Ra'iisul wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha cusub ee UK

0
Sunday July 13, 2025 - 17:20:59 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha cusub ee UK

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta, doorashooyinka iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya. Ra'iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha la xaqiijiyey ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socodaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka. Dhankiisa, Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo horumarrada laga gaaray amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip