ad eegyada caafimaad, looguna adeeg ayo bulshada Soomaaliyeed si hufan.

Taliyaha ciidanka dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay geesiyaasha xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdu -llaahi Cumar (Jeneraal Khaalid) ayaa degmada Ceeldheer ugu qabtay gee -siyaasha Ciidanka Xoogga Dalka munaasabad isugu jirtay duco loogu sameeyay shuhadadii ku dhimatay dagaalka, dhiirrigelin iyo abaalmarin la siiyay ciidankii casharka u dhigay alshabaab.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Hirshabeelle, Jeneraal Xasan Dhicisow, saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka, iyo maamul ka degmada.

Dhamaan masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay guusha ay gaareen geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gudoonsiiyay Daljiraya -asha Xoogga Dalka iyo saraakii shooda shahaadooyin sharaf, billado abaalmarin ah iyo dhiirrigelin gaar ah.

Tani waxay dhiirrigelin gaar ah u tahay geesiyaasha Xoogga Dalka ee difaaca qaranka.

Wasiirka waxbarashada oo shir caalami ah uga qaybgalaya Tunisia

Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha -da, Hiddaha iyo Tacliinta sare muda -ne Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Agaasinka guud ee Hiddaha iyo Tac -liinta sare mudane Maxamed Cabdul laahi Maxamuud, ayaa ka qeybgalay shirka Ururka Waxbarashada, Dhaqa nka iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Carabta (ALECSO) oo ka dhacay ma -gaalada Tunis ee Cassandra dalka Tuunis.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen wasiirro iyo xoghayayaasha Guddiya da waxbarashada dhaqanka iyo tikna loojiyada, oo ka socday dalalka Cara -bta ayaa diiradda lagu saaray:

– Iskaashiga iyo wada shaqeynta dal alka Carabta ee dhinacyada waxbar ashada, dhaqanka, iyo cilmiga.

– Xoojinta awoodda ALECSO si loo fuliyo mashaariic muhiim ah oo la xiriira dhaqanka, waxbarashada, iyo daraasaadka cilmiyeed.

– Kordhinta taageerada dhaqanka iyo hubinta in siyaasadaha dhaqanka ay ka qeyb qaataan horumar waara iyo is-dhexgal bulsho.

Ka qeybgalka Wasiirka iyo Agaasima ha Guud ee Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa muujinaya sida Soomaali ya ay uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato iskaashiga Dalal ka Carabta ee dhinacyada waxbara shada, cilmi-baarista, iyo kobcinta dhaqanka, si loo horumariyo jiilka cusub ee Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada Carabta.

Israa’iil oo ballaarisay howlgalkeeda Qaza, guddiga Qaramada Midoobay oo ku eedeeyay xasuuq

Ciidamada Israa’iil ayaa sii ballaari yay howlgaladooda ka socda Marin ka Qaza, iyagoo kordhiyay duqeyma ha iyo weerarada dhulka, taas oo sab -abtay khasaare culus oo soo gaaray shacabka rayidka ah.

Warbixin cusub oo ka soo baxday guddi gaar ah oo Qaramada Midoo bay ka tirsan ayaa si kulul ugu eedee yay Israa’iil inay geysatay falal lagu tilmaamay xasuuq iyo jebinta shar ciga caalamiga ah ee bini’aadantini -mada.

Guddigu wuxuu sheegay in weerar ada joogtada ah ee lagu beegsanayo guryaha, xarumaha caafimaadka iyo goobaha dadweynaha ay muujina yaan in Israa’iil aysan ilaalin karin ma suuliyadda ay ka saaran tahay ilaal inta dadka rayidka ah.

Dadka degaanka Qaza ayaa wali wajahaya xaalad bani’aadannimo oo aad u adag, iyadoo adeegyada caafi maadka iyo raashinka ay sii yaraana yaan, halka hay’adaha gargaarku ay ku baaqayaan in si degdeg ah loo joojiyo weerarada.

Maamulka Waqooyi Bari oo Somaliland ku eedeeyay in ay abaabul ciidan ku guda jirto

Maamulka Waqooyi Bari ayaa si adag uga hadlay waxa uu ku sheeg ay abaabul ciidan oo halis ku ah xasil loonida gobolka, kaas oo uu maamul ku ku eedeeyay in ay wado Somali -land.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in maamulkaasi si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay Somaliland ka wado xadka, kuwaas oo loogu diyaar garoobayo weerar ka dhan ah bulshada deggan Waqooyi Bari.

"Ficilkan qorsheysan wuxuu khatar weyn ku yahay nabadda iyo xasil loonida aan ku soo dhisnay dadaal badan, wuxuuna saameyn karaa guud ahaan gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa shee gay in Somaliland lagula xisaabtami doono wax kasta oo ka dhasha ficila dan oo uu ku tilmaamay "gardarro,” isagoo sheegay in Somaliland qaadi doonto mas’uuliyiyada buuxda wax yeello kasta oo ka dhalata.

Sidoo kale, maamulka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soom aaliya in ay gudato waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ah ilaalinta midnima da dhuleed ee Jamhuuriyadda Soom aaliya iyo difaaca shacabka. Waxaa kale oo uu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo beesha caalamka in ay si cad u cambaaree yaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Somalilan.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa shee gay in ay diyaar u yihiin in ay iska dif aacaan weerar kasta oo kaga yimaa da Somaliland lakiin ay doorbidayaan xal nabadeed in lagu dhameeyo is fahan waaga.

Somaliland dhankeeda may sheegin in ay wax dhaqdhaqaaq ciidan ah ka wado deegaamada jiidaha, isla mar kaana ilaa hadda kamay jawaabin eedaha maamulka Waqooyi Bari.

Ciidanka Uganda oo sheegay inay dileen horjoogihii Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose

Ciidanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay aa sheegay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada Uganda.

Cismaan Xuseen Buune oo lagu sheegay inuu ahaa horjoogihii Al-Sha baab ee Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay weerar lama filaan ah oo ay ciidanka UPDF ka fuliyeen meel u dhow Buulo Mareer Axaddii, 14-kii Sebteembar, sida ay shaacisay Waaxda Isgaarsiinta ee UPDF.

Taliyaha Sektor-ka Koowaad, Jene -raal Brig Joseph Musoke Ssemwan ga, ayaa war kooban ku sheegay in hawlgalka lagusoo qabtay bastoolad, boorso yar, durbaan iyo laba talee foon gacmeed, iyo waliba agab kale.

War ka soo baxay ciidanka Uganda ayaa lagu sheegay in Jeneraal Ssemwanga uu ciidamada ku dhiirrigeliyay in AUSSOM, hoggaa nka UPDF, iyo saaxiibbada caalamka ay weli ka go’an tahay in la burburiyo shabakadaha argagixisada lana soo celiyo xasilloonida Soomaaliya.

Bishii hore, ciidanka Uganda oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), ayaa howlgal ballaaran oo ka dhacay Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay in ka badan 50 Shabaab ah, oo ay ku jireen saraakiil.

Trump oo booqashadiisa UK banaanbaxyo lagala hor yimid

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada London ee Portland Place banaanbax looga soo horjeedo booqashadii labaad ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Qabanqaabiyeyaasha "Jooji Isbaha ysiga Trump” oo ah koox ka kooban in ka badan 50 ururro iyo samafalay aal ah waxay bilaabeen socodkii Whitehall abbaare 5tii galabnimo Afrikada bari.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ka mid yihiin "maya cunsuriyadda", "maya Trump" iyo "jooji hubaynta Israa'iil".

In ka badan 1,600 oo askari oo boo -liis ah ayaa la geeyay oo ay ku jiraan 500 oo ka socda ciidamo kale.

Ku xigeenka kaaliyaha ciidamada, Louise Puddefoot, ayaa sheegtay inay "maalin kale oo mashquul ah" uu u ahaan doonto saraakiisha. Mudaaharaadkan ayaa imaanaya maalmo un kadib markii ay UK lagu mudaaharaaday.

Waxay intaa ku dartay in booliisku ay "xiriir dhow" la sameeyeen qabanqa abiyeyaasha waxayna ka codsadeen dhammaan ka banaanbaxayaasha inay "tixgaliyaan bulshada deegaan ka" oo ay yareeyaan carqaladaynta.

Abaabulayaasha waxaa ka mid ah kooxo u ololeeya cimilada ilaa koox aha ka soo horjeeda cunsuriyadda iyo ururada Falastiiniyiinta.

Hay'adaha gargaarka oo ku baaqaya in tallaabo laga qaado Israa'iil

In ka badan labaatan hay'adood oo gargaar oo ka shaqeeya Qasa ayaa ugu baaqay madaxda caalamka in ay tallaabo qaadaan ka dib markii guddi Qaramada Midoobay ay soo gabaga beeyeen baaritaan ay sameyeen isla markaana ay ku sheegeen in Israa'iil ay wado xasuuq.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheeg ay in dowladuhu ay adeegsadaan qa lab kasta oo siyaasadeed, sharci iyo dhaqaale oo suurtagal ah si ay u fara geliyaan xaaladda cakiran.

Israa'iil waxay sheegtay in warbixinta Qaramada Midoobay ay ahayd mid dhinac u xaglinaysa.

'Ragga bidaarta leh oo halis ugu jira wadne xanuunka'

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ragga bidaarta leh ay halis ugu jiraan xanuunada wadnaha in ka badan ragga cayilan ee da'd -oodu ka hooseyso 40 jirka.

Daraasada oo lagu sameeyay illaa 2,000 oo rag dhalinyaro ah oo Hindi -ya ku nool in ay badankood qabaan xanuunada wadnaha, intooda bada -na waa kuwa qaba bidaarta ama cirro.

Mac-hadka xanuunada wadnaha ee Yurub ayaa daraasadan sameeyay 2017-kii, waxaana laga shaaciyay shirweynaha ururka dhaqaatiirta wad naha ee Hindiya.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in 50% ragga qaba xanuunada wadna ha ay durba cirro kasoo baxdo iyaga oo aanan gaarin xiligii tintooda ay cirroobi lahayd.

Boqolkiiba 49% ragga qaba xanuun ada wadnaha waxa ay yeeshaan bidaar ka hor xiligii laga filan karay in ay bidaar yeeshaan.

Daraasadan wixii ka horeeyay waxaa kaliya loo maleynayay in cayilnaanta ay tahay sababta ugu badan ee keenta wadne xanuunka.

Cilmi baaris kale oo la sameeyay sanadkii 2013, laguna sameeyay rag gaaraya 37,000 oo qof ayaa waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 32% dad kaas ay qabaan xanuuno wadnaha la xiriira.

Sidoo kale, daraasad sanadkii 2014-kii lagu sameeyay 10,885 rag ah kuwaas oo tintooda cireysatay ayaa lagu sheegay in ay u badantahay in ragaas uu mustaqbalka ku dhici karo xanuunka wadnaha.

Sida lagu horumarin karo caafimaad ka wadnaha

·Cun 5 nooc oo miro ah maalin kasta

·Jooji sigaarka iyo buuriga

·Samee jimicsi

·Dhin culeeskaaga

·Cun cuntada xuubka leh

·Dhin cuntada dufanka leh

·Dhin cuntada cusbada badan leh

·Ha cabin qamriga

·Cun kalluunka

·Iska akhri waxyaabaha ay ka koobantahay cuntada gasacadaysan

Hormuudka cilmi baaristan oo lagu magacaabo Dr Dhammdeep Humane ayaa sheegay in ragga leh bidaarta ama cinrada ay wax ka badalaan qaab nololeedkooda, islamarkaasna ay helaan la talin caafimaad oo wana agsan sida nooca cuntada ay cunaan iyo sidii ay u maareyn lahaayeen tiir -aanyada.

Trump oo ka carooday su'aal uu waydiyay wariye u dhashay Australia

Madaxweynihii Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku qaad ay wariye u dhashay Australia kadib markii wax laga weydiiyay ganacsi -giisa intii uu xafiiska joogay.

Wariye John Lyons oo ka tirsan hay’a dda warbaahinta Australian Broadc -asting Corporation (ABC) ayaa wey diiyay Trump haddii hantidiisu kor u kacday tan iyo bishii Janaayo xilligaa so oo mar kale u uku soo laabtay Aqalka Cad.

Trump wuxuu ku jawaabay: "Ma gar anayo,” isagoo sheegay in carruur tiisu ay maamulaan ganacsiyada qoy skiisa. Wuxuu intaas ku daray:

"Aniga waxaan qabaa inaad aad u dhaaw acayso Australia hadda, dad ka Australia-na waxay doonayaan inay ila jaanqaadaan.”

Trump wuxuu sheegay inuu dhowaan la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, isagoo ku daray: "Waxaan u sheegi doonaa adiga. Tusaale xun ayaad tahay.”

Qadar oo si kulul u cambaareysay duullaanka dhulka ee Israa'iil ka waddo Qasa

Dolwadda Qadar ayaa cambaare ysay howgalka dhulka ah ee Israa,iil ku dooneyso in ay ku qabsato Qasa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

"Qatar ayaa si adag u cambaareysay weerarka dhulka ballaaran ee Israa’iil ay ku qaaday si ay ula wareegto gacan ku haynta magaalada Qasa. Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay fal dagaal oo ka dhan ah shacabka reer Falastiin ee walaalaha aan nahay, isla markaana ay tahay xasuuq sii socda iyo ku xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalami ga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar waxay sidoo kale ka digtay in Israa’iil ay si nidaamsan uga shaqeyn eyso burburinta fursadaha nabadeed ee gobolka. Waxay sheegtay in xaaladdan ay halis weyn ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in beesha caalamku muujiso midnimo si loo joojiyo.

Qadar waxay markale ku celisay ba aqeeda ku aaddan xal laba dowla dood ah (two-state solution) si loo gaaro nabad waarta oo ka dhex dha lata Israa’iil iyo Falastiin.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa si xoog gan u u duqeysay magaalada Qasa, iyadoo ciidamada milatariga Israa’iil ay ku dhawaaqeen inay bilaabeen hawlgal dhulka ah oo loogu talagalay in lagu qabsado magaalada Qasa. Tani waxay sababtay in kumannaan qoys ay ka qaxaan magaalada Qasa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip