Mas'uuliyiinta Hiiraan oo guddoomay deeq samofal ah oo loogu talagalay ciidanka

0
Sunday July 13, 2025 - 17:34:20 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiinta Hiiraan oo guddoomay deeq samofal ah oo loogu talagalay ciidanka

    Mas'uuliyiin ka socday Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo odoyasha dhaqanka ayaa deeq kaalmo ah oo isugu jirtay lacag, raashin, xoolo nool garsiiyay madaxda iyo nabadoonno ku dhaqan Hiiraan. Xafladdii guddoonsiinta deeqdaasi oo ka dhacda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin ka socday Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo odoyasha dhaqanka ayaa deeq kaalmo ah oo isugu jirtay lacag, raashin, xoolo nool garsiiyay madaxda iyo nabadoonno ku dhaqan Hiiraan. Xafladdii guddoonsiinta deeqdaasi oo ka dhacday Degmada Maxaas,waxaa halkaasi lagu bixiyay lacag gaareysa konton kun oo dollar,tiro ari ah iyo in ku dhow toban neef oo geel ah. Xafladdaasi waxaa ka hadlay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Maxamed Cabdullahi, Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud , Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad wehliye,Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed iyo xubno kale. Deeqdaan oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinaayo ciidanka la dagaalamaya khawaarijta waxaa bixiyay mid kamid ah beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Galgaduud,kuwaas oo gartay in dadka walaalahooda ah ay ku garab istaagaan wixii samofal ah ee ay awoodaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip