Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jigjiga

0
Sunday July 13, 2025 - 17:28:17 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jigjiga

    Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Farxaan Xuseen Maxamed, ayaa ku soo dhaweeyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wafdi sare oo ka kala socday Jaamacadda Bariga Afrika ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Farxaan Xuseen Maxamed, ayaa ku soo dhaweeyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wafdi sare oo ka kala socday Jaamacadda Bariga Afrika ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyayaasha labada jaamacadood, Dr. Bashiir Maxamuud Cabdullaahi iyo Dr. Cabdirasaaq Takar. Socdaalka wefdiga oo ujeedkiisu ahaa booqasho ku socota guud ahaan Bahda Garsoorka Dalka, ayaa si gaar aha maanta u soo gaaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, waxaana xoogga lagu saaray sare u qaadista xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada ee cilmi-baarista sharciga, wacyigelinta bulshada, fursadaha iyo aqoon iswaydaarsiga bahda garsoorka iyo bahda tacliinta sare.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip