Guddoomiyaha golaha shacabka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 26-ka June

0
Thursday June 26, 2025 - 09:33:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha golaha shacabka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 26-ka June

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska sanad guuradda 65-aad ee kasoo wareegatay markii Goboladda waqooyi ee Dalkeena ay xorrni

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska sanad guuradda 65-aad ee kasoo wareegatay markii Goboladda waqooyi ee Dalkeena ay xorrnimadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay xuska sanad guuradda 65-aad ee xorrnimadii Gobolada waqooyi ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay maanta oo kale u leedahay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in ay tahay maalin ku weyn quluubta dadka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Shacabka Soomaaliyeed ee Gobolada waqooyi ku amaanay doorkooda midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, asiga oo si gaar ah u xusay halyeeyadii Gobolada waqooyi u horseeday xorrnimada iyo midnimada. Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan garab istaaga dowladnimadda Soomaaliyeed iyo in ay meel uga soo wada jeestaan cid walba oo lidi ku ah horumarka dowladnimada Soomaaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip