HALKAN KA AQRISO W. WARHEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 26 JUNE 2025

0
Thursday June 26, 2025 - 08:14:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W. WARHEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 26 JUNE 2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Maxaa kasoo baxay sahankii lagu sameeyay xirmooyinka shidaalka Soomaaliya?

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdiqaadir Aadan Maxamuud ayaa sheegay in bisha July ay ku dhowaaqi doonaan natiijada dha -bta ah ee la xiriira xogaha batroolka ee goobihii la sahmiyay.

Eng. Cabdiqaadir Aadan oo u warrama -yay warbaahinta Qaranka ayaa shee gay in bilaha dambe ee sanadkan illaa horraanta 2026 la qorsheynayo in la soo saaro batroolka Soomaaliya, iya doo haatanna ay dowladda Turkigu diy aarineyso markabkii qodi lahaa.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale xus ay in ay jiraan goobo kale oo berriga ah gaar ahaan gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo lagu sameeyay sa hanno horudhac ah, wuxuuna intaa ku daray in ay sugayaan marka laga baxo xilli roobaadka markaas oo ay si dhamaystiran ugu howlgeli doonaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdiqaadir Aadan Maxamuud ayaa ugu dambayn xusay in ay tababarro khibrad kororsi ah u di reen dhallinyaro badan oo Soomaa liyeed, kuwaas oo gacan ka geysan doona howlaha soo saaridda batroolka, si mustaqbalka dhow ay Soomaalidu ula wareegto maamulka iyo shaqada shidaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii hore ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede -raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulam ada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdi -sho, ayaa shalay Madaxtooyada Qara nka ku qaabbilay mas’uuliyiin isugu jira Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaa reyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo xubno kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin dhammays tirka hannaanka dib-u-eegista dastuu rka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa si buuxda uga go’an sii wadista wadatashiyada qaran ee u gogol-xaaraya in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan mustaqbal xasilloon oo horseeda dimuqraadiyad, nabad waarta iyo horumar.

Ra’aysul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Labaad Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdi rashiid Xaaji Cabdi, ayaa booqasho ku tagay degmada Hodan ee Banaadir, si uu u qaato kaarka diiwaangalinta doo -rashada qof iyo cod.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa sheegay in degmada Hodan ay tahay degmada uu xaqa u leeyahay inuu ka codeeyo, isagoo xusay in ay Xukuu -madda ay go’an tahay sidii loo hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod.

Ra’iisul wasaare Jibriil, ayaa bogaad iyay howlwadeennada degmada Hod -an oo ugu horeeyo guddoomiyaha iyo guud ahaan shaqaalaha oo sida qiima -ha leh u soo dhaweeyay, waxaana shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaq ay in ay xuquuq dooda ka raadsadaan meelka kasta oo ay ka socto isdiiwaan-gelinta kaarka codbixinta.

Guddiga qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda oo shalay kulmay

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ahna Wasiirka Deegaanka iyo Isbedde lka Cimilada XFS, Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa shalay gudd oomiyay kulan muhiim ah oo lagu lafa-guray diyaar garowga munaasabadda 26-ka Juun oo ah mid si weyn looga xusayo gudaha iyo dibadda dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii xuska maalintaas uu u noqon lahaa mid ammaan ah, habaysan oo u qalma qiimaha taariikheed ee ay leedahay.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay wasiirro ka tirsan guddiga qabanqaab ada, saraakiil sare oo ka tirsan laama ha amniga, iyo mas’uuliyiin kale. Intii uu socday, waxaa laga dooday arrima ha la xiriira amniga, isuduwidda hawl aha xuska, iyo kor u qaadidda wacyiga shacabka si ay ugu dabaaldeggaan xorriyadda si masuuliyadi ku dheehan tahay. Wasiir Bashiir ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha dowladdu di yaar u yihiin fulinta waajibaadkooda, si munaasabadda 26-ka Juun ay u no qoto mid taariikhda baal dahab ah ka ga qoran.

Munaasabadda 26-ka Juun waxay xasuus u tahay shacabka Soomaali yeed maalintii ay gobollada Waqooyi xorriyadda ka heleen gumeystihii Ingirii ska 1960-kii. Waa maalin lagu xasuus to halgankii gobonimo-doonka iyo mid -nimadii Soomaaliyeed ee horseeday dhismaha qaran xor ah. Dowladda Fed eraalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in xuska sanadkan uu noqdo mid la jaan qaada muhiimadda taariikheed ee maalintaas.

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dee gaanka ayaa shalay ka saaray Khawa -arijta degmada Masaajid Cali Guduud iyo deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaand -higga XFS, Sheekh Abuukar Macallin, oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgal barakaysan oo loogu magacaabo "Duufaanta Aam -usan” ay ciidamada iskaashanaya halkaasi ka fuliyeen, iyagoo cagta mari yay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga khawaarijta.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidam adu ay haatan ku howlan yihiin miino baarin, isagoo intaa ku daray in ay ciid anku sii baacsanayaan firxadka khawa -arijta.

Sheekh Abuukar Macallin, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in ciidanku aysan soo gaarin wax qasaara ah,haatanna ay ku jiraan hubinta qasaaraha soo gaaray cadowga.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo faah faahin kabixisay kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxa ay faah faahiyeen kulankii shalay ka dhacay aqalka Madaxtoo yada oo ay kulan kula yeesheen Mad axweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ay sheegeen in kulanka looga hadlay Siyaasadda gu -ud ee dalka.

Afhayeenka Madasha Daahir Maxa muud Geelle oo saxaafadda la hadlay markii uu soo dhammaaday kulanka ayaa shaaca ka qaaday in waxa laga hadlaayay ay ahaayeen ajendooyinka Shir kale oo ay madax madasha iyo Madaxda Dowladda ay bisha soo soco ta u balansan yihiin si xal looga gaaro ismari waaga u dhaxeeya dhinacya daan.

Danjire Geelle ayaa tilmaamay in mad asha Samatabixinta Soomaaliyeed ay qaadatay mas'uuliyadda sidii wadata shiyadda Siyaasadda dalka dib loogu soocelin lahaa Madaxda Dowlad Gobo leedyada Puntland iyo Jubaland ayna arintaasi maalmaha soo socota ka shaqeyn doonaan.

Waxa uu sidoo kale Daahir Maxamuud Gelle cadeeyay in laga wada hadlay Arrimaha Dastuurka, Doorashooyinka iyo la dagaalanka Kooxaha Argagexisa da oo ma ahayn kuwa go'aan laga gaarayay kaliya ay ku koobnayeen inay noqdaan qodobada shirarka soo socda lagu falanqeeyn doono.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sha lay war ay soo saartay ku sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isago sii wada go goshii wadataahiga Qaran uu shir kula yeeshay Madaxda Mucaaradka si ay iskula meel dhigaan qodobada cakiran ee ka taagan Soomaaliya.

Dhinacyadaan ayaa lafilayaa markale inay shir iskugu yimaadaan 3da Bisha July waxaana sii socon doono ka doo dista xal waara oo laga gaaro siya asadda cakiran ee dalka.

Midowga Yurub oo gaadiid ugu deeqay xoogga dalka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mud -ane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qayb galay munaasabad lagu daahfurayey dib u habayn xerada tababarka ciida mada ee Dhagabadan iyo gaadiid Cii dan oo ay ku deeqeen Midowga Yurub, kuwaas oo loogu talagalay xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa munaasabaddda joogay wafdi heer sare ah oo ka yimid xarinta mido wga Yurub ee Brussels oo uu hogaa minayey Agaasimaha Adeegga Dhaqa alaha Dibadda Afrika ee Midowga Yurub, Mudane Jonas Jonsson iyo si doo safiirka ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Karin Johansson. yo sidoo kale taliye ku xigeenka ciida mada XDS.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Dugsiga Tababarka ciidamada ee Dha -gabadan ayaa Wasiirku uga mahadce liyay Midowga Yurub taageerada joog tada ah ee ay siiyaan Dowladda Soo maaliya iyo Iskaashiga qotoda dheer ee Kala dhexeeya, isagoo xusay in Taageeradan ay kusoo beegantay xilli ciidamadu ay ku jiraan dagaal toos ah oo lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Sha baab iyo xasilinta deegaanadii la xoree -yay.

Taliska Booliska gobolka Banaadir oo soo saaray amarro la xiriira xuska maalmaha xoriyadda

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa soo saaray amarro la xiriira nidaa mka iyo amniga maalmaha xorriyadda, kuwaas oo shacabka looga digayo inay sameeyaan falal amniga dhaawa caya.

Gaashaanle sare Mahdi Cumar taliya ha Booliska gobolka Banaadir ayaa ciidanka iyo shacabka uga digay inay xabado ridaan waqtiga calan-saarka, taas oo keeni karta qasaaro nafeed iyo mid maaliyadeed

Waxa uu sheegay in dhowaan dad loo xiray rasaas ay rideen oo dad dhaawa cday, xilli ay muuqaalo baraha bulsha da isaga duubayeen, taas oo ah fal maxkamad lagu muteysan karo.

Dowladda FS oo dib dalka ugu soo celisay 30 muwaadin oo ku dhibanaa dalka Libiya

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xil dhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ay aa shaaca ka qaaday in shalay dalka dib loogu soo celiyay 30 muwaadin oo Soomaali ah oo oggolaanshahooda looga soo kaxeeyay dalka Liibiya kadib xabsi iyo xaalado adag oo nololeed oo halkaasi ku haysatay.

"Waxaan halkaan u taagannahay ina -an soo dhoweyno in ka badan 30 muw aadiniin Soomaaliyeed oo si mutada wacnimo ah looga soo daad-gureeyey dalka Liibiya, ka dib markii ay soo mar een xabsiyo iyo xaalado nololeed oo aad u adag” ayuu yiri Isaaq Maxamuud

Waxaa sidoo kale la filayaa in maal maha soo socda ay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa soo gaaraan ku dhowaad 60 muwaadiniin kale, kuw aasoo isna laga soo badbaadiyey hali syo naf iyo maalba leh.

Tallaabadan waa qayb ka mid ah dada -allada Dowladda Federaalka Soomaal iya ay ugu jirto yareynta tahriibka sha -rci darrada ah, oo ay dad badan oo Soomaaliyeed ku waayeen noloshoo da.

Sidoo kale, waxaan wasaaradda ayaa soo jeedisay in laga bilaabo shalay, hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ay si adag ula dagaallamaan shabakadaha tahriibka ee dhalinyaradeenna ka dhoofinaya gudaha dalka.

Wasiir dowlaha arrimaha dibadda oo qaabilay wakiilka AU ee Soomaaliya

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga mudane Xildhi baan Cali Maxamed Cumar ayaa sha lay ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Kusimaha Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) mudane Adebayo Kareem,

isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu dardargelin karo iskaashiga, korna loo gu qaadi karo wadashaqaynta, laguna horumarin karo dadaallada wadajirka iyo xoojinta hawlgalka xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Sooma -aliya (AUSSOM).

 

Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania oo la kulmay taliyaha laanta socdaalka dalkaas

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqa alaha Bariga Afrika, Ilyaas Cali Xasan, ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Drs. Anna Peter Makakala, oo ah Taliyaha Guud ee Hay’adda Socdaalka dalkaas oo xarunta dhexe ay ku taallo Magaalada Dar es Salaam.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga arrimaha socdaal ka si loo fududeeyo isu socodka, taag -eeridda is-dhexgalka gobolka, iyo xaq -iijinta badqabka muwaadiniinta Soo maaliyeed ee Tanzania.

Danjire Ilyaas ayaa xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso mas’uuliyiinta soc daalka Tansaaniya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay iskaashiga noocaan oo kale uu muhiim u yahay horumarinta ganacsiga, amniga, iyo xiriirka laba geesoodka ah.

Drs. Makakala ayaa soo dhoweeyay soojeedinta Danjire Ilyaas, waxayna u xaqiijisay Safiirka inay diyaar u tahay inay adeegyo daahfuran u fidiyaan mu waadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday labada dhinac.

Wasiirka shaqada oo shir caalami ah uga qaybgalay Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulsha da ee Xukuumadda Federaalka Soo maaliya mudane Yusuf Mohamed ayaa ka qayb galay Madasha Afaraad ee Carabta ee Sinaanta (4th Arab Forum for Equality), oo lagu qabtay magaala da Algiers ee dalka Algeria.

Madashan oo socon doonto muddo la ba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa doorka sinaanta bulshada ee la xiriira arrimaha shaqada, adeegyada bulshada, iyo ilaalinta dadka nugul, iyada oo laga eegayo saameynta ay xasaradaha siyaasadeed iyo colaad aha joogtada ahi ku yeeshaan sinnaan la’aanta dalalka Carabta.

Wasiir Yuusuf ayaa ka qaybgalay dood cilmiyeed heer sare ah oo cinwaan keedu yahay (Innovative Solutions for Social Protection). Wuxuu sharaxaad ka bixiyay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan horumarka laga sameeyay kor u qaadista xuquuqda dadka nugul iyadoo hormarisay siyaasada diiwaan ka midaysan ee (Unified Social Regis -try and Social Protection Delivery Syst -em), iyo dadaallada lagu yareynayo sinaan la’aanta bulshada. Wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Soo maaliya ay qaadday tallaabooyin la taa ban karo oo ay ka mid yihiin hirgelinta siyaasado ay bulshada u siman tahay iyo xoojinta helitaanka adeegyada shaqo ee loo dhan yahay.

Madasha 4-aad ee Sinaanta waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Sha qada ee dalka Algeria iyo Guddiga Hor umarinta Bulshada iyo dhaqaalaha ee Galbeedka Aasiya (Economic and Social Commission for Western Asia Committee), waxaana ka soo qeyb galay madax sare oo ka kala socday dalalka Carabta, khubaro, hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaal kala duwan.

Ka qeyb galka Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya ayaa muujinaya sida Soomaaliya uga go’an tahay ka qayb qaadashada doo daha heer caalami ee ku saabsan horu marinta bulshada, caddaaladda iyo sinnaanta.

Wasiirka caafimaadka oo shir ku saabsan horumarinta Tallaalka uga qaybgalay Belgium-ka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Bruss -els uga qaybgalay shir heer caalami ah oo cinwaankiisu ahaa "Health and Pros perity through Immunisation”, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda GAVI.

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen in ka badan 28 waddan, oo ay ku jiraan dalal deeq-bixiyayaal ah iyo kuwa soo koraya, ayaa xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa maalgashiga iyo iskaashiga lagu gaari karo ilmo kasta iyo qof kasta oo u baahan tallaal. Waxaa sidoo kale shirka goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Angola, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyo madax sare oo ka socotay hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca caafimaadka.

Wasiirka ayaa ka qaybgalay dood heer sare ah oo looga hadlayay sidii loo gaari lahaa carruurta aan weligood helin tallaal (zero-dose children). isagoo hadal ka jeediyay madashaasi, waxa uu muujiyay doorka muhiimka ah ee ay leedahay taageerada GAVI, gaar ahaan xilliyada degdegga ah iyo barnaamijyada cusub ee LEAP, kuwaas oo si gaar ah ugu faa’iideeya wadamada nugul sida Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale taabtey nuxurka ahmiyadda uu u lee yahay ayaa yiri "Tallaalku waa furaha badbaadada carruurteena – waana mas’uuliyadeena inaan gaarsiino cid kasta oo u baahan, gaar ahaan kuwa aan weligood helin adeegyadaas muhiimka ah”.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la sii xoojiyo adeegyada tallaalka oo loo gaarsiiyo dhammaan bulshada, iyada oo la kaashanayo bahwadaagta caalamiga ah.

Iran oo toogasho ku fulisay saddex nin oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Israa’iil

Wakaalada wararka ee dalka Iran ayaa sheegtay, in Iran ay daldashay saddex nin oo lagu eedeeyay inay u basaasa yeen Israel.

Wakaalada Mizan ayaa sheegtay, in sidoo kale lagu helay dambi ah, in ay isku dayeen in ay dalka soo galiyaan qalab si ay "u fuliyaan dilal qorshey san”.

Mizan ayaa magacowday Ali, Azad Shojai iyo Rasoul Ahmad Rasuul loo xi -ray inay isku dayayeen in ay "iskaashi wada shaqeyn ah” la galeen Israa’iil.

Iran ayaa sidoo kale xirtay 700 oo qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la lahaa yeen Israa’iil intii lagu guda jiray daga alka 12-ka maalmood socday, sida ay sheegtay warbaahinta gacan saarka la leh dowladda ee Nour News.


Dad ku dhintay rabshado ka dhacay Kenya xilli uu sii kordhayo cadaadiska saaran dowladda


Laba qof ayaa shalay u geeriyooday rasaas boolisku fureen xilli dibadbaxyo ballaadhan ay ka socdeen meelo kala duwan oo Kenya ah, dibadbaxyada ayaa lagu xusayay sannadguuradii koowaad ee kacdoonkii canshuur-diidka ahaa ee ka dhacay dalkaas 25 kii Juun 2025.

Labadan qof ayaa lagu dilay magaalada Matuu, oo qiyaastii 100km u jirta caasimadda Nayroobi, sida uu xaqiijiyay Julius Makau, oo ah maamulaha isbitaalka degmada.

Makau ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka dhintay uu qabay dhaawac rasaas ah oo caloosha ah, taas oo keentay dhiig-bax badan, halka qofka labaadna uu isbitaal kale ku dhintay. Isbitaalku waxa kale oo uu qaabilay lix qof oo kale oo qaba dhaawacyo rasaas kasoo gaadhay iyo saddex kale oo dhaawacyo kale qaba. Hal qof ayaa xaalad halis ah ku sugan, sida uu sheegay maamulka isbitaalka.

Dibadbaxyada shalay dhacay, ayaa lagu xusayay sannad guuradii bannaanbaxyadii ugu dhiigga badna ee ka dhashay canshuur kordhin ay samaysay xukuumadda Madaxweyne William Ruto, kuwaas oo sannadkii hore lagu dilay ugu yaraan 60 qof, sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha.

Booliiska magaalada Nayroobi ayaa adeegsaday gaasta dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas si ay u kala eryaan dadka banaanbaxa sameynayay. Waxaa sidoo kale la arkayay kooxo mootooyin wata oo hubeysan, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay in ay la shaqeynayeen booliska, iyaga oo weeraray dad si nabad ah u mudaharaadayay.

Dadka dibadbaxa sameynayay, intooda badan waxay ahaayeen dhalinyaro calamada Kenya sita, kuwaas oo watay sawirrada dadkii la dilay sannadkii hore. Waxay ku dhawaaqayeen "Ruto waa inuu tagaa”, iyaga oo ku doodaya in xukunkiisu uu horseeday musuqmaasuq, cadaalad-darro, iyo sicir-barar.

Eve, oo ah haweeney 24 jir ah, oo u warantay wakaaladda AFP ayaa tidhi: "Waxaan halkan u joogaa sidii aan u xasuusan lahayn dadkeennii la laayay sannadkii hore. Boolisku halkay na ilaalin lahaayeen, waxay naga dhigteen badhtilmaameed.”

Angel Mbuthia, guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaradka Jubilee, ayaa sheegay in maalintani ay aad muhiim ugu tahay dhalinyarada: "Dadka la dilay waxay ahaayeen kuwo nala mid ah, noo hadlayay, u dagaallamayay cadaalad iyo hufnaan.”

Xukuumadda Madaxweyne Ruto ayaa si adag uga falcelisay dibadbaxyada, iyadoo xidhay waddooyinka mara badhtamaha Nayroobi, xannibtayna telefishinnada KTN iyo NTV, iyo sidoo kale baraha bulshada sida Telegram, sida ay sheegtay hay’adda NetBlocks.

Dilkii dhawaan loo gaystay Albert Ojwang, oo ahaa blogger iyo macallin 31 jir ah, ayaa sii huriyay cadhada shacabka. Ojinwanga ayaa lagu dilay xabsi dhexdii. Lix qof oo ay ku jiraan saddex boolis ah ayaa loo haysta eeda dilkiisa.

Dowladaha Reer Galbeedka, oo ay ka mid yihiin Mareykanka, UK, iyo Kanada, ayaa bayaan ku baaqay in la joojiyo rabshadaha, lagana fogaado xadgudubyo la sheegay in ay shacabka kula kacayaan ciidamo aan la garanayn oo dhar shacab wata.

Madaxweyne Ruto, oo si adag u difaacay booliskiisa, ayaa yidhi: "Lama aqbali karo in booliska la weeraro ama la caayo. Taasi waxay khatar ku tahay qarannimada.” Balse hadalkiisa ayaa cambaareyn kala kulmay bulshada iyo mucaaradka.

Dhalinyarada Kenya ayaa sheegaya inay dareemayaan niyad-jab, maadaama ballanqaadyadii Ruto ee horumarinta dhaqaaluhu aanay hirgelin, waxa kale oo ay dowladda ku eedaynayaan in ay samaysay musuqmaasuq iyo canshuur kordhin sharci darro ah.

In ka badan 80 qof ayaa weli la la’yahay tan iyo kacdoonkii 2024, taasoo sababtay in dad badan ay ku tilmaamaan Kenya in ay dib ugu noqotay marxaladihii kali-talisnimo ee 1980 meeyadii.

Kenya oo ciidamo dhigtay wadooyinka iyo Banaanbax shalay lagu wado inuu dhaco.


Dalka Kenya ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo kacsan shalay, iyadoo in ka badan hal milyan muwaadiniin ah ay isu diyaariyeen inay ka qaybqaataan banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dawladda, gaar ahaan canshuuraha cusub ee lagu soo rogay shacabka.

Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa muujiyay cabsi iyo walaac xoogan oo ku aaddan mudaharaadyada rabshadaha wata ee shalay ka dhacaya guud ahaan dalkaasi, kuwaasoo looga soo horjeedo isbeddelka lagu wado in lagu sameeyo canshuuraha cusub ee dawladda Kenya.

Mudaaharaadyadan oo ay hormuud u yihiin dhalinyarada ka tirsan dhaqdhaqaaqa Generation Z, ayaa la filayaa inay si weyn uga dhacaan magaalooyinka waaweyn sida Nairobi, Mombasa, Kisumu iyo Eldoret. Waxaa la sheegay in qaar ka mid ah bannaanbaxyadii hore ay isku beddeleen rabshado sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, taasoo keentay in ganacsatada iyo dad badan oo ajnabi ah ay dareemaan halis.

Dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga iyo nolol raadinta u jooga dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, ayaa ka digay in xiisadaha ka dhasha mudaharaadyada ay si gaar ah u saameyn karaan. Qaar ka mid ah jaaliyadda ayaa sheegay iney ku jiraan cabsi laga yaabo in lagu eedeeyo ama ay la kulmaan weerarro la beegsado, maadaama ay yihiin qowmiyad ajnabi ah.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay qaaday tallaabooyin amni oo dheeraad ah si loo sugo nabadgelyada intii lagu guda jiro mudaharaadyada. Ciidamada booliska iyo ammaanka ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn, iyadoo laga cabsi qabo in mudaaharaadyadu isu beddelaan rabshado sida dhacday maalmo ka hor

.Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 65-aad ee todobaadka xoriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mu -dane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxda Dowladda ka la qeybgalay munaasabadda bilowga Todobaadka Xoriyad -da ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 65-aad ee miro-dhalka halgankii gobannimo-doonka Soo -maaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay halyeeyadii gobol -lada waqooyi ee horseeday xoreynta iyo midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ay door wanaagsan ka qaateen ga -rashada in xorriyaddu aysan ahayn oo kaliya ka tagista gu -meystaha, balse ay ka dhigan tahay xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

"Halyeeyadaasi waxay na dhaxalsiiyeen xorriyad iyo midni mo isku sidkan oo ay wax badan ugu hureen si loo helo dowl -ad Soomaaliyeed oo taabbo gal ah. Taariikhda mar walba way xusi doontaa doorkooda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhaawacyo siyaasadeed ay soo gaareen dowladnimada Soomaaliya, ku waas oo salka ku hayay kalitalisnimo, ku-tagrifal awoodeed iyo maamul-xumo, waxa uuna muujiyay garawsho la xiriirta wixii dhacay taariikh ahaan, isagoo adkeeyay sida ay laga ma-maarmaan u tahay in mar kale la hello midnimo dhab ah.

"Waan aaminsanahay in xornimadeenna aysan kaamil noqon doonin ilaa aan mar kale mideyno qalbigeenna iyo qaddiyaddeenna. Jidka kaliya ee aan u marayno waa wada-hadal iyo walaaltinimo”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bo gaadiyay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka shac- abka Soomaaliyeed, waxa ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada lagu gaari karo nabad, barwaaqo iyo is-afgarad waara.

26-ka juun "Curashadii Maandeeq”

26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qalbiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh, waxayna qii -mahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed calan xor ah.

Halgamayal badan ayaa u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi,kuwaas oo isugu jiray qaar halgan muddo badan socday oo qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga,waxaanna ka xusi karnaa oo ka mid ahaa Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo Xisbiyadii S.N.L IYO USP.

Dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas abwaanno Soomaaliyeed,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde),oo ku caanba -xay marinta gabayada dhiirigalinta ah iyo kuwa gumeysi diidka ah,wuxuu bartamihii kontameeyadii, ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha dalka, gaar ahaan gobollada waqooyi, isagoo markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa.

12-kii Saqdii dhexe ee 26-kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, iyadoo munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa uu halkaasi ka mariyay abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde gabay ku qormay quluubta umadda Soomaali yeed ,kaas oo ahaa Kaana siib Kanna saar

Xilligaasi guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay dare -mayeen neecaaw xornimo oo ka curatay dhulkii Soomaa -liyeed ee isticmaarku kala qaybiyay, waxaana buls -hada ku nool goballada waqooyi ay muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegyo iyo damaashaad ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen xornimadii gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol ay ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Abwaanadaasi maskaxdooda shiilay ee shacbiga dareensii yay qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala ah C/llaahi Qarshe, Xuseen Aw faarax dibbad, Cali Sugulle oo ku magac dheeraa (Dun carbeed) iyo Abwaan Axmed Suleyman Bidde, sidoo kale Fanaaniintii ku luuqeysay heesihii qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Sanad guurada 65-aad ee ka soo wareegatay xornimada gobolada woqooyi,waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midni mada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xalliyo wixii taba sho ah ee jira.

26-ka June 1960-kii waa markii ugu horreysay ee Calan Soo -maaliyeed laga taago Gobollada Waqooyi ee dalkeen na,loona diyaargaroobay in lala midoobo Gobolada Koonfu reed oo si wadajir ah loo dhisto maamul dowladnimo oo ay u dhan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Xuska 26-ka juun ayaa qeyb ka ah dabbaaldegyo loogu tala galay todobaadka xoriyadda oo ka socda gudaha dal ka,waxaana habboon in dadka soomaaliyeed ay u istaagaan soo dhoweynta iyo xuska maalmaha qaran ee ku weyn dad ka iyo dalka,isla markaana loo qumo hagaajinta muuqaalada ama bilicda deegaanka,iyadoo calanka Soomaaliyeed laga dultaagayo dhismayaasha ku yaalla hareeraha waddooyinka waaweyn.

Xuska iyo Weyneynta Maalmaha Qaranimada, waxay ku abuurayaan dhallinyarada dareen wadaniyadeed oo ay wax kaga baranayaan waayihii iyo duruufihii adkaa ee naf iyo maalba lahaa ee laga soo maray hanashadii Maandeeq oo curatay 26kii June isla markaana Mataanaysay 1dii July 1960kii.

Abuukar Gob-doon




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip