Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Isu Duwidda Dowladaha Hoose

0
Sunday June 22, 2025 - 17:51:43 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Isu Duwidda Dowladaha Hoose

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daahfuray Kulanka Qaran ee isu-duwidda Dowladaha Hoose. Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa ho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daahfuray Kulanka Qaran ee isu-duwidda Dowladaha Hoose. Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda dhismaha Dowladaha Hoose, isagoo yiri" Dhismaha dowladaha hoose ee dalka waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska iyo kor u qaadidda adeeg bixinta shacabka Soomaaliyeed. "Kulankan waxa uu ka turjumayaa sida ay nooga go'antahay in aan dhisno nidaam dowladeed oo hoos-u-daadegsan, si loo helo dowlado hoose oo la tayeeyay kana jawaabi kara baahiyaha dhabta ah ee shacabku qabaan, Dowladaha Hoose waa wajiga ugu horreeya ee dowladda, waana hay'adda dowladeed ee ugu dhow shacabka "ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Cali Xoosh Kulanka oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa goobjoog ka ah masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo Hay'adaha ka shaqeeya arrimaha Dowladaha Hoose. Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxaa ka go'an daadejinta awoodda iyo baahinta nidaamka matalaadda, iyadoo hortabin siineysa in si toos ah loo doorto matalayaasha dowladaha hoose.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip