halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 28-07-25

0
Monday July 28, 2025 - 09:20:31 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 28-07-25

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya

Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka, kaas oo ay ka qeyb ka yihiin hoggaamiyeyaal ka socda caalamka iyo gobolka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis-Ababa waxa uu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abbi Ahmed oo ay ka arrinsan doonaan xiriirka labada dal iyo xaaladda guud ee gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhigiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti

Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay kulan miro-dhal ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee dalka Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah, iyada oo ay labada Madaxweyne ka wada hadleen muhiimadda iskaashi buuxa oo ay Jabuuti la yeelato Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo garab istaagga geeddi-socodka xasilinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay abaaraha saameeyay qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan gobolka Awdal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dowladda Jabuuti in ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato gurmadka iyo taageerada loo fidinayo bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool Gobolka Awdal.

Intii uu socday kulanka, labada Madaxweyne waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhow iyo wada-tashi joogto ah oo ku saleysan danaha wadajirka ah.

Ugu dambeyntii, labada Madaxweyne waxay hoosta ka wada xariiqay in xasilloonida, midnimada, iyo horumarka Soomaaliya ay saldhig u tahay nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Abby Ahmed

Madaxwenaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Itoobiya kaga qeyb-galaya Shirwenaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka ayaa halkaas kulan soo dhaweyn ah kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abby Ahmed.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka, waxayna hoosta ka xariiqeen mudnaanta ay leedahay in wadajir looga wada shaqeeyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah jiritaanka iyo horumarka shucuubta Gobolka.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XFS oo xafiiskeeda ku qaabishay wafdi ka socda UN WOMAN

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa shalay xafiiskeeda ku qaabishay wafdi ka socda UN WOMAN oo ay hogaaminaysay Dr Rukaya Maxamed oo ah maamulaha Barnaamijka Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Dr Rukaya Maxamed oo ah maamulaha Barnaamijka Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo kulanka ka hadashay ayaa Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya uga mahadcelisay soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana ay ballan qaaday inay laba jibaari doonaan wadashaqeynta UN WOMAN iyo Wasaaradda Qoyska.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka ka hadashay ayaa soo dhaweysay maamulaha cusub ayadoo la wadaagtay hawlaha hortebinta leh ee horyaala Wasaaradda iyo qorshayaasheeda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan Wadatashi ah la qaatay wax-garadka mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC, Wadajirka Bulshada iyo Ilaalinta Midnimada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho ku tegay Safaaradda Soomaaliya ee Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuri-yadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa shalay booqday xarunta Safaarada Soomaaliya ee magaalada Doha, caasimadda dalka Qatar.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo hawlaha muhiimka ah ee ay safaaraddu u hayso Qaranka Soomaaliyeed. Wasiirka waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), oo warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee safaaradda iyo adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u fidiso.

Wasiir Cabdisalaan ayaa hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo magaalada Doha uga qeybgalaya Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo diiradda lagu saarayo xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada dalalka xubnaha ka ah OIC.

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda oo beeniyay wada-hadal u dhexeeya Mareykanka iyo Al-shabaab

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaalia, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad), ayaa si cad u beeniyay jiritaanka wax wada-hadal ah oo u dhexeeya Dowladda Mareykanka iyo kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in mowqifka Mareykanka uusan isbeddelin.

Mudane Cali Maxamed Cumar oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Al-Carabi Al-Jadiid, xilli uu ku sugnaa caasimadda Qatar ee Doha ayaa yiri, "Wararkaasi gabi ahaanba waa been, si buuxda ayaan u diidnay.”.

Wasiir ku-xigeenka, ayaa intaasi ku daray in Mareykanku weli u arko Al-Shabaab inay yihiin urur argagixiso ah, islamarkaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadooda ku aaddan arrintaas.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafkii u dhexeeyay Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhashay heshiiskii Itoobiya la gashay maamulka Soomaaliland.

Wuxuu sheegay in khilaafkaasi lagu xaliyay dhex-dhexaadin ay sameeyeen Turkiga, taas oo keentay in Itoobiya aqbasho madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayna labada dal ku heshiiyeen iskaashi darisnimo oo ka tirsan Midowga Afrika.

sidoo kale, Wasiir Balcad, ayaa hosts ka xariiqay in heshiiskaasi oggolaanayo Itoobiya in ay dekedaha Soomaaliya u adeegsato ujeeddo ganacsi, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale cadeeyay in safarkiisa Qatar uu qayb ka yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, ayna booqashadu aanay wax xiriir ah la lahayn socdaalkii uu bisha hore halkaas ku tagay Madaxweynaha Soomaaliland.

Marka laga hadlayo suurtagalnimada in Qatar dhex-dhexaadin ka gasho arrimaha Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland, Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliland tahay mid ka mid ah maamul-goboleedyada dalka, ayna dowladdu door-bidayso in arrimaheeda gudaha ay iyadu xalliso, hase yeeshee ay soo dhoweynayaan cid kasta oo kaalin wanaag leh ka qaadan karta.

Dhanka doorashooyinka, Wasiirka ayaa xaqiijiyay in doorashada dalka lagu qaban doono waqtigeeda sannadka soo socda, islamarkaana aysan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo mucaaradka, balse uu jiro dood ku saabsan habka doorashada, taas oo la doonayo in loo wareejiyo hannaan toos ah oo ay dadku si toos ah ugu codeeyaan Madaxweynaha.

Wasiir Cali Maxamed Cumar ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay taageero u muujiyeen sharciga cusub ee doorashada, hase yeeshee ay jiraan qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo ka cabsanaya inay lumiyaan mudnaantooda, isagoo hoosta ka xariiqay in wadahadalladu ay socdaan si loo gaaro is-afgarad qaran.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in baarlamaanka uu meel mariyay afar cutub oo ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka, islamarkaana uu socdo qorshe dhammeystiran oo lagu dhameynayo Dastuurka dalka dhammaadka sanadkan. Waxa uu xusay in Soomaaliya weli ku jirto marxalad ay ka kabaneyso xagga siyaasadda iyo dhismaha hay’adaha dowladeed.

Dhanka amniga, Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in kooxda Al-Shabaab ay sii liicayaan, ayna dowladda federaalka ah guulo la taaban karo ka gaartay deegaanno badan, isaga oo ugu dambeyn ugu baaqay beesha caalamka in ay sii kordhiso taageerada ay siiso Soomaaliya.

Ciidamada DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Baay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee CXD ayaa howlgal gaar ah oo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Durduro ee gobolka Baay, halkaas oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-shabaab, laguna magacaabi jiray Axmed Maxamed (Mascuud).

Horjoogahan ayaa u qaabilsanaa kooxda samaynta iyo aasidda miinooyinka lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed. Ilaaladiisii ayaa sidoo kale lagu khaarijiyay howlgalkaas.

Ciidanka Danab ayaa sidoo kale howlgal kale oo amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo Al-shabaab ku dhuumaaleysanayeen. Baaritaanno amni ayaa si joogto ah uga socda deegaanka si loo xaqiijiyo xasilloonida tuulooyinka ku teedsan.

Dhanka kale, Subaxnimadii hore ee shalay, maleeeshiyaadka Al-shabaab Al-Shabaab ayaa weerar qaraxyo wata ku qaaday ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa NISA iyo ciidamada deegaanka ee Macaawisleyda ayaa Kooxaha Al-shabaab ee weerarkaas gardarrada ah soo qaaday dagaal culus oo saacado qaatay la galay, ayadoo Intii uu socday dagaalkaas, jab xooggan la gaarsiiyey maleeshiyaadkii argagixisada ahaa ee kusoo duulay magaalada, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka oo haatan ku sugan duleedka Maxaas, ayaa wada abaabul ballaaran oo dib loogu xaqiijinayo nabadgelyada degmada iyo deegaannada ku hareeraysan.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanku waxay sii wadi doonaan dagaalka ay kaga horjeedaan Kooxaha Al-shabaab argagixisada, waxayna dhiigga u bixinayaan difaaca diinta, dadka iyo dalka.

Ciidanka Xoogga oo howlgal ay ka fuliyeen gobolka Baay ku dilay Horjooge katirsan al-shabaab

Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Durduro ee gobolka Baay oo hoos taga degmada Buurhakaba, waxay ku dileen Horjooge Axmed Maxamed oo gudaha Al-shabaab looga yaqaanay Mascuud, kaas oo Ciidanku ay meydkiisa soo bandhigeen.

Dhagarqabahaan waxaa lala dilay ilaaladiisii, wuxuuna Al-shabaab u qaabilsanaa sameynta iyo aasidda qaraxyada ay geliyaan waddooyinka.

Ciidanka Qaranka iyo kuwa xaq-udirirka degaanka ayaa degaana badan oo katirsan gobolada dalka ka wada howlgallo ka dhan ah al-shabaab jab xooggana lagu gaarsiiyay.

Ciidanka Qaranka oo ka hortegay weerar naf la caari ah oo al-shabaab ku qadeen degaan dhaca soohdinta gobollada Hiiraan iyo Galgaduud

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ee gobolka Hiiraan ayaa ka hortegay weerar naf la caari ah oo kooxaha Al-shabaab ah ay shalay ku soo qaadeen deegaan lagu magacaabo Birta oo dhaca soohdinta gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, halkaas oo lagu jebiyey Al-shabaab.

Saraakiisha hogaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay khasaare lixaad leh shalay cadowga gaarsiiyeen oo hadda ay sii baacsanayaan firxadka Al-shabaab, isla markaana goordhow ay soo bandhigi doonaan meydadka cadowga oo daadsan goobihii lagu dagaalamay.

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka gaar ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorshesan oo habeen hore ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ay kusoo qabteen labo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay Afgooye, kuwaas oo mid ka mid ah uu yahay Horjooge qaabilsana uruurinta lacagaha baadda ah, halka xubinta labaad uu ka tirsanaa waaxda waxa ay ugu yeeraan amniyaadka, isaga oo ku howlanaa uruurinta xogta ciidamada dowlada iyo qorshenta dilalka qarsoon.

Qabashada Horjoogahan Al-shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah, waxay daba socotaa digniin rasmi ah oo Hay’adda NISA ay soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu caddeeyay in uruurinta iyo bixinta lacagahaasi ay tahay maalgelin argagixiso oo ka dhan ah sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Sidaas darteed, waxaa mar kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed looga digayaa in ay bixiyaan lacago lagu maalgalinayo Al-shabaab.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xasuusineysaa shacabka in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan hay’adaha amniga haddii ay la kulmaan cabsi, cadaadis ama baad. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an ciribtirka Al-shabaab halista ku ah amniga qaranka.

Dagaal Markale Ka Bilaabmay Balad-Xaawo oo Saameeyay Guryaha Dadka Rayidka ah

Dagaallo cusub ayaa dib uga qarxay magaalada Balad-Xaawo, taasoo ka tirsan gobolka Gedo ee Maamulka Jubaland, Wararka la helayo ayaa sheegaya in hoobiyayaal lagu garaacay xaafado ay dad rayid ahi degan yihiin, taasoo keentay burbur soo gaaray guryaha shacabka.

Dagaalkaan ayaa walaac xooggan ka dhalisay iyadoo laga cabsi qabo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, iyo sidoo kale barakac ay ku qasbanaadaan qoysas badan oo ku noolaa meelaha uu dagaalku saameeyay.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, Wararka qaar ayaa tilmaamaya in uu jiro burbur baaxad leh oo gaaray dhismayaal dad rayid ah ay degan yihiin.

Waxaa jira baaqyo ku socda dhinacyada dagaallamaya in ay joojiyaan colaadda, lana ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah oo ku nool aagga uu dagaalku ka socdo.

Dagaalkaan ka socda Balad Xaawo ayaa u dhaxeeya Ciidamo uu hogaaminayo Cabdirashiid Janan oo taageero balaaran ka haysta Dowladda Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaalkaan wararkeeni dambe ayaan idiinkugu soo baahin doonaa.

Golaha Cuqaasha reer Maakhir oo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ugu baaqay inuu dhex dhexaad ka noqdo dhismaha maamulka SSC Khaatumo

Golaha Cuqaasha reer Maakhir ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa soo saaray war-murtiyeed ka tarjumaya mowqifkooda ku aaddan dhismaha maamulka cusub ee laga hirgelinayo gobollada Sool, Sanaag, Cayn iyo Haylaan.

Cuqaasha, oo qeyb ka ah ergada ka qeybgaleysa shirweynaha maamulka SSC-Khaatumo, ayaa si adag u cambaareeyay waxay ugu yeereen isku day lagu marin habaabinayo rabitaanka shacabka, iyagoo tilmaamay in dadallada noocaas ah ay hor istaagayaan horumarka ay bulshada mudan tahay.

Waxay si gaar ah uga digeen in danaha siyaasadeed ee gaar ah lagu dhex wado hanaanka dhismaha maamulka, iyagoo ugu baaqay madaxda dowlada federalka Somalia – gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha in u dhowro dhexdhexadnimada lagama maarmaanka ah, si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka ee geeddi-socodka maamulka.

Sidoo kale, Golaha Cuqaasha waxa ay xuseen muhiimadda ay leedahay in la iska ilaaliyo musuqmaasuqa iyo danaha iska soo horjeeda ee carqaladeyn kara dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, iyagoo ku baaqay in geeddi-socodka maamulka cusub uu noqdo mid hufan, cadaalad ah, oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka deegaanka.

Cuqaasha waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre inay si dhab ah u dhagaystaan codka shacabka iyo baahida loo qabo maamul rasmi ah oo aan lagu salayn dano gaar ah.

Waxay ku adkeeyeen in maamulka cusub uu noqdo mid bulshada u aragto inuu yahay rajo-dhalin iyo xalka cadaadiskii iyo kala dambeyn la’aantii muddada dheer ay la tacaalayeen dadka deegaanka.

Hadalkan golaha ayaa imaanaya xilli lagu wado in shalay si rasmi ah loo shaaciyo magaca rasmiga ah ee maamulka, caasimaddiisa, iyo in lagu dhawaaqo sida loo qaybsanayo tirada xildhibaannada golaha wakiillada maamulka SSC-Khaatumo.

Dhinaca kale, waxaa wali taagan dood adag oo ku saabsan tirada xildhibaanada iyo saami-qaybsiga awoodda, taasoo u baahan in si dheellitiran oo loo dhan yahay loo wajahdo.

Hindiya oo Gargaar Bini’aadantinimo usoo Dirtay Soomaaliya

Dowladda Hindiya ayaa Soomaaliya usoo dirtay gargaar bini’aadantinimo oo dhan 10 tan, si ay taageero ugu muujiso shacabka Soomaaliyeed oo wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay colaado daba-dheeraaday, isbeddelka cimilada, iyo caqabado dhaqaale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya (MEA) ayaa xaqiijisay arrintan Sabtidii, iyada oo qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ay ku sheegtay in gargaarku uu ka kooban yahay agab caafimaad oo muhiim ah, waxaana ku jira dawooyin lagama maarmaan ah, qalab qalliin, agab isbitaaleed, iyo qalab caafimaad oo casri ah.

"Gargaarka bini’aadantinimo ee Hindiya ay u fidinayso shacabka Soomaaliyeed wuu soconayaa, Gargaar dhan 10 tan oo ay ka mid yihiin dawooyin muhiim ah, qalab qalliin, agab isbitaaleed, iyo qalab caafimaad ayaa loo diray Soomaaliya.” ayaa lagu yiri warka wasaaradda.

Haatan, Soomaaliya waxa ay wajahayaa saameynta La Nina ka dhalatay taasoo la filayo inay sii socoto ilaa bilaha ugy dambeeya ee sanadkaan 2025, Tan ayaa keentay abaaro iyo roob yari, taasoo kordhinaysa cunno yari, halista cudurrada sida daacuunka, iyo khilaafaadka ka dhasha ilaha biyaha iyo daaqa ee u dhexeeya beelaha.

Waxaa la saadaalinayaa in lix milyan oo qof ay u baahnaan doonaan gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah, Inkastoo cuntada ay tahay baahida ugu weyn, kala bar shacabka Soomaaliya ma haystaan biyo nadiif ah, waxaana adag in la helo hoy ku habboon.

Dad kale oo gaajo ugu geeriyooday gudaha Gaza

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa xaqiijisay in dadku ay wei gaajo ugu dhimanayaan Marinka Gaza, iyadoona sheegtay in ay diiwaangelisay kiisas cusub oo dhimasho ah, oo sida ay sheegtay ka dhashay gaajeysiinta ay Israel ku hayso dadka shacabka ah.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa waxay sheegtay in ay diiwaangelisay shan qof oo saacadihii ugu dambeeyay nafaqo darro iyo gaajo ugu geeriyooday gudaha Gaza.

Wasaaradda ayaa warbixin ku sheegtay in tani ay wadarta guud ee dadka xaaladahan ugu geeriyooday Gaza ay ka dhigeyso 127 qof, oo 85 ka mid ah ay carruur yihiin.

Wasaaradda ayaa ka digtay in tirada dadka gaajada ugu dhimanaya Gaza ay intaasi ka badan doonto, haddii aysan dunidu jebin go’doominta Israel ee Gaza.

"Isbitaalada Gaza, dhakhaatiirtu waxay la suuxayaan gaajo, iyagoo isku dayaya inay badbaadiyaan bukaanada gaajada u dhimanaya.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay warbixinteeda.

Carruurta Gaza iyo dhallaanka dhawaan dhashay ayaa buux-dhaafiyay goobaha caafimaadka ee Marinka Gaza, sida uu sheegay Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadinta (IRC).

IRC waxay sheegtay in carruurta Gaza oo lagu qiyaaso illaa milyan ay qaar badan oo ka mid ah wajahayaan xaalad nafaqo xumo, sababtoo ah Israel oo aan ogoleyn in gargaar badan uu galo Gaza.

Carruurta iyo ciroolaha Gaza ayaa ah kuwo ugu badan ee dhibanaha u noqday xayiraadaha Israel ee kaalmada bani’aadantinimo, walow macluushan gacan ku sameyska ah ay xitaa soo ridaneyso dadka intiisa xoogga leh.

Shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo kuwa hay’adaha bani’aadantinimada ee ku sugan Gaza ayaa sheegay in xaaladdani ay qudhooda saameysay.

Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa sheegay in xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza ay aad uga sii dareyso.

Israel ayaa la aaminsan yahay in ay dareensan tahay in bulshada caalamka ay ka carreysan tahay ficiladeeda bani’aadantinimada ka baxsan ee ay ka waddo Gaza, isla-markaana aysan dadka rayidka ah ku sii hayn karin quusta ay ku nool yihiin.

Cadaadiska muuqda iyo kan daahsoon ay Israel kala kulmeyso hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ugu yaraan ku khasbaya in ay sidaan u dhaanto shacabka ay nolosha ku ciriirisay, iyadoo la ogyahay in aysan dilka ka joojin doonin, inta uu dagaalkan socdo.

Maxay tahay tallaabada ay soo dhaweeyeen dalalka dagaalku dhexmarayo ee Thailand iyo Cambodia ee Trump qaaday?

Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay inuu wacay madaxda Cambodia iyo Thailand, isagoo ku cadaadinayay inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka kadib markii dagaal ku dhexmaray soodinta labada dal

Bilowgii booqasho gaar ah oo uu ku tagay goobtiisa golf-ka ee Scotland, madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku qoray batiisa bulshada ee Truth Social in labada qaranba "ay ku heshiiyeen in ay si degdeg ah u kulmaan oo ay si degdeg ah uga shaqeeyaan xabbad-joojin iyo, ugu dambeyntii, NABAD!".

Labada waddanba waxay uga mahad celiyeen dareenkiisa iyo dadaalkiisa. Cambodia waxay aqbashay codsigiisa xabbad-joojinta, halka Thailand ay ku adkaysatay baahida loo qabo wada-hadal dhexmara labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, kadib wicitanada madaxweynaha Mareykanka, madaafiic ayaa weli ka dhacaysay xadka habeenkii.

Jawaabta Raysal Wasaarayaasha Thailand iyo Cambodia ee wicitaannadii Trump waxay ahayd mid togan, hase yeeshee midkoodna ma bedelin mowqifkooda.

Cambodia horay bay u soo jeedisay xabbad-joojin; ciidamadeedu waa daciif marka la barbar dhigo kuwa Thailand, waxayna dhul iyo qalab ku waayeen duqeymaha madaafiicda iyo weerarada cirka ee Thailand.

"Waxaan si cad ugu sheegay Trump in Cambodia ay ogolaatay soo jeedinta xabbad-joojin degdeg ah oo aan shuruud lahayn oo dhex marta labada ciidan," ayuu yiri Raysal Wasaare Hun Manet kadib wicitaanka, isagoo intaas ku daray in dhexdhexaadinta Trump "ay runtii gacan ka geysan doonto badbaadinta nolosha askarta iyo dadka rayidka ah ee badan."

Dhinaca kale, Thailand waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay tixgeliso xabbad-joojin, balse waxay ku adkaysanaysaa dalabkeedii hore ee ahaa in wadahadal lala yeesho Cambodia ay tahay inuu marka hore yimaado.

Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha Phumtham Wechayachai "wuxuu uga mahadceliyey madaxweyne Trump walaaciisa wuxuuna muujiyay in Thailand ay ogolaatay mabda'a ah in la sameeyo xabbad joojin. Si kastaba ha ahaatee, Thailand waxay jeclaan lahayd inay aragto ujeedo daacad ah oo ka timaada dhinaca Cambodia," ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Thailand ku tiri hadal ay soo saartay.

Ugu yaraan 33 askari iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay halka kumannaan qof oo Thai iyo Cambodia ah ay barokaceen tan iyo markii uu dagaalku qarxay 24-kii Luulyo.

Trump waxa uu sheegay in uu rajaynayo in uu dib u bilaabo wada-hadallada ganacsiga ee Cambodia iyo Thailand in kasta oo aanay ku habboonayn in la wada hadlo ilaa laga gaarayo "joojinta dagaalka".

Waxa uu soo farageliyay toddobaad ka hor inta aan la dhaqan gelin canshuuraha Mareykanka ee Cambodia iyo Thailand.

Laga bilaabo 1da Agoosto, ganacsiyada Mareykanka uga taga Thailand ama Cambodia ayaa la kulmaya boqolkiiba 36 canshuur haddii aan heshiis la gaarin ka hor.

Ma cadda sida uu Trump ugu lug yeeshay xaaladda, iyadoo maalin uun ka hor uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Thailand Maris Sangiampongsa: "Uma maleynayo inaan weli u baahanahay wax dhexdhexaadin ah oo ka socda waddan saddexaad."

Ra'iisul wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim ayaa horay u soo jeediyay in la fududeeyo wadahadalka Thailand iyo Cambodia.

Horaantii Sabtidii, Cambodia waxay mar hore ugu baaqday xabbad-joojin "degdeg ah" oo lala yeesho Thailand iyo in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka.

Ka dib markii uu ku soo gaaray goobta Trump Turnberry ee South Ayrshire, madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuu la hadlay ra'iisul wasaaraha Cambodia Hun Manet iyo Phumtham.

"Marka wax walba la dhammeeyo oo nabad la helo, waxaan rajeynayaa inaan dhammaystirno heshiisyada ganacsiga ee labada dal!"

Thailand iyo Cambodia mid walba ayaa ku eedeeyay kan kale inuu isagu dagaalka bilaabay.

Thailand waxay sheegtay in dagaalku bilaabmay markii milatariga Cambodia ay soo direen diyaarado aan duuliye lahayn si ay u basaaseen ciidamo Thai ah oo ku sugan xadka.

Cambodia waxay ku eedeysay Thailand in ay jebisay heshiis hore iyadoo ciidamadeedu ay u soo dhaqaaqeen dhanka kaniisad Khmer-Hindu ah oo xuduudda ku taalla.

Khilaafka u dhexeeya labada waddan wuxuu dib ugu laabanayaa in ka badan qarni, waana markii xuduudaha labada dal la dejiyay kadib gumeysigii Faransiiska ee Cambodia.

Xigasho BBC

Imaaraatka iyo Urdun oo gargaar hawada uga soo daadiyay Qasa

Wax yar ka hor, telefishinka qaranka Urdun ayaa sheegay in Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Urdun ay ka qayb qaateen hawlgal ay kula jireen Imaaraatka Carabta "25 tan oo cunto gargaar ah iyo sahay bini'aadanimo oo muhiim ah" oo la geeyay Qasa.

Labo diyaaradood oo nooca C-130 ah oo laga leeyahay dalka Urdun iyo mid ka mid ah diyaaradaha Imaaraatka Carabta ayaa ku lug lahaa howlgalka, waxaana la beegsaday dhowr goobood oo ka tirsan Marinka Qasa, sida ay warbixintu sheegtay.

Telefishinka qaranka Urdun ayaa intaa ku daray in gargaarkii ugu dambeeyay ee la soo gaarsiiyey ay ka dhigayso tirada guud ee goobaha diyaaradaha ee Urdun tan iyo markii uu dagaalka Qasa ka bilowday ay gaartay 127.

Dhanka kale, adaxda hay'adaha gargaarka ayaa ka digay in xoogga la saarayo daadinta cirka ee gargaar lagu gaarsiinayo Qasa ay tahay "isku mashquulin fool xun" oo aan waxba ka beddeli doonin xaaladda macluusha ba'an ee ka sii daraysa dhulkaasi.

Militariga Israa'iil ayaa goor hore oo Axadda shalay ah sheegay inay gargaar ay dusha sare ugu daadiyeen hawada Marinka Qasa sidoo kalana ku dhawaaqay in kolonyada gargaar ee Qaramada Midoobay loo furayo marinno.

Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Urdun ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda iyaguna sameeyaan daadinta gargaarka dhanka cirka ah, halka Ra'iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, uu sheegay in dowladdiisu ay "wax kasta oo suurtagal ah" ku bixinayso sidii gargaar hawada loo mariyo loogu gaarsiin lahaa Gaza.

Ciarán Donnelly, oo ka tirsan guddiga samatabbixinta caalamiga ah, ayaa sheegay in gargaar hawada la daadsho uusan "weligeed keeni karin mugga ama tayada" gargaarka loo baahan yahay,

In ka badan 100 hay'adood oo caalami ah oo ka shaqeeya gargaarka iyo xuquuqda aadanaha ayaa si wadajir ah uga digay halista macaluul baahsan oo ka dhacda Qasa.

Wasaaradda caafimaadka Qasa ee Xamaas ay maamusho ayaa Sabtidii sheegtay in shan qof oo kale ay u dhinteen nafaqo darro, taasoo tirada guud ka dhigaysa 127 tan iyo markii uu dagaalku billowday. Tiradaas waxaa ku jira 85 carruur ah.

Hay'adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in saddexdii qof ee reer Qasa ah mid ka mid ahi aanu wax cunin maalmo isla markaana 90,000 oo haween iyo carruur ah ay u baahan yihiin daweyn degdeg ah oo ay ku tilshalayy "macaluul baahsan oo bini'aadam sameey ah" ".

Madaxa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta, UNRWA, Philippe Lazzarini, ayaa sheegay Sabtidii gargaarka hawada la daadiyeyay tahay "qaali, aan waxtar lahayn, xitaa khatar ku noqon karta dad baahi la ildaran haddii ay si khaldan u dhacdo."

Lazzarini waxa uu sheegay in ururkiisu uu haysto "wax u dhigma 6,000 oo baabuur" Urdun iyo Masar, oo sugaya "iftiinka cagaaran" si ay u galaan Qasa.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay rabitaan siyaasadeed si "go'doominta loo qaado, albaabada loo furo, loona dammaanad qaado dhaqdhaqaaqyo ammaan ah iyo in dadka baahan ay si sharaf leh u helaan gargaar."

"Gargaarka waddada lagu keeno waa mid aad u sahlan, wax ku ool ah, dhakhso badan, jaban, ammaan badan—waana mid si sharaf leh u gaaraya shacabka Qasa," ayuu Lazzarini ku yiri qoraal.

Hadalladiisa ayaa yimid ka hor inta aysan Israa'iil ku dhawaaqin in ay dhisi doonto waxa ay ugu yeertay "wadooyin bini'aadantinimo oo loo qoondeeyey si ay awood ugu yeeshaan dhaqdhaqaaqa nabdoon ee kolonyada Qaramada Midoobay ee geynaya cunto iyo daawo." Ma aysan qeexin halka ay noqon doonaan iyo sida ay u shaqeyn doonaan.

Israa'iil waxay ku adkaysanaysaa inaysan jirin wax xannibaad ah oo ku saabsan in gargaarka la soo geliyo Gaza, iyadoo afhayeen u hadlay dowladda uu horay u soo jeediyay in Qaramada Midoobay ay kala shaqeyso Xamaas si loo carqaladeeyo qaybinta gargaarka.

Qaramada Midoobay ayaa diidday taas, waxayna sheegtay in Israa'iil ay hortaagan tahay awooddeeda ay ku ururinayso gargaarka gudaha Qasa iyada oo u maraysa caqabado xagga maamulka ah.

Xamaas ayaa beenisay in ay xaday gargaarka. Warbixin ay dhawaan soo saartay USAID ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax cadeyn ah oo muujinaya bililiqo nidaamsan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dowladaha reer galbeedka iyo kuwa Carabta ay isku dayaan in gargaar hawada looga daadiyo Qasa.

Sanadkii hore, ciidamada cirka ee Britain ayaa geeyay 110 tan oo gargaar ah iyagoo sameeyay 10 jeer oo daadinta gargaarkahawada ah, qayb ka ah iskaashi caalami ah oo uu hogaaminayay Urdun.

Falanqeyn ay sameysay BBC-da ayaa muujisay in lagu qiyaasay in ku dhowaad 160 diyaaradood loo baahdo si loo siiyo hal cunto maalmeed dhammaan dadka Qasa ee qiyaastii ah laba milyan oo qof.

Tirooyin uu soo bandhigay Taliska Dhexe ee Mareykanka sanadkii hore ayaa muujinaya in diyaaradooda xamuulka ee C-130 ay gaarsiiyeen qiyaastii 12,650 cunto halkii duullimaadba.

Taas macnaheedu waa in in ka badan 160 duulimaad loo baahan yahay si hal cunto loogu gaarsiiyo dhammaan dadka Gaza oo lagu qiyaaso 2.1 milyan.

Dhowr hay'adood oo gargaar ah ayaa ka digay khataraha ku jira in kumannaan tan oo raashin ah lagu daadsho hawada sare iyadoo lagu ridayo Gaza oo ah meel si aad ah u ciriir ah oo dadku ku badan yihiin.

Shaina Low oo ka tirsan hay'adda qaxootiga ee NRC, ayaa sheegtay in dadku ay "ku hafanayeen" badda Mediterranean-ka iyagoo isku dayaya in ay soo qabsadaan gargaar dabayshu qaadayso, waxayna intaas ku dartay in sanduuqyo gargaarka ka mid ah ay "dad burburiyeen" markay cirka uga soo dhaceen.

Xitaa marka daadinta ay guuleysato, "waxay ahayd fawdo," ayay tiri. "Dad ayaa ku dagaallamayay gargaarka. Dad ayaa dhaawacmay."

Dhinaca kale, cabsi xooggan ayaa ka jirta gudaha Qasa oo la xiriirta khatarta gargaarka hawada laga soo daadinayo. BBC-da waxay Sabtidii la hadashay dhowr qof oo reer Gaza ah oo walaac ka muujiyay in daadintu ay sababi karto "waxyeello daran."

Nin ku nool waqooyiga marinka Qasa ayaa u sheegay BBC in habkaas uu yahay "mid aan ammaan ahayn" isla markaana uu "sababay masiibooyin badan."

"Marka gargaarka laga soo daadiyo hawada, waxaa jirta halis ah in uu si toos ah ugu dhaco teendhooyinka dadka, taasoo sababi karta dhaawac culus, xitaa dhimasho," ayuu yiri.

Intaa waxaa dheer, dadka reer Falastiin waxay la tacaalayaan fuuqbax iyo gaajo aad u daran. Hooyo u warrantay BBC-da ayaa tiri: "Waxaan la noolahay xaalad aan wax cunto ah jirin, wax cabitaan ahna ma hayno, ma haysanno wax raashin ah, rooti xitaa ma hayno, xitaa biyo ma haysanno."

"Xitaa biyo ayaa aan u oomannahay," ayay tiri.

Israa'iil waxay dagaal ka bilowday Qasa kadib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ee lagu qaaday koonfurta Israa'iil, kaas oo lagu dilay ku dhowaad 1,200 qof, halka 251 kalena la afduubtay.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip