Wasiirka Warfaafinta ooxafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

0
Monday August 11, 2025 - 12:19:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta ooxafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa'uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson. Wasiirka iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo horum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa'uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson. Wasiirka iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo horumarinta dhinacyada dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada. Wasiir Daa'uud Aweys ayaa ku bogaadiyay Midowga Yurub taageerada iyo wadashaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta Midowga Yurub ee ku aaddan horumarinta dhaqanka iyo dhiirrigelinta nabadda. Daljire Karin ayaa dhankeeda xustay inay doonayaan inay sii laba-laabaan hawlaha ay ka wadaan Soomaaliya, iyadoo intaa ku dartay in dalka uu sameynayo horumar dhinacyo badan leh oo abuura rajo cusub. Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ka kala socday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Midowga Yurub.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip