Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho ku tegay Safaaradda Soomaaliya ee Qatar

0
Sunday July 27, 2025 - 19:46:02 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho ku tegay Safaaradda Soomaaliya ee Qatar

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Doha, caasimadda dalka Qatar. Booqashadan ayaa qeyb ka ah d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Doha, caasimadda dalka Qatar. Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo hawlaha muhiimka ah ee ay safaaraddu u hayso Qaranka Soomaaliyeed. Wasiirka waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), oo warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee safaaradda iyo adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u fidiso. Wasiir Cabdisalaan ayaa hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo magaalada Doha uga qeybgalaya Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo diiradda lagu saarayo xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada dalalka xubnaha ka ah OIC.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip