
HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 25 JUNE 2025
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo daah-furay warbixin sanadeedka 2024 ee horumarka maaliyadeed
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuu madda Federaalka Soomaaliya, Muda -ne Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah -furay warbixin sanadeedka 2024, ee horumarka maaliyadeed ee Soomaa liya.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, ayaa sheegay in Soomaaliya gaartay horum -ar dhaqaale oo la taaban karo iyada oo guul laga gaaray dhanka maamulka maaliyadda, kobcinta dakhliga dowlad da iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Mudane Saalax, ayaa tilmaamay in hir galinta nidaam maaliyadeed oo hufan uu kaalin weyn ka qaadanayo xoojinta dakhliga hey’adaha dowladda. Waxa uunna xusay in loo baahan yahay in saldhig looga dhigo maamulka maaliya dda dalka Qorshaha Isbeddelka Qara nka oo Xukuumadda DanQaran hirga -lisay.
Wasiir Bixi oo kulan sagootin ah u sameeyay wakiilka bankiga aduunka ee Soomaliya
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Bii -xi Imaan Cige iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ah ayaa xalay kulan sagoo tin iyo maamuus ah u sameeyay Mrs. Cristina Svensson oo aheyd Shantii sano ee la soo dhaafay Maamulaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Sooma -aliya (Country Manager) oo muddo xileedkeedu ku ek yahay dabayaaqada bishaan.
Kristina Svensson ayaa Soomaaliya loo soo magacaabay Bishii July 2020-kii, iyada oo muddadaas shaqo wanaa gsan la soo qabatay Wasaaradda Maal iyadda iyo guud ahaan Dowladda Soo -maaliya.
Shaqooyinka muhiimka ah ee ay ka soo qeyb qaadatay waxaa ka mid ahaa hannaankii deyn-cafinta Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan is xog wareysi ah kadib, waxa uu guddoon siiyay Billad sharaf iyo hadiyado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ku mutaysatay dadaalkeedii ay uga qeyb qaadatay geeddi socodka hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka.
Kulanka ka waxaa sidoo kale goob joog ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Adduu -nka dalalka Bariga Afrika oo Soomaa liya ay ka mid tahay.
Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Shiinaha
Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS mu -dane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sha -lay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jam huuriyadda Shacabiga Shiinaha u fadh -iya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, oo booqasho ku yimid Wasaaradda Gaa -shaandhigga.
Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wadah adlay Guulaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka gaareen halga nka ay kula jiraan argagixisada, hawl galka AUSSOM iyo taageerada ay u baahan yihiin ciidamada XDS.
Wasaaradda gaadiidka oo adeegyada guud ee dowladda ku xireysa kaarka aqoonsiga Qaranka
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS ayaa bulshada Soo maaliyeed ku wargelisay in ay adeeg sadaan Kaarka aqoonsiga Qaranka ee helidda adeegyada Wasaaradda Gaad iidka iyo Duulista Hawada ee Xukuum adda Jamhuuriyadda Federaal ka.Was aaraddu iyadoo ka duuleysa go’aankii ka soo baxay Shirk a Golaha Wasii rrada ee qabsoomay 7-dii Abriil 2025, oo lagu meel mariyey "dhaqan-gelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku xirka adeegyada mu hiimka ah ee dadweynaha”, waxa ay ku wargelinay saa shacabka Soomaal iyeed arrimo muhiim ah.
Shirkaasi wuxuu xoogga saaray muhii madda ay leedahay in dhammaan ad -eegyada guud ee Dowladda lagu xiro Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixi -so Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Qaranka (NIRA).
Wasaaradda, iyadoo fulinaysa amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya ee tixraaciisu yahay XRW/415/04/2025, kana soo baxay 21-ka Abriil 2025, kaas oo loogu talagalay "taabbo-gelinta isku-xirka adeegyada iyo nidaamka hubinta Aqoo nsiga Qaranka”, iyadoo sidoo kalena tixraacaysa:
Xeerka KMG ah ee Gaadiidka Dhulka, lambarkiisu yahay JS-XM/D016/07 /2007, soobaxay 5-ta Luulyo 2007, Xeer Lambar 15 ee soo baxay 1-da Ja -naayo 1971, ayaa hadda lagu daba qayaa dhammaan adeegyada ay bixi so Wasaaraddu.
Wasaaraddu waxa ay bulshada ku war gelinaysaa in dhammaan adeegyada ay bixiso lagu xiray isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda NIRA.
Waxaa Kaarka Aqoonsiga looga baa hanyahay dhinacyada hoos ku xusan:
– Xubnaha saamilayda shirkadaha gaadiidka dadweynaha;
– Qof kasta oo codsanaya ruqsadda darawalnimo ama cusboonaysiinteeda;
– Qofka doonaya is-diiwaangelin ama wax-ka-beddel lahaanshaha gaadiidka;
– Qof kasta oo doonaya in uu helo rukhsado kale oo la xiriira gaadiidka.
Tallaabadan waxa ay qayb ka tahay hir gelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Dowladda ay meel marisay bishii Maarso 2025, iyadoo lagu doonayo adeeg hufan, horumarinta dhaqaalaha, yareynta khiyaanooyinka la xiriira aqoonsiga, iyo kor u qaadidda kalsoon ida shacabka.
Wasaaradda waxa ay bulshada ku dhii rrigelinaysaa qaadashada Kaarka Aqo -onsiga Qaranka si loogu adeego si hu -fan, degdeg ah, loogana qayb qaato koboca dhaqaalaha iyo adeegsiga tignoolajiyadda casriga ah.
Kulan ku saabsan horumarinta duulista rayidka oo Muqdisho lagu qabtay
Wasiir dowlaha Wasaaradda Gaadiid ka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaaliya xildhibaan Cab -dikariim Cabdow Xaydar ayaa shalay shir- gudoomiyey kulan looga hadlayey hanaanka hortabinta shaqada hay’ada duulista Rayidka oo ay ka soo qaybga leen Maareeyaha guud ee hay’adda Axmed macalin Xasan, mareeyaha Ga roonka Aden Cadde iyo xubno kale ay aa si qoto dheer loogu falanqeeyey waajibaadka shaqo ee waax walba,
caqabadaha jira iyo fursadaha kor loo -gu qaadi karo waxtarka hay’adda duu lista dhinacayada amniga hawada Hor marinta Garoomada Dalka iyo falaq aynta abuurista fursado kale oo lagu hormarinayo hanaanka waxkabadalka qorshayaasha hortabinta u ah tiirarka Hay’adda iyo Garoomada Mareeyah Guud ayaa Wasiirka Warbixin ka siiy aey guulaha lagaadhay iyo yolalka la hiigsano ee lagu hormarinayo Duulista Iyo xirfadaha, Shaqaalaaha Ka shaqee ya Hagista diyaaradaha Hawadeenna mara oo ay Somaaliya noqotay Dalka ugu xirfadaha Wanaagasan ee dhanka Amniga hawada iyada oo laga taxada ray dhicitaanka Waxyeeelo nafeed iyo mid Hantiyadeed, Badabaada Diyaar adaha Gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyo u hogaansanaanta Sharciga Caalm agiga ah ee Duulista Rayidka Aduunka.
Wasiir xaday ayaa soo jeediyey taloo yin la xidhiidha doorashada halbeegy ada la hiigsanyo ee ay tahay in la raa co si aan ugaadhno shaqa Wanaag iyo adeeg hormarineed oo Ah Gudashada wajibaadka ay tahay inaan ka soo baxno ayu ku soo gabagabeeyey kulan ka.
Danjire Dr Hodon oo khudbad ka jeedisay machadka daraasaadka Afrika ee Shiinaha
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa shalay khu dbad muhiim ah ka jeedisay Machadka Daraasaadka Afrika iyo Shiinaha, taa soo qayb ka ahayd munaasabadaha sannadkan lagu xusayo 65 sano gu ruada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Khudbadda oo cinwaankeedu ahaa "S oomaaliya iyo Shiinaha 65 Sano Kadib: Xiriir Istiraatiiji ah oo Galaya Weji Cu sub,” waxay safiiraddu diiradda ku saa rtay saaxiibtinimada qotada dheer ee labada dal, doorkii Soomaaliya ee ah aa dalkii ugu horreeyey Bariga Afrika ee aqoonsada Jamhuuriyadda Shacbig a Shiinaha, iyo sida ay shalay labada dowladood u doonayaan in xiriirkooda loo xoojiyo, siibana dhinacyada waxba rashada, ganacsiga, horumarka iyo dowlad-dhiska.
Safiiraddu waxay sidoo kale diiradda saartay baahida loo qabo in xiriirka taa riikhiga ah loo beddelo iskaashi muuq da oo waxtar u leh shacabka Soomaal iyeed, si gaar ah dhallinyarada iyo gan acsatada.
Munaasabaddani waxay qeyb ka tahay taxane dhacdooyin ah oo ay safaarad du ku xusaysay sanadguurada 65-aad ee xiriirka labada dal oo ah mid ku saleysan ixtiraam, wax wada qabsi, iyo saaxiibtinimo muddo dheer soo jirtay.
Puntland oo beenisay in mashaariicda uga xanniban Muqdisho uu diiday inuu saxiixo madaxweyne Deni
Maamulka Puntland ayaa si adag u beeniyay eedeayn kasoo baxday Dow ladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ku saabsanayd in madaxweynaha Pun tland Siciid Cabdullaahi Deni uu hor taagan yahay mashaariic horumarine ed oo laga fulin lahaa deegaanada Puntland.
Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxam ed Faarax Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay siyaasad aysay mashaariicdii horumarineed ee dalka loogu talagalay, isla markaana ay isku dayeyso inay si ka baxsan nida amka federaalka u maamusho mashaa riicda, ayna doonayso in mashaariicda laga hago Muqdisho.
"Waxaa la isku raacay in mashruuc kasta oo laga fulinayo Puntland uu mar o hannaan hufan oo shan qodob ka kooban oo kala ah; in qandaraasyada lagu qabto gudaha Puntland, in si cad loo muujiyo qoondada dhaqaale ee Puntland loogu talagalay, in Puntland ay xaq u leedahay kormeerka masha ariicda, in ay leedahay awoodda la xis aabtanka, iyo in hantidhowre madax bannaan uu hubiyo fulinta mashruuca," ayuu yiri wasiirka Maaliyaddu.
Wasiir Maxamed Faarax wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal uu saxaafadda ka sheegay Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Dowladda Federaalka, Cabdiqafaar Xaange, kaasoo ahaa inuu Madaxweyne Deni uu caqabad ku yahay mashaariic horumarineed ee Puntland.
"Puntland marna diyaar uma aha in ay saxiixdo mashaariic si qarsoodi ah loo wado oo dhaawacaya sharafta iyo jiritaanka Puntland. Laakiin had iyo jeer waxaan diyaar u nahay inaan ka qayb qaadano mashaariicda ay beesha caalamku bixiso haddii loo maro hannaan hufan oo daahfuran," ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland.
Dhawaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay Puntland ka xanniban yihiin ku dhawaad 20 mashruuc oo ay sheegtay inuu diidan yahay inuu saxiixo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
NISA oo howlgal lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ka fulisay gobolka Hiiraan
Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa Xalay howlgal qorshaysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan.
Warsaxafadeed kasoo baxay Hay'ada NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal.
Howlgalkaan ayaa ahaa mid si gaar ah loogu beegsaday xubno firxad ahaa oo labadii maalin ee lasoo dhaafay isku aruursanaayay deegaano dhaca dhulka howdka ah ee hoostaga deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan.
"Hawlgalkan oo la fuliyay labo mar oo is xigtay ayaa bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen male eshiyaadka khawaarijta ah si ay dha garo ugu maleegaan Shacabka Sooma aliyeed waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale la burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA.
Warka kasoo baxay Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa sidoo kale lagu sheegay in NISA ay ka go’an tahay iney meel kasta ku beegsato kooxda Al-shabaab, si looga ciribtiro guud ahaan dalka.
Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarka ay Iran ku qaadday dalka Qatar
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaali ya ayaa si kulul u cambaaraysay wee rarka ay Iran ku qaadday dalka Qatar, iyadoo ku sheegtay inuu yahay xadgud ub cad oo ka dhan ah sharciga caalam iga ah, islamarkaana uu khatar weyn ku yahay nabadda iyo xasilloonida gob -olka.
Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda, Soomaaliya waxay si buuxda ula garab taagan tah ay dowladda Qatar, iyadoo muujisay taageeradeeda joogtada ah ee madax-bannaanida, amniga iyo midnimada dhuleed ee Qatar.
Bayaan ayaa sidoo kale xusay in Soo maaliya ay weli u taagan tahay ilaalinta nidaamka caalamiga ah ee ku saley san ixtiraamka madax-bannaanida da lalka, dhowrista xuduudaha, iyo xallinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo wadahadal iyo is-faham.
"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya waxa ay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka dowlad da aan walaalaha nahay ee Qatar, wa xayna xaqiijineysaa in ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay madax bannaanida, amniga, iyo wadajirka dhu leed ee Qatar. Soomaaliya waxa ay ku adkaysanaysaa inay ka go'an tahay nidaam caalami ah oo ku salaysan xee rar, kaas oo ku qotoma ixtiraamka mad axbannaanida qaranka, ku xad-gudub ka xuduudaha, iyo xallinta khilaafaa dka si nabad ah wadahadal iyo isfa han,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay sii deysay Wasaaradda Arrimaha Di badda Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa ugu dambayn ku baaqday in dhammaan dhinacyadu mu ujiyaan is-xakameyn, waxayna ugu yeertay beesha caalamka inay si mide ysan u garab istaagto dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo qaddarinta madax-bannaanida dowladaha.
Weerarkii ay Iran ku qaaday saldhigga milatari ee Al Udeid ee dalka Qatar ma geysan wax khasaare ah, sida ay shee gtay dowladda Qatar. Mas’uuliyiintu wa xay xaqiijiyeen in gantaalladii Iran ay soo ridday la qabtay oo la burburiyay intaysan gaarin bartilmaameedkoodii. Xaaladda gobolka ayaa weli kacsan iyadoo weli cabsi laga qabo dagaal ballaaran.
Qaraxyo ayaa laga maqlay dalka Qatar, sida ay sheegeen warbaahino kala du wan, sawirrana waxay muujinayeen ga ntaallo dul maraya caasimadda Qatar ee Doha.
Trump oo ku dhawaaqay xabad joojin kadib markii Iran weerartay saldhigyada Maraykanka
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in xabad joojin rasmi ah la gaadhay, taasoo dhex martay dalalka Israa’iil iyo Iran, kadib 12 maalmood oo dagaal xoogan ah oo gobolka Bariga Dhexe gilgilay so cday. Trump ayaa sheegay in heshii ska xabad joojintu u dhici doono si tilla abo-tillaabo ah muddo 24 saacadood gudahood ah.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bara ha bulshada ku yidhi:"Waxay isku raac een Israa'iil iyo Iran in ay xabad joojin buuxda gaadhaan qiyaastii 6 saacado od imika kadib."
Heshiiskan ayaa yimid kadib weerar gantaallo ah oo Iran ku qaaday saldhig ga weyn ee ciidamada Mareykanka ee Al Udeid ee ku yaalla magaalada Doxa ee dalka Qatar. Iran ayaa sheegtay in weerarkani uu ahaa aargoosi ku waj ahan duqeyntii Mareykanku uu Axaddii la beegsaday xarumaha nukliyeerka ee ku yaalla gudaha Iran ee Fordow, Natanz iyo Isfahan.
Qatar Oo Ka Hadashay Weerarka Iran Ayaa ku Tilshalayy Xadgudub Ka Dhan ah Madaxbannaanideeda
Dowladda Qatar ayaa cambaareysay weerarka Iran ku qaaday dhulkeeda, iyadoo ku tilshalayy inuu xadgudub ku yahay madax-bannaanideeda. Dowlad da Qatar waxay sheegtay in ay "xaqq u leedahay in ay ka jawaabto" weerar ka Iran, waxayna xaqiijisay in nidaam ka difaaca cirka ee dalkeedu uu ku guuleystay in uu soo rido badanka gan taalada lasoo tuuray. Lama soo shee gin wax khasaare ah oo nafeed ama dhaawac ah.
Saxafiga Dorsa Jabbari oo ka tirsan Al Jazeera ayaa sheegay in Qatar ay ahayd "badhtilmaameedka muuqda” ee Iran, maadaama ay hoy u tahay sal dhigga ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe. Iran ayaa si doo kale weerartay saldhiga Maraykan ka ee dalka Ciraaq.
Waa Sidee Xaaladda Iran Iyo Israa’iil Kadib Xabad Joojinta uu Trump ku Dhawaaqay?
Kadib markii Trump uu ku dhawaaqay xabad joojinta dowlada Iran ayaa dhan keeda si dadban ugu dhawaaqday in ay xabada joojisay, "Hawlgalkii milateri ee ciidamadayada awooda badan wa xay Israa'iil ku ciqaabeen gardaradee dii ilaa saacadii u danbaysay oo ah 4 subaxnimo" Wasiirka Arrimaha Diba dda Iran, Sayyed Cabas Araghchi, ay aa sida ku yidhi qoraal uu ku baahiyay bartiisa X.
"Inaga oo isku duuban waxaynu u mahadcelinaynaa ciidamadeena geesi yaasha ah, ee u taagnaa in ay difaa caan dhulkeena qaaliga ah ilaa ay dhib icdooda dhiiga ah ee u danbaysa ay dhulka ku dhacayso, kuwaas oo ka ja waabay dagaalkasta oo uu cadawgu soo qaaday ilaa daqiiqadii u danbay say."
Dhanka Israa'iil wali wax war ah oo ras mi ah kama soo bixin, taasoo keenay sa shaki ku saabsan sida uu heshiisku u dhaqan gali doono. Warbaahinta Iran, gaar ahaan wakaaladda Tasnim, ayaa sheegtay in isla xalay la maqlay dhowr qarax oo ka dhacay caasimadda The ran iyo magaalada Karaj. Sidoo kale, laamaha ammaanka Iran ayaa hawlga liyay nidaamka difaaca cirka, iyadoo warbixintu sheegtay in diyaarado daga al oo Israa’iili leedahay ay weerarro cusub ku qaadeen Iran.
Warbaahinta gudaha Iran waxay sidoo kale sheegtay in qaar kamid ah diyaa raddaha aan duuliyaha lahayn ee Isra a’iil lagu soo riday hawada sare ee The ran. Dhanka kale, Israa’iil ayaa sii wad da duqeymo ay ka gaysanayso Qasa, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 43 qof oo ay ku jiraan 13 qof oo sugayay gargaar bini’aadanimo, sida ay qortay Al Jazeera.
Falcelinta Dalalka Gobolka ee Weerar ka Iraan Ku Qaaday Saldhigayada Maraykanka
Weerarka Iran ay ku qaaday saldhigg yada Mareykanka ee Qatar iyo Ciraaq ayaa si weyn looga falceliyay. Dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Soomaali ya, Baxrayn, Kuwayt, Cumaan, Qatar, Sacuudiga, Imaaraadka, Masar, Moroc co, Urdun, Lubnaan, Turkiga, Yemen (dowladda rasmiga ah, ee aan ahayn Xuutiyiinta), iyo Falastiin (ma ahan Xa -maas) ayaa si rasmi ah u cambaaree yay tallaabada Iran, iyagoo ugu yee dhay "mid halis ku ah xasilloonida go -bolka".
Inkasta oo Trump uu sheegayo guul diblomaasiyadeed iyo dhammaad dagaal, haddana xaaladdu wali waa mid kacsan, iyadoo labada dhinac ee Isra’iil iyo Iran aanay weli si rasmi ah u xaqiijin heshiiska xabad joojinta. Dad ka ku dhaqan gobolka, gaar ahaan gu daha Iran iyo Israa’iil, wali waxay waja hayaan cabsi iyo qalalaase, iyadoo xaaladdu u muuqato mid wali halis ah haddii heshiiska xabad joojinta aanu dhaqangal noqonin.
Mareykanka oo sheegay in Duqeyn dhinaca Cirka ah ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelada Hoose.
Taliska ciidamada Mareykanka u qaa -bilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRI -COM ayaa sheegay, in ayaga oo kaa shanaya dowladda federaalka Soomaa -liya, ay duqeyn ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeelada hoose, 19 bisha.
Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqeynba lala beegsaday godad ay Al-Shabaab ay laheyd dee gaanka Sabiid ee Gobolka Shabeelada Hoose.
AFRICOM oo ay garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaali yeed, waxay sii wadaan tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda al-Shabaab ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weer arro halis ku ah Mareykanka, ciidama da Mareykanka, iyo muwaadiniintiisa ee gudaha iyo dibadda.” Ayaa lagu yiri qoraalka
Sidoo kale AFRICOM ma sheegin khasaaraha ay gaarsiiyeen maleeshiy aadka Al-shabaab iyo sidoo kale shaa cin in dad rayid ay wax ku noqdeen duqeynta.
Washington ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee ka qayb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxayna sidoo kale tababar iyo taagee ro ay siisaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada Shabeelaha Hoose iyo Hii -raan iyo Shabeelada Dhexe ka dhaca yay duqeymo lala beegsanayay male eshiyaadka kooxda Al-shabaab.
Iran oo xalay weerar aargoosi ah ay ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee Qatar.
Iiraan ayaa xalay gantaallo ku weerar -tay saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay dalla Qatar, iyadoona la beegsaday saldhigaasi.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan , ayaa ku dhawaaqay inay si toos ah u beegsadeen saldhigga milatari ee Mareykanka ku leeyahay Qatar ee Al Udeid, halkaasoo ay sheegeen inay la beegsadeen gantaallo wax burburiya.
Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim, ayaa xaqiijisay inay Iiraan si rasmi ah u weerartay saldhigga uu Mareykanka ku leeyahay dalka Qatar.
CNN, ayaa ku warramaysa inay ciidanka Mareykanka la tacaalayaan weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Iiraan ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq iyo Qatar.
Weerarka gantaallada ee Iran ay ku qaadday saldhigga milateri ee Al-Udeid waxa uu jawaab u ahaa gardarrada cad ee Maraykanku ku hayo madaxbannaanida dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka Iran,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Araghchi.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu rajaynayo in Iran ay hada diyaar u tahay xabad-joojin ka dib markii waddanku uu weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidammada cirka ee Mareykanka ee Qatar, taasoo jawaab u ah duqeymihii Mareykanka ee saddex goobood oo Nukliyeerka Iran.
"Waxaa laga yaabaa in Iran ay hadda diyaar u tahay nabadda iyo wada noolaanshaha gobolka, waxaana si xoogan ugu dhiirigelin doonaa Israa’iil inay sidaas oo kale sameyso,” ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada.
Hogaamiyaha Maraykanka ayaa ku tilmaamay jawaabta Iran mid aad u kooban balse waxa uu uga mahad celiyay Iran in ay horey u siisay "Ogaysiin kahor duqeynta, taas oo suurto galisay in aan cidina ku dhaawacmin
Trump: Soomaaliya waxay kamid tahay waddamada ugu xun adduunka
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar, ayaa sheegay in ay ka timid Soomaaliya oo kamid ah waddamada ugu liita adduunka.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in Ilhaan Cumar ay kaliya ka cabato dalka ay dhalashadiisa haysato, isla markaana ay xildhibaan ka tahay ee Mareykanka.
"Wax kale ma qabato, waddankeena uun bay ka cabataa" ayuu Trump ku yidhi qoraal uu baraha bulshada ku baahiyay.
"Waddanka guuldarraystay ee ay ka timid dowlad ma laha, waxaa halakeeyay faqri iyo dambiyo, waxaana lagu tilmaamaa mid kamid ah waddamada ugu xun adduunka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Trump, isaga oo ka cadhaysan hadallo ay Xildhibaan Ilhaan ku dhaleeceysay maamulkiisa.
Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Dimuquraadiga ah ee mucaaradka ah, ayaa si joogto ah u dhaliisha siyaasadaha maamulka Trump. "Maya Madaxweyne, ma garanaysid waxa aad samaynayso. Halka adiga lagaa moodo siidhiwade dawakhay, Netanyahu wuu kaaga xirfad badan yahay adduunka" ayay ku yidhi qoraal ay ku baahisay baraha bulshada.
Trump ayaa mar kasta oo uu ka xanaa qo mucaaradadda Xildhibaan Ilhaan Cumar, wax ka sheega Soomaaliya oo ay kasoo jeedo xildhibaanaddu. Dhowr sano ka hor ayuu sidoo kale Soomaaliya ugu tilmaamay dal aan rajo lahayn, oo aan dowlad ka jirin.
Trump oo sannado ka hor ka hadlayay kulan olole oo ka dhacay Moon Township, agagaarka magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania, ayaa si toos ah u beegsaday Ilhaan, isagoo yidhi: "Ilhaan waxay noo sheegaysaa sida aan waddankeena u maamuli lahayn. Maxad samaysaan dalka aad ka timid? Maxaa lagu hayaa dalkii aad kasoo jeeday?"
Hadallada Trump ayaa si cad u muujinaya in uu shaki gelinayo Mareykanimada Ilhaan Cumar, inkastoo ay tahay muwaadin si rasmi ah. Xildhibaan Ilhaan oo matasha gobolka Minnesota, ayaa ka mid ah xubnaha Kongareeska ee ugu firfircoon marka ay timaado dhaleeceynta siyaasadaha Trump.
Ilhaan Cumar ayaa bariga si deg deg ah uga jawaabtay hadalka Trump iyada oo barteeda Twitter-ka ku qortay: "Ugu horreyn, kani waa dalkayga, waxaan ka tirsanahay Golaha Wakiillada . Marka labaad, waxaan kasoo cararay dagaal sokeeye aniga oo 8 jir ah. 8-jir waddan ma maamulo, inkasta oo adiga aad u maamulayso sida ilmo yar.” Jawaabta Ilhaan ayaa taageero weyn ka heshay dadka u ololeeya sinnaanta iyo la dagaalanka takoorka.
Madaxweyne Trump waxa kale oo uu horay ugu yeedhay Ilhaan iyo xubno kale oo ka tirsan garabka Dimuquraadiga ah in ay "ku noqdaan meeshii ay ka yimaadeen,” isagoo ku tilmaamay in ay ka yimaadeen dalal uu ku sheegay "kuwa burbursan oo dambiyo badan ka dhacaan.”
Taageerayaashiisa ayaa xitaa marar badan ku dhawaaqay "ku celi dalkii ay ka timid" intii uu socday mid ka mid ah kulamadiisa ololaha, taas oo dhalisay cambaareyn ballaadhan oo caalami ah.
Ilhaan Cumar, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah ee xildhibaan ka noqota Mareykanka kuna labisata xijaab, ayaa wajahday hanjabaado, naceyb diimeed (Islamophobia), iyo aflagaadooyin joogto ah tan iyo markii ay si rasmi ah u gashay siyaasadda dalka Mareykanka.
Haddallada Trump ayaa loo arkaa kuwo sii hurinaya nacaybka, kala-qaybsanaanta bulshada, iyo weerarka lagu hayo dadka asal ahaan kasoo jeeda meel ka baxsan Mareykanka.
Xabad joojintii Iran iyo Israa’iil oo daqiiqado gudahood ku jabtay iyo Trump oo cadhaysan
Xabad joojintii uu ku dhawaaqay Mada xweynaha Mareykanka Donald Trump, ee dhex martay Iran iyo Israa’iil, ayaa jabtay kadib markii ay Iran laba madfac ku soo tuurtay gudaha Israa’iil lix daqiiqo kaddib xabbad-joojinta iyada oo markii ay arrintaas dhacday, Israa’iil ayaa kaga jawaabtay weerar aad u culus oo cirka ah.
Madaxweyne Trump ayaa si kulul uga hadlay jebinta heshiiskii xabbad-joojin ta dhex martay sraa’iil iyo Iran, isagoo si gaar ah u cambaareeyay Israa’iil kuna tilmaamay inay masuul ka tahay hurinta colaadda mar kale qaraxday. "Labada dhinacba way jebiyeen heshiiskii, balse runtii, aad baan uga xumahay waxa ay Israa’iil sameyneyso. Waxay Iran ku dhufteen intaas oo tan oo bam ah," ayuu yidhi Trump isaga oo cadhaysan.
Trump, oo isku dayay inuu dhexdhex aadiyo labada dal isagoo kaashanaya dowladda Qatar ayaa carabka ku adkeeyay in xasilloonida gobolka ay u baahan tahay masuuliyad, dulqaad, iyo is-xakamayn. Bayaankiisa ayaa imaanaya xilli ay Israa’iil qaaday weerarro culus oo ay ku beegsatay magaalada Tehran, iyadoo sheegtay in Iran ay jebisay heshiiskii xabbad-joojinta.
Falanqayn: Wixii dhacay 24-kii saaca dood ee u dambeeyay
Saacadihii u dambeeyay waxaa gobolka Bariga Dhexe gilgilay weerarro aan kala joogsi lahayn. Iran ayaa weerartay saldhig yada Maraykanka ee Qatar iyo Ciraaq, iyada oo ka aargudanaysa weerarkii ui Maraykanku ku qaaday xarumaheeda nukliyeerka, waddamada Carabta ayaa cambaareeyay weerarka Iran.
Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa beegsaday xarumo militari iyo saldhigyo sirdoon oo ku yaalla duleedka Tehran, halka warbaahinta Iran ay sheegtay in tobanaan qof oo rayid ah ay ku dhinteen weerarradaasi. Dowladda Iran ayaa ku dhawaaqday in ay qaadayso tallaabooyin aargoosi ah.
Dhanka kale, warbaahinta Mareykanka iyo dalalka reer Galbeedka ayaa si weyn u hadal haya sida ay u burbur een dadaalladii diblomaasiyadeed ee Trump iyo Qatar. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Mareykanka uu dib u eegayo xidhiidhka milateri ee uu la leeyahay Israa’iil, taasoo muujinaysa khilaaf hoose oo sii xoogaysanaya.
Dhanka kale sidii caadada ahayd waxa suuragal ah in In Trump iyo Natanyahu ay ugu talogaleen in Iran la shirqoolo, oo xabad joojintu ay ahayd dabin la doonayo in lagu dago Tehran.
Waxaa sidoo kale isa soo taraya cabsi laga qabo in colaadda ay u gudubto dalal kale oo gobolka ah sida Lubnaan, Suuriya, iyo Ciraaq, iyadoo kooxda Xisbullah ay ku goodisay inay "jawaab adag ka bixin doonaan duqeymaha Israa’iil ee ka dhanka ah shacabka Muslimiinta.”
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wargeliyay in kulan degdeg ah la isugu yimaado si looga hadlo xaaladdan cusub ee halista ah.
Israa'iil oo shaacisay tiro askarteeda ah oo looga dilay Rafax iyo Xamaas oo ka hadashay
Ciidamada Israa’iill ayaa sheegay in siddeed ka mid ah askartooda lagu di lay koonfurta Qasa, ka dib markii aska rtan ay ka soo laabteen howlgal habe -enimo ah oo ay ka sameeyeen xaafad da Tal al-Sultan ee magaalada Rafax.
Askarta ayaa saarnaa gaari gaashaa man ka dibna uu haleelay qarax weyn, baaritaan hordhac ayaa lagu sheegay in 'qalab farsamo sare loo adeegsaday' sida ay ciidamada Israa'iil sheegeen.
War qoraal ah oo ay soo dhigeen bartooda X, oo hore loo oron jiray Twitter, ayay ciidanka Israa’iil ku sheegeen in Captain Waseem Mahmoud oo 23 jir ah uu ka mid ahaa dadka la dilay, magacyada kale ee askarta ayey ciidamadu sheegeen in la shaacin doono marka qoysaskooda la ogeysiiyo.
Ciidamada dhulka ee Israa’iil ayaa sii wada howlgallada ay ka wadaan Rafax iyaga oo ujeedkoodka howlgallada ku sheegay inuu yahay in ay meesha ka saaraan waxa ay ku tilmaameen " Xaruntii ugu weynayd ee ugu ugu dambaysay ee Xamaas.”
Mar sii horreysay, garabka hubeysan ee Xamaas ayaa sheegay inay gantaal ku rideen gaari gaashaaman kaddib markii ay weerar gaadmo ah sameeyeen, ka hor inta aysan gantaal labaad ku ridin ciidamadii xoojin ahaanta u yimid.”
Dilka sideedda askari ayaa ah dhacdadii ugu darnayd ee ciidamada Israa’iil l ay kala kulmaan marinka Qasa tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan.
Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay ku bixisay "qiimo sare” dagaalka ay ku difaaceyaan dalkooda, balse wuxuu sheegay in dalkiisa uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah "si loo xaqiijiyo jiritaankeenna iyo mustaqbalkeenna”.
Wasiirka Difaaca Yoav Gallant, ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay, isagoo yiri "xanuunka ka dhasha khasaarahan oo kale waa mid aad u weyn".
Sida ay sheegtay wasaaradda caafima adka ee Qasa, 30 Falastiiniyiin ah aya a la dilay Jimcihii.
Hay'adaha gargaarka ayaa ka digay xaaladda bini'aadantinimo ee sii xuma anaysa ee Rafah, halkaasoo Qaram ada Midoobay ay sheegtay in ilaa hal milyan oo Falastiiniyiin ah ay gabaad ka dhiganayaan.
Agaasimaha guud ee haya’adda caafi maadka adduunka ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa Arbaca dii sheegay in qayb weyn oo ka mid ah dadka Qasa ay wajahayaan "gaajo iyo xaalad macaluul ah."
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dawl adda Maraykanka ay cunaqabateyn ku soo rogtay koox Israa’iili ah oo ay sheegtay in ay weerartay kolonyo waday gargaar bani’aadanimo oo ku sii jeeday Qasa.
Wasaaradda arimaha dibadda ee Mara ykanka ayaa sheegtay in urur xiriir laleh Israa’iil oo iskood ah ula hawlgal dadka dadka sharci darrada ku daggan Daanta Galbeed cuna-qabateyn la saari doono, sidoo kalana dadka Mara ykanka ah oo dhan laga mamnuuci doono in ay wax macaamil ah la sameeyaan.
Muddo bilooyin ah ayaa waxaa kooxa ha ololeeyayaasha ee Israa’iil ay ka hortagayeen in kolonyoooyinka wada gargaarka bani’aadanimo ay u gudba an dhinaca Falastiin, gaar ahaan Mark inka Qasa.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Bid -en iyo madax badan oo caalamka ka tirsan ayaa horay ugu booriyay Israa’iil inaysan weerar ballaaran ku qaadin magaalada Rafah.
Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ayaa sheegtay in in ka badan 37,000 oo falastiiniyiin ah lagu dilay dagaalka tan iyo markii uu bilowday dagaalka, iyadoo ay u sii dheer tahay boqolaal kun oo dhaawacyo iyo barakac ah.
Dagaalkan ayaa ka qarxay Qasaa ka dib markii Xamaas ay weerar ku qaaday Israa’iil 7-dii October, kaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 1,200 oo Israa’iiliyiin ah iyo 251 kale oo ay ku qafaasheen Qaza.
Xigasho: BBC Somali
HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 25 JUNE 2025
.