
Qoysaska Muwaadiniin Marookaan ah oo ku xiran Soomaaliya oo dalbaday in dalkoodi lagu sooceliyo
Qoysaska Muwaadiniin Marookaan ah oo ku xiran Xabsi ku yaala Magaalada Garowe ee Puntland ayaa dalbaday in wiilashooda si shuruud la'aan ah loogu celiyo wadankoodi.
Lix muwaadin oo u dhalatay dalka Marooko, kuwaas oo horay loogu xukumay dil toogasho ah ka hor inta aan wax dambi ah lagu soo oogin, lana amray in la masaafuriyo, ayaa dhankoodi baaq deg deg ah u direy Dowladda iyo shacabka Marooko, si ay gacan uga geystaan sidii ay dalkooda ugu laaban lahaayeen.
Qoysaska muwaadiniintaan ayaa cabasho rasmi ah u gudbiyey 19-kii Maajo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Morocco, Waxa ay ugu baaqeen in si deg deg ah loo soo fara geliyo dhibaatada haysata caruurtooda, kuwaasoo weli xabsiga ku jira, inkastoo ay maxkamadu amartay in la sii daayo, laguna masaafuriyo muddo sanad iyo bar.
Mid ka mid ah maxaabiistaasi ayaa wargeyska Al-Oumk u sheegay marqaati cod ah oo uu kaga sheekeeyay in la shirqoolay markii ay imaanayeen Soomaaliya oo ay rabeen shaqo caadi ah balse madaxa loo galiyay Kooxda Daacish.
Cabashada qoysaska ayaa xaqiijisay in wiilashooda ay Soomaaliya u soo galeen iyaga oo ujeedkoodu ahaa inay ku shaqeeyaan qandaraasyo shaqo, laakiin wax yar ka dib ayaa la ogaaday in la khiyaaneeyey oo ay ku lug lahaadeen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka (ISIS).
Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland ayaa 2-dii March 2024-ka dil toogasho ah ku xukuntay lixdaan qof oo u dhashay dalka Marooko, ka dib markii lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.
Qoysaska Muwaadiniin Marookaan ah oo ku xiran Soomaaliya oo dalbaday in dalkoodi lagu sooceliyo
Qoysaska Muwaadiniin Marookaan ah oo ku xiran Xabsi ku yaala Magaalada Garowe ee Puntland ayaa dalbaday in wiilashooda si shuruud la'aan ah loogu celiyo wadankoodi. Lix muwaadin oo u dhalatay dalka Marooko, kuwaas oo horay loogu xukumay dil t