Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

0
Sunday September 14, 2025 - 17:21:39 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir-wadaag heer wasiir ah oo ay iskugu imaanayaan dalalka xubnah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir-wadaag heer wasiir ah oo ay iskugu imaanayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Shirkan, oo furmi doona maanta oo Axadda, ayaa gogol-xaarka u ah shir-madaxeedka degdegga ah ee madaxda iyo hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka, kaas oo diiradda lagu saari doono duqeymaha cirka ee Israa'iil ka geysatay gudaha dalka Qatar. Wasiirrada ka qeybgalaya kulanka ayaa ka doodi doona saameynta siyaasadeed iyo amni ee xiisadda gobolka, waxayna diyaarin doonaan war-murtiyeed mideysan oo loo gudbin doono shir-madaxeedka si loo meel mariyo. Shir-madaxeedka degdegga ah, oo lagu wado inuu qabsoomo Isniinta, ayaa isu keeni doona madaxda dalalka Carabta iyo Islaamka, si ay ugu muujiyaan midnimo, isbahaysi iyo garab istaag shacabka iyo dowladda Qatar, loona wajaho caqabadaha ka dhashay weerarradaasi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip