Cali Jeyte oo fariin u diray MW Xasan Sheekh iyo weerar uu ku qaaday Madaxda Hirshabelle.

0
Monday June 09, 2025 - 13:34:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Jeyte oo fariin u diray MW Xasan Sheekh iyo weerar uu ku qaaday Madaxda Hirshabelle.

    Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan, ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Beledweyne, isaga oo si adag uga hadlay howlgalka milatari ee ka socda gobolka, kaasoo lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab. Cali Jeyte a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan, ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Beledweyne, isaga oo si adag uga hadlay howlgalka milatari ee ka socda gobolka, kaasoo lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab. Cali Jeyte ayaa sheegay in warbixino khaldan la gaarsiiyay madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, isagoo ku eedeeyay inuusan booqan furimaha dagaalka. "Goobta dagaalka ma tagin. Waxaa lasiiyay warbixin qaldan. Madaxweyne Xasan Sheekh ogow, waxa dagaalamaya waa Beesha Xawaadle," ayuu yiri Cali Jeyte. Guddoomiyihii hore wuxuu sidoo kale si kulul uga hadlay doorka madaxda dowlad-goboleedka Hirshabelle, isagoo xusay in aysan ku sugneyn meelaha ay xaaladdu ka adag tahay, isla markaana aysan si dhab ah u matalin dadka deegaanka. "Maanta dagaal ayaa ka socda Hiiraan. Madaxda Hirshabelle mid Nairobi ayuu wareegayaa, midna meelo kale ayuu jooga. Wasiir Fiqi xog khaldan ayaa la siiyay," ayuu yiri. Cali Jeyte ayaa fariin u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka codsaday in si geesinimo leh loo wajaho xaaladda dalka, islamarkaana la aqoonsado kaalinta beelaha deegaanka ay ka qaadanayaan dagaalka. "Madaxweyne Xasan Sheikhow, maanta Soomaaliya hal meel oo kaliya ayaa xabadu ka socotaa, waana meesha adiga iyo aniga aan ka soo wada jeedno. Runta ayaa laysku sheegayaa – shirka amniga iyo hay'adaha amniga, reerka dagaalamaya hal qof kuma lahan. Taasi ma ahan wax la aqbali karo." Ugu dambeyn, Cali Jeyte wuxuu ku baaqay in beelaha deegaanka loo oggolaado in ay si buuxda uga qeybgalaan go'aanada masiiriga ah ee ku saabsan amniga iyo dowladnimada dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip