halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 14-07-25

0
Monday July 14, 2025 - 09:25:48 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 14-07-25

    ........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

........

Ra’iisul wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha cusub ee UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Al-shabaab, doorashooyinka iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha la xaqiijiyey ee ay kamid yihiin la dagaallanka Al-shabaab iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socodaan diiwangelint codbixiyasha dorashoyinka.

Dhankiisa, Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo horumarrada laga gaaray amniga iyo la dagaallanka kooxaha Al-shabaab ah.

Wasiir Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin sare oo ka socda Booliiska caalamiga ah INTERPOL

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday Booliiska Caalamiga ah e INERPOL, kuwaas oo uu hogam-inayey Iskuduwaha Barnamijka Hubka ee INERPOL Joaquim RODRIGUES oo shalay dalka soo gaaray.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda iskaashiga caalamiga ee ladagaallanka denbiyada isaga gudba xudduudaha dalalka caalamka, xog-isweydaarsiga, tababarrada, baaritaanka dembiyada abaabulan, ladagaallanka argagixisada, denbiyada internetka ee (Cyber security), iyo sidii loo kordhin lahaa istcmaalka iARMS- keyboard raadraaca hub sharci-darrada ah, ballistic information Network- Xogta raadraca Rasasta iyo Firearm Reference Table- xog ururin lagu aqoonsado hubka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga dadaalka Booliska Caalamiga ah iyo wadashaqeynta dhaw ee Dowladda Soomaaliya la leedahay Interpolka, taas oo kaalin weyn ka qaadatay yareynta danbiyada caalamiga ah, isla markaana kordhisa aqoon-kororsiga iyo xog-isdhaafiga ku saabsan dembiilayaasha caalamiga, isaga oo u ballan-qaaday xubnaha wafiga in ay sii dardargelin doonaan wadashaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin Interpol, maadaama Soomaaliya ay qeyb ka tahay dalalka xubnaha ka ah Booliska Caalamiga ah.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Jowhar ka Daahfuray Ololaha Diiwaangelinta codbixiyaasha

Gudiga Madaxa-Banan ee Dorashoyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan GMDQS ayaa shalay magaalada Jowhar ka dahfuray ololaha diiwangelinta codbixiyeyaasha oo si rasmi ah ugu bilowday Dowlad gobolledka Hirshabelle.

Madaxweynaha, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo dadweynihii kale ee goobta codbixinta soo xaadiray ayaa isdiiwaangeliyay, taas oo muujineysa ifadaalaha wanaagsan ee loogu dareeri karo doorasho dadweyne.

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jigjiga

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Farxaan Xuseen Maxamed, ayaa ku soo dhaweeyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wafdi sare oo ka kala socday Jaamacada Bariga Afrika ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, oo ay hoggaaminayeen Gudoomiyayaasha labada jaamacadood, Dr. Bashiir Maxamud Abdullaahi iyo Dr. Cabdirasaq Takar.

Socdaalka wefdiga oo ujeedkiisu ahaa booqasho ku socota guud ahaan Bahda Garsoorka Dalka, ayaa si gaar aha shalay u soo gaaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, waxaana xoogga lagu saaray sare u qaadista xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada ee cilmi-baarista sharciga, wacyigelinta bulshada, fursadaha iyo aqoon iswaydaarsiga bahda garsoorka iyo bahda tacliinta sare.

Maamulka Hirshabeelle oo kaalmo lacag ah gaarsiiyay ciidanka ku jira Martiini

Guddiga Taakuleynta Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay bukaanada ciidanka ee ku jira cisbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Guddigaan oo isugu jiray Xildhibaanno, wasiirro iyo Taliyaha ciidanka Boliiska ee Hirshabeelle ayaa booqday cisbitaalka Martiini ,halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo qaba dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray dagaalada ka socda deegaanada Hirshabeelle ee la doonayo in lagu sifeeyo kooxaha al-shabaab ee weli ku dhuumaaleysanaya halkaasi.

Guddoomiyaha Guddigaasi Maxamuud Xuseen Bile oo horkacayey xubnaha Horshabeelle ayaa ku baaqay in Dowladda Federaalka ah ay gurmad caafimaad oo degdeg ah u fidiso illaa 3 ruux oo kamid ah ciidanka bukaanka ash eek u jira cisbitaalkaasi.

Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo habeen hore laga fuliyay Gobolka Hiiraan ku dilay dilay ilaa Toddobo xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Howlgalkaan oo ka dhacay tuulada Buulo-xoog ee deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa lagu burburiyay labo gaari oo nooca xamuulka ah ,kaas oo sidday hub iyo maleeshiyaad kale.

Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa Howlgalka fuliyay kaddib markii la hubiyay xogta Al-shabaab, waxaana beegsigu bilowday xilli gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ay ka soo laabteen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, isagoo ku sii jeeday deegaanka Buq-Aqable.

Howlgalka ayaa ku soo dhammaday si guul ah waxaa la xaqiijiyay in goobta uu ka dhacay brrgdiga cadowga lagu burburiyay gaadiid, hub iyo maleeshiyaad.

Waxaa jira muuqaallo caddaymo ah oo ay qabatay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, kuwaas oo dhowaan loo soo bandhigi doono bulshada.

Mas’uuliyiinta Hiiraan oo guddoomay deeq samofal ah oo loogu talagalay ciidanka

Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo odoyasha dhaqanka ayaa deeq kaalmo ah oo isugu jirtay lacag, raashin, xoolo nool garsiiyay madaxda iyo nabadoonno ku dhaqan Hiiraan.

Xafladdii guddoonsiinta deeqdaasi oo ka dhacday Degmada Maxaas, waxaa halkaasi lagu bixiyay lacag gaareysa konton kun oo dollar,tiro ari ah iyo in ku dhow toban neef oo geel ah.

Xafladdaasi waxaa ka hadlay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Maxamed Cabdullahi, Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad wehliye, Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed iyo xubno kale.

Deeqdaan oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinaayo ciidanka la dagaalamaya al-shabaab waxaa bixiyay mid kamid ah beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo gartay in dadka walaalahooda ah ay ku garab istaagaan wixii samofal ah ee ay awoodaan.]

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Waxaa shalay magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle si rasmi ah uga bilowday ololaha diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Hirshabeelle iyo bulshada magaalada Jowhar ayaa ku sugan goobaha ay ka bilaabaneyso diiwaangelinta codbixiyeyaasha dadweynaha, waxaana ujeedka arrintaan ay tahay in shacabka ay doortan maamul ay kula xisaabtaman horumarinta deegaannadooda.

Waa tallaabo horumar oo horay loo qaaday, waxayna muujineysa sida ay xukuumadda DanQaran uga go’an tahay in ay tallada ku celiso shacabka.

Maraykanka oo $5 Milyan ah oo abaalmarin ah ku raadinaya Abdikadir Mohamed Abdikadir (Ikrima) oo ka dambeeyey weerarkii Kampala

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa shaaciyay inuu bixinayo abaalmarin gaaraysa $5 milyan cid kasta oo keenta xog lagu heli karo Abdikadir Mohamed Abdikadir oo loo yaqaan Ikrima, ama qof kale oo ku lug lahaa weeraradii argagixiso ee Kampala, Uganda, bishii Luulyo 2010.

11-kii Luulyo 2010, ismiidaamiyayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa isku qarxiyay laba goobood oo ku yaal magaalada Kampala, iyagoo beegsaday dad daawanayay ciyaarta kama dambaysta ee Koobka Adduunka.

Weeraradaas ayaa sababay dhimashada 76 qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah. Weerarkani wuxuu ahaa weerarkii ugu horreeyay ee weyn ee al-Shabaab ka fuliso meel ka baxsan Soomaaliya.

Qaraxii koowaad wuxuu dhacay abbaaro 10:30 fiidnimo isagoo lala beegsaday maqaaxi Itoobiyaan ah oo ku taalla xaafadda Kabalagala. Qaraxii labaad iyo mid kale oo is qarxin ah ayaa dhacay abbaaro 11:20 fiidnimo agagaarka rugta ciyaaraha rugby-da ee xaafadda Nakawa.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Ikrima wuxuu door weyn ku lahaa qorsheynta iyo hagidda weeraradaas. Wuxuu helay warbixinno sirdoon ah oo ku saabsan bartilmaameedyada Kampala.

Waxa uu sheegay in uu la tashaday madaxda sare ee al-Shabaab si ay u doortaan goobaha bannaan ee sahlan in la beegsado. Ikrima ayaa tababaray kuna hagay dableyda weerarka fulisay, sidoo kalena wuxuu fududeeyay gaarsiinta jaakadaha is qarxinta.

Ugu dambayn, Maraykanka ayaa ugu baaqay cid kaste oo haysa xog ku saabsan Ikrima ama cid kale oo ku lug lahayd weerarada inay la xiriiri karaan barnaamijka Caddaaladda.

Shirweynaha dhamaystirka dhismaha SSC Khaatumo oo la filayo inuu goordhaw ka furmo Laascaanood

Waxaa shalay oo Axad ah lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool shirweynaha dhamaystirka dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Shirkaan la filayo inuu furmo goordhaw oo manata ah ayaa imaanaya, iyadoo lagu guleystay in xal laga gaaro khilaafkii xoogana maalmahan ka taagnaa siduu u furmi lahaa shirkaan lagu dhameystirayo dhismaha maamul goboledka Khaatumo.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya hirgelinta hanaanka maamulka, dejinta habraacyo sharciyeed iyo diyaarinta dariiq loo maro dhismaha dastuurka maamulka cusub ee SSC Khaatumo.

Amanka guud ee mgaalada Laascaanod ayaa shalay si weyn loo adkeeyay, waxana wadooyinka waa weyn iyo goobta uu ka furmayo shirka la dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo sugaya amaanka goobta shirka ka dhacayo.

Si kastaba ha ahaate shirweynahaan shalay furmi doono ayaa ka mid ah jadwal ay horay u dajisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo lagu doonayo in geedi socodka dhismaha maamulka SSC Khaatumo lagu soo gabagabeeyo inta lagu guda jiro bishaan July ee 2025.

Ugu dambeyntii bulshada SSC Khatumo iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa shalay isha ku wada hayo natiijada ka soo bixi doonto shirkaan la filayo inuu shalay ka furmo magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo ay xusid mudan tahay in isimada deegaanadaas u kala jabeen laba garab oo kala taageersan hoggaanka maamulka SSC iyo kuwo taabacsan siyasiyiinta iyo musharrixiinta Mucaaradka ah.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Difaaca Kenya oo Booqday Ciidamada Kenya ee kusugan Soomaaliya

Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), Sarreeye Guuto David Keter, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay ciidamada Kenya ee ka howlgalaya gudaha Soomaaliya qaybta hawlgalka AUSSOM, si uu u qiimeeyo hawlgallada socda uguna dhiirrigeliyo moraalka ciidanka.

Sarreeye Guuto Keter ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta Labaad ee AUSSOM, Edward Banda, iyo Ku-xigenka, Colonel Samson Kenga, Wafdiga aya boqday saldhigyada muhiimka ah ee ku yaalla magaalooyinka Dhobley, Afmadow iyo Kismaayo.

Intii lagu guda jiray booqashada, Lt. Gen. Keter wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hawlgalka AUSSOM ee lagula dagaallamayo koxda Al-Shabaab, xasillinta deeganada la xoreeyay, iyo xoojinta awoodda ciidanka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan amniga qaranka.

Taliye Banda ayaa soo dhaweynta taliyaha ku tilmaamay mid ku soo beegantay xilli habon, taas oo kor u qaaday niyadda ciidanka.

Waxa uu sidoo kale mar kale xaqiijiyay in Qaybta Labaad ee AUSSOM ay si buuxda uga go’an tahay gudashada waajibaadkeeda sida lagu sheegay war ay soo saareen AUSSOM.

Kenya oo Fiiso bilaash ka dhigtay dalalka Afrika marka laga reebo Somaliya iyo Libiya

Marka kaga reebo Soomaaliya, Kenya ayaa si rasmi ah u qaaday fiisaha dhammaan dalalka Afrika iyo inta badan waddamada Caribbean-ka. Qofka doonaya inuu galo Kenya hadda uma baahna ETA (ogolaansho elektaroonik ah) ama foom, kaliya waa inuu yimaado dalka.

Si lama filaan ah, Soomaaliya iyo Libya ayaa laga reebay dalalka ka faa’iideysanaya tallaabadan, inkasta oo Soomaaliya ay tahay dal daris la ah Kenya, ayna ka dhaxeeyaan xiriir ganacsi, dhaqaale iyo dano badan oo istiraatiiji ah.

Go’aankan ayaa dhaliyay su’aalo, iyadoo dad badan isweydiinayaan sababta Soomaaliya looga reebay.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa rumaysan in go’aanka Kenya uu la xiriiro arrimo amni iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xuduudda labada dal oo marar badan ay ka dhaceen falal amni darro ah.

Sidoo kale, waxaa jirta in xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu marar badan xumaaday, taas oo laga yaabo inay saameyn ku yeelatay go’aanka fiisaha laga qaaday dalalka kale ee Afrika.

Dowladda Kenya ilaa hadda si cad uma aysan sheegin sababta rasmiga ah ee Soomaaliya looga reebay, balse warar hoose oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in arrimaha la xiriira socdaalka, tahriibka iyo amniga ay door weyn ku leeyihiin arrintan.

Dhinaca kale, shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa muujiyay walaac, iyagoo sheegay in tallaabadan ay saameyn ku yeelan karto isu socodka iyo ganacsiga labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in dowladda Soomaaliya ay arrintan kala hadasho dhigeeda Kenya, iyadoo la rajeynayo in mustaqbalka dhow la gaari doono heshiis rasmi ah oo sahla isu socodka muwaadiniinta labada dal. Ilaa iyo waqtigaas, dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay booqdaan Kenya waa inay weli sii wataan hab-raacyadii hore ee fiisaha.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Maxamed, oo isbitaal la dhigay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia, Mahathir Maxamed, ayaa la dhigay isbitaal kadib markii uu dhammaystiray kaxeynta baaskiil dhowr maalmood kadib markii uu dabaal degay boqol sano guuradiisa.

Wuxuu xanuunsaday kadib markii uu kaxeeyay baaskiil nooca labada kursi leh, kaas oo uu waday ugu yaraan sideed kiiloomitir xilli uu ka qaybgalayay xaflad loogu dabaaldegayay sanad-guuradiisii boqollaad. Isaga ayaa gaarigiisa waday oo ku tagay goobta xafladda.

Mr. Mahathir waxaa la filayaa inuu si degdeg ah uga soo kabto xanuunka. Wuxuu laba jeer soo noqday ra’iisul Wasaaraha Malaysia, markii labaad isagoo 92 sano jir ah ayuu xilka qabtay.

Carruur iyo dad kale oo Qasa lagu laayay shalay

Toban qof oo ay ku jiraan lix carruur ah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ka geysatay bartamaha Qasa shalay oo Axadd ah, iyagoo sugayay meel ka qaadanayay biyo , sida ay sheegeen mas’uuliyiinta adeegyada gurmadka degdega ah.

Meydka dadkaasi waxaa loo qaaday isbitaalka al-Awda ee Nuseirat, halkaas oo sidoo kale lagu daweeyay 16 qof oo dhaawac ah, oo ay ku jiraan toddoba carruur ah, sida uu sheegay dhakhtar ka tirsan isbitaalka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn ay gantaal ku tuurtay dad saf ugu jiray inay biyo ka dhaansadaan taangi biyo ah oo yaallay xerada qaxootiga ee al-Nuseirat.

Milatariga Israa’iil ayaa la weydiiyay inay ka hadlaan arrintan, balse weli kama aysan jawaabin.

Dhanka kale, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa sheegay in isbitaalkooda ku meel gaarka ah ee ku yaalla Rafax, koonfurta Qasa, uu toddobaadyadii u dambeeyay daweeyay kiisaska dhaawacyada ka badan inta uu daweeyay 12-kii bilood ee ka horreeyay.

Falastiiniyiin lagu laayay goob ay gargaar ka sugayeen

Isbitaalka Nasser eek u yaalla koonfurta Qasa ayaa sheegay in 24 qof lagu dilay meel u dhow goob lagu qaybiyo gargaar.

Dad Falastiiniyiin ah oo goobta joogay ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay rasaas fureen xilli dadku isku dayayeen inay helaan cunto Sabtidii daraad.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in "aanay jirin dad dhaawac ah oo la ogyahay” oo ku wax yeeloobay rasaasta ay ciidamada IDF ku fureen agagaarka goobtaas.

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in rasaas digniin ah la riday si loo kala eryo dad ay IDF u arkaysay khatar.

Sheegashada labada dhinac weli si madax-bannaan looma xaqiijin. Israa’iil uma oggola hay’adaha warbaahinta caalamiga ah, oo ay BBC-da ka mid tahay, inay galaan Qasa.

Muuqaal ay BBC-du daawatay galinkii dambe ee Sabtida ayaa muujinayay meydadka dad maryo cadcad lagu daboolay oo yaalla barxadda isbitaalka Nasser, oo ay ku hareeraysan yihiin kalkaaliyeyaal iyo dad dharkooda dhiig ku daatay.

Muuqaal kale ayaa muujinayay nin sheegaya in dadku sugayeen gargaar isla markaasna si toos ah loogu furay rasaas muddo shan daqiiqo ah.Dhaqaatiir gurmad degdeg ah bixisa ayaa ku eedeeyay ciidamada Israa’iil inay dad si bareer ah u dileen.


Dalalka Yurub iyo Mexico oo ka falceliyay canshuur uu Trump ugu hanjabay

Midowga Yurub io Mexico ayaa muujiyay niyad-jab kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku hanjabay inuu 30% cashuur ah uu ku soo rogi doono badeecooyinka laga keeno dalalkaasi laga bilaabo 1-da Agoosto ee soo aaddan.

Mexico ayaa cambaareysay waxa ay ku sheegtay "heshiis aan cadaalad ahayn” oo uu Trump wado, waxayna ku adkeysatay in madaxbannaanideeda aysan wax laga gorgortami karo ahayn. Dhanka kale, Madaxweynaha guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in EU-da ay qaadi doonto "tallaabooyin is barbar dhig ah” haddii loo baahdo. Labada dhinacba waxay muujiyeen inay weli doonayaan inay wadahadallo la sii wadaan Mareykanka.

Trump wuxuu sidoo kale ka digay inuu sare u qaadi doono cashuuraha badeecooyinka haddii midkood ka mid ah labada dhinac ay isku dayaan inay ka aargoostaan.

Toddobaadkan sidoo kale Trump wuxuu ku dhawaaqay cashuur cusub oo lagu soo rogay badeecooyinka laga keeno Japan, Koonfur Kuuriya, Canada iyo Brazil laga bilaabo bisha soo socota.

Weeraradii ugu dambeyay ee Xuutiyiinta iyo sida ay ku soo gaareen heerka ay hadda joogaan?

Dhowaan ayay ahayd markii Xuutiyiinta ay weerar ku qaadeen Markab xamuul ah oo ku degay Badda Cas, waxaana weerarkaas lagasoo badbaadiyay 10 ka mid ah shaqaalihii la socday, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof.

Tan iyo bishii November 2023, Xuutiyiintu waxa ay weerareen ku dhawaad 70 markab ganacsi oo loo adeegsaday gantaalo, diyaarado aan duuliye lahayn iyo doomo yar yar, waxa ay dejiyeen afar markab, waxa ayna qabsadeen mid shanaad, waxa ay dileen ugu yaraan todobo shaqaale ah.

Kooxda ayaa weerarta maraakiibta ay aaminsan yihiin in ay xiriir la leeyihiin Israa'iil.

Maxaan ka ognahay weerarrada ay Xuutiyiintu qaadeen ilaa hadda?

Bishii Nofembar 2023, Xuutiyiintu waxay bilaabeen weerarro diyaardaaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ka dhan ah Israa'iil iyagoo uga aargoosanaya hawlgallada milatari ee Israa'iil ee Gaza.

Kuwaasi oo ay ku jiraan weerarro gantaallo ah oo dhacay Sebtembar 2024, iyada oo garoommada diyaaradaha Israa'iil ay ahaayeen bartilmaameedka koowaad.

Israa'iil waxay awooday in ay ka hortagto inta badan weerarrada iyada oo adeegsanaysa nidaamkeeda difaaca hawada. Si kastaba ha ahaatee, bishii July 2024, Xuutiyiintu waxay dileen hal qof, 10 kalena way ku dhaawaceen duqayn diyaaradeed oo ka dhacday Tel Aviv.

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa sidoo kale weerarro ku qaadayay maraakiibta ku sugan xeebaha Yemen tan iyo bishii November.

19-kii November, Xuutiyiintu waxay markab ganacsi ka afduubteen Badda Cas.

Sidoo kale, ilaa 100-markab oo ku suganaa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa lagu qaaday weerarro loo adeegsaday dooman aan cidina wadin oo gantaallo ama bambooyin siday.

Labo ka mid ah maraakiibta ayaa quusay markii danbe sidoo kalena waxa uu burbur soo gaaray tobaneeyo kale.

Bishii March 2024, saddex ka mid ah shaqaalle markabka ayaa lagu dilay gantaal ay Xuutiyiintu ku weerareen markaba kuwa xamuulka ah oo uu ka babanaayay calanka Barbados True Confidence.

Kooxdan ayaa sheegtay inay bartilmaameedsanayaan maraakiibta laga leeyahay Israel,kuwa sita calanka Israel ama maraakiibta ay aaminsan yihiin inay u socdaan dekedaha Israel. Si kastaba ha ahaatee dhowr ka mid ah maraakiibta ay weerareen ayaan wax xiriir ah la lahayn Israa'iil.

Bishii Sebtembar 2024, Xuutiyiintu waxay bilaabeen wax ay ciidamada badda Maraykanku ku tilmaameen "weerar adag" oo lagu qaaday maraakiibtooda gobolka. Dhammaan gantaalada ayaa ku guuldareystay inay ku dhacaan bartilmaameedkooda.

Iyagoo ka jawaabaya weerarrada, ciidamada Maraykanka ayaa duqaymo xaga cirka ah ku qaaday fariisimaha Xuutiyiinta Yemen. Waxa ay sheegeen in goobahaasi ay ku jireen kayd hub ah oo ay kooxdaasi ku weerari jirtay maraakiibta.

Bishii May, Xuutiyiinta ayaa xabad joojin la gaaray Mareykanka ka dib toddobo toddobaad oo uu Mareykanka ku jiray duullaan xooggan ee dalka Yemen ah.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan ayaan ka hor istaagin weerarro lagu qaado Israa'iil oo marar badan iyaduna ka aargudatay Xuutiyiinta.

Bishii July 2025, laba markab oo kale ayaa la weeraray, labana waxay degeen toddobaad gudihii.

Labada markab, Magic Season iyo Eternity Sea, waxay ahaayeen maraakiib xamuul oo ay ka babanayeen calamada dalaka Liberia iyo Giriiga, kuwaas oo ay kooxdu ku sheegtay in ay u socdeen Israa'iil.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa cambaareysay weerarrada lagu qaaday Magic Sea iyo Eternity Sea, iyadoo sheegtay inay muujineyso khatarta joogtada ah ee maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ee ku wajahan xorriyadda socdaalka, dhaqaalaha gobolka iyo amniga badda.

Weerarada Xuutiyiinta ayaa ku qasbay shirkado dhowr ah in ay isaga tagaan maraakiibtooda ku sugan badda cas.

Qiyaastii 15% badeecadaha loo soo raro caalamka ayaa isticmaalaan badda cas, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga caalamiga ah.

Maxay tahay tallaabooyinka Mareykanka iyo dalalka kale ay ka qaadanayaan mintidiinta Xuutiyiinta

Ciidamada badda ee Maraykanka, UK iyo 12 wadan oo kale ayaa bilaabay hawlgalka ilaalinta hantida si ay u ilaaliyaan marinnada maraakiibta ee Yemen.

Mareykanka iyo UK ayaa tan iyo bishii January duqeymo isdaba joog ah ka geystay saldhigyada Xuutiyiinta Yemen

Israa'iil ayaa sameeysya weerraro aargoosi ah iyadoo si isdaba joog ah u weerartay fariisimaha Xuutiyiinta.

Duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ayaa waxaa ka mid ahaa bambaanooyinka riddada dheer ee fallaaraha kuwaas oo lala beegsaday xarumaha keydka hubka ee dhulka hoostiisa ah.

Waa kuwee maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, muxuuse hadafkoodu yahay?

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa qeyb ka ah Shiicada laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Yemen oo lagu magacaabo Zaydin.

Kooxdan ayaa la aas aasay sagaashamaadkii si ay ula dagaallamaan musuq-maasuqa baahsan ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Cali Cabdalla Saalax.

Magaca Kooxdan oo laga soo qaatay asaasahooda Hussein al-Xuuti ayaa isku magacaabay 'Ansar Allah' ama Gargaraaha Alle.

Ka dib markii uu bilowday duulaankii uu Maraykanku hogaaminayay ee Ciraaq sanadkii 2003, Kooxda Xuutiyiinta waxay ku dhawaaqayeen hal kudhigyo ay ka mid ahaayeen: "Ilaah baa weyn! Maraykanku ha dhinto! Israa'iil ha dhimato! Halku-dheggyadaas oo ay kor u qaadeen.

Horraantii 2000, maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa qaaday weerarro isdaba joog ah oo ka dhan ah madaxweynihii muddada dheer xukumayey Yemen, Cali Cabdalla Saalax. Waxay dalbadeen madax-banaani dhulkooda waqooyiga ee Yemen.

Intii lagu jiray kacdoonkii Carabta ee 2011, madaxweyne Cali Cabdallah Saalax waxaa lagu qasbay inuu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa, Abdrabah Mansour Hadi.

Intii uu xukunka hayay Madaxweyne Hadi, maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa isbaheysi la sameystay Cali Cabdalla Saalax oo xilka laga tuuray iyo ciidamada ammaanka oo weli isaga daacad u ahaa. Ka dib waxay la wareegeen gacan ku haynta gobolka Sacda ee waqooyiga Yemen iyo caasimadda Yemen ee Sanca.

Sannadkii 2015-kii, waxay qabsadeen qaybo badan oo ka mid ah galbeedka Yemen, taas oo ku khasabtay madaxweynaha inuu u baxsado dibadda.

Sucuudiga oo deris la ah ayaa ka baqay in Xuutiyiintu ay la wareegaan guud ahaan dalka Yemen oo ay basaasiin u noqdaan dalka Iiraan oo ay is hayaan.

Waxay isbahaysi la samaysatay qaar ka mid ah dalalka Carabta si ay weeraro uga qaadaan, inkasta oo ay sannado badan weerarro cirka iyo lugta ah ku qaadeen, haddana Sacuudigu waa uu ku guul-darraystay inay Xuutiyiinta ka saaraan meelo badan oo ay haysteen.

Dhanka kale, Sacuudiga ayaa isku dayaya inuu heshiis nabadeed la gaaro Xuutiyiinta. Dib-u-heshiisiinta Qaramada Midoobay waxa ay jirtay tan iyo bishii Abriil

Daraasaad ayaa muujisay in dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 160,000 oo qof ayna ku barakaceen in ka badan 4 milyan.

Yaa taageera Xuutiyiinta, sideese ku helaan hubka?

Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay k ataageertay Xuutiyiinta in ay beegsadaan maraakiibta, balse Iiraan ayaa sheegtay in aysan ku lug lahayn.

Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa ku andacoonaya in Iiraan ay si qarsoodi ah ay Xuutiyiinta u siisay hub nooca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, kuwa gantaalaha cruise-ka iyo gantaalaha ballistic-ga intii lagu guda jiray dagaalka sokeeye ee Yemen taas oo xadgudub ku ah cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay.

Waxa ay sheegeen in gantaalada noocaan ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday weerarada ka dhanka ah Sacuudiga, iyo xulafadiisa, Imaaraadka Carabta.

Iiraan ayaa sheegtay in aysan hub siin Xuutiyiinta oo ay kaliya siyaasad ahaa u tageerto.

"Xuutiyiintu ma aanay gaareen heerkan, tababar iyo sirdoon la'anta Iiraan," ayay tiri Dr Elizabeth Kendall, oo ah khabiir Bariga Dhexe ka tirsan ee Jaamacadda Cambridge.

Si kastaba ha ahaatee, "ma cadda in Iiraan ay si toos ah u amarto oo ay u maamusho Xuutiyiinta," ayay raacisay.

Sida laga soo xigtay Machadka Daraasaadka Siyaasadda Caalamiga ah ee Talyaaniga, Iiraan waxay ka caawisay Xuutiyiinta inay warshado ka dhistaan Yemen si ay u sameeyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale talo iyo taageero milateri ka hela kooxda Islaamiga ah ee Xisbullah, sida ay sheegtay xarunta la dagaalanka argagixisada ee fadhigeedu yahay Mareykanka ee Akademiyada Militariga ee West Point.

Bishii Juun 2025, Israa'iil waxay weerar lama filaan ah ku qaaday xarumaha Nukliyeerka iyo militariga Iiraan, taas oo keentay in Iiraan ay ka jawaabto.

Dagaalka 12-ka maalmood socday ayaa laga yaabaa inuu si weyn u wiiqay awoodda Nukliyeerka ee Iiraan.

Ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay weerarada Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan iyo Xisbullah in ay saameyn ku yeelan karaan gargaarka ay siiyaan Xuutiyiinta.

Bishii July 2025, ciidamada Israa'iil ayaa duqeymo cirka ah ka billaabay deegaannada ay Xuutiyiintu ka taliyaan ee e Yemen taas oo ay ugu jawabayeen Xuutiyiinta.

Wasiirka Gaashaandhiiga Israa'iil Katz ayaa ka digay in Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ay " qiimo weyn ugu fadhiyi doontoo falalkooda.

"Masiirka Yemen wuxuu la mid yahay masiirka Tehraan, qofkii isku daya inuu dhibaateeyo Israa'iilna isgana dhibaato ayaa loo geeysan doonaa, qofkii gacantiisa kusoo taago Israa'iil, gacantiisa waa la jarayaa," ayuu ku yiri maqaal lagu daabacay barta X.

Xuutiyiinta ayaa maamula waqooyi-galbeed ee dalka Yemen, oo ay ku jiraan Sanca iyo xeebta Badda Cas.

Intee in le'eg ayay Yemen ka taliyaan Xuutiyiintu?

Xuutiyiinta ayaa maamula waqooyi-galbeed ee dalka Yemen, oo ay ku jiraan Sanca iyo xeebta Badda Cas.

Inta badan dadka Yemen ayaa ku nool deegaanadaas, waxana Xuutiyiinta ay ka qaadaan canshuuraha, lacagna u daabacaan sida dowladda.

Dawladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa fadhigeedu yahay dekedda koonfureed ee Cadan.

Xukuumada ayaa waxaa hogaaminaya gole madaxtooyo oo ka kooban sideed xubnood oo xilka kala wareegay madaxweyne Hadi

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip