HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 9 JUNE 2025

0
Monday June 09, 2025 - 08:32:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 9 JUNE 2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumad -da Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta ay haatan yihiin kuwo fir -xad ah, kuna jira xaalad jahwareer iyo khuus ah, kadib weerarro culus oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaa -nka ku qaadeen degaana ay ku sugna yeen khawaarijta.

"Xilligaan la joogo Khawaarijta waa ku wo firxad ah oo doonaya inay ka bax sadaan goobta dagaalka”ayuu wasiir Fiqi

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha ay soo ho yeen ciidanka xoogga iyo kuwa degaa nka howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan oo lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsa naa khawaarijta.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in uu socdo abaabulka in ay dib ula wareegaan de -egaannada ay ku sugan yihiin khawaa rijta ayna si qorsheeysan oo wadajir ah uga shaqeynayaan Wasaaradda Gaa shaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoog ga dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaa ka go’an in gebi ahaanba la ciribtiro Khawaarijta, kuwaas oo mar walba ha lis ku ah qarannimada iyo diinta Islaa mka ee suubban.

Koox hubeysan oo Muqdisho ku dishay mas’uul ka tirsan degmada Deyniile.

Agaasimihii Dalxiiska Degmada Deynii -le Cabdalla Sheekh Ibrahim ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar uu kala kulmay Koox burcad ah, xili uu marayay xaafad ka tirsan deg mada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Cali Booy ee Degmda Deynii le iyagoo ka qaatay Mobile kii iyo bas toolad uu watay kadibna ay goobta is kaga baxsadeen.

Maleeshiyaadka hubeysan ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay, wa xaana Degmada ka bilaawday howlgal kooxda Burcada ah lagu baadi goo bayo.

Agaasimihii geeriyooday ayaa la shee gay in rasaasta ay ugu dhacday Xabad ka iyo madaxa, taasi oo keentay inuu geeriyooday.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ma gaalada Paris uga qeybgalay Kulanka Golaha Sare ee Hay’adda Caalamiga ee Iskaashiga Waxbarashada (Global Partnership for Education – GPE) intii u dhaxaysay 2-5 Juun. Soomaaliya oo ka mid ah 90 ka dal ee iskaashiga la leh hay’addan, ayaa ku matasha Gola heeda Sare 13 dal oo Bariga iyo Bartamaha Afrika ah.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyay arri maha hortebinta u leh waxbarashada caalamka iyo sidii hawlaha GPE sare loogu qaadi lahaa. Waxaa lagu gor feeyay qorshaha shanta sano ee soo socota 2026 – 2030, iyada oo xoogga la saaray arrimaha maaliyadda iyo kaal mooyinka caalamiga ah, xilli ay dur uufo culus iyo isbeddello ku yimaa deen deeqaha caalamiga iyo meelaha ay mudnaanta siinayaan deeq-bixiya yaashu. Si loo hormariyo waxbaras -hada jiilalka cusub, waxaa la isla gar tay in horumarinta macallimiinta uu tiir dhexaad u yahay maxsuulka waxbara sho ee ardayda iyo diyaarinta jiilka cusub.

Si looga dabbaasho xaaladaha dhaq aale ee sii adkaanayo, waxaa bahda waxbarashada loogu baaqay in lala yimmaaddo tabo iyo farsamooyin hal-abuur leh oo loogu qareemayo maalg elinta iyo deeq-ku-bixinta horumarinta waxbarashada.

Inkasta oo waxbarashada dalalka sab oolka oo Soomaaliya ay ka mid tahay weli hooseeyso, haddana waxaa loo arkaa in dalkeenu uu ka jiro dadaal xoog leh oo ay iskakaashanayaan bul shada iyo dowladda, oo ay kabayaan deeqaha caalamiga ah.

Ciidanka XDS oo 25 Khawaarij ah ku dilay hawlgal ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyay tuulada Gaalware oo 4 km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Sha beellaha Hoose.

Hawlgalkan ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 25 ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, oo ay ku jireen saddex horj oogayaal sare.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay Kha waarijtu adeegsanayeen, oo ay kamid yihiin; lix qori oo nooca PKM ah, labo RPG (Dabajeex) iyo 17 AK-47, waxa ana halkaas lagu burburiyey dhagartii ay abaabulayeen kooxdaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa had iyo goor ka go’an ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga guud ee dalka, iyada oo kaashaneysa Ciida nka Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deega anka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar culus oo dhowr jiho ah ku qaa day Khawaarijtii ka firxatay dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay aagga deegaanka Ceelhareeri oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Duleedka deegaanada Garas-magan iyo Ceelhareeri ayaa lagu weeraray Khawaarijta, waxaana laga saaray goo bihii lagu weeraray oo ay isku uruursa nayeen.

Saraakiisha Xoogga iyo kuwa deegaa nka ee howlgalladaas hoggaaminaya ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay khasaare culus gaarsiiyeen cado wga, kana saareen godadkii ay ku isku uruursanayeen, maadaama ay ku soo jabeen dagaalladii malamihii lasoo dha afay ka dhacay deegaanka Ceelharee ri.

Hogaamiye Cali Jeyte "Horjooge Nuunuule Macawiislay ayaa dishay in la xaqirana waa nasiib daro weyn"

Hoggaamiyaha ciidanka difaaca deega anka ee macawiisleeyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan ayaa beeniyay in ciidanka dowlada iyo kuwa saaxiibada Caalamka dileen Horjoogihii ugu hali sta badnaa Al-shabaab ee deegaan ada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle Nuur Cabdi Rooble Nuunuule oo lagu dilay gobolka Hiir -aan.

Cali jeyte Cismaan ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay in dowladda Fede raalka ay dafirto doorka ciidanka Maca wiisleeyda ee ku aadan dilka ay u geys teen horjoogahii Al-shabaab ee gobol ada Hiiraan, Galgaduud, Mudug, iyo Shabeellaha Dhexe.

"Horjooge Nuunaale iyo horjooge kale waxa dilay ciidanka Macawiisleeyda weerar jidkal ku sameeyay, cid kale ma dilin, mana ahan in la xaqiro doorkooda, iyagoo maalin walba dhiig u daadinaya difaaca dalka, waa nasiib daro weyn" ayuu yiri Hogaamiye Cali Jeyte.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sidoo ka le xusay in ciidanka Macawiisleyda Hii raan ay hayaan howshii looga baahna Soomaalida oo dhan, hadana waxaa muuqata in lasii xaqiraayo doorkooda.

"Soomaaliweyn waxaa leeyahay waad nagu fiirsateen dagaalka, Macawiis leeyda Hiiraan waxay qaban hayaan talaabadii laga rabay Soomaaliweyn oo dhan, waxaan leeyahay dadka Soo maaliyeed yaan nalagu fiirsan cada wga, hadii nalagu sii fiirsadana wax wa lba way dhamaan doonaan waxaana taariiqda gali doono wax badan oo laga sheekeeyo" ayuu yiri Hogaamiye Cali Jeyte.

Hadalkaan kasoo yeeray Cali Jeyte ayaa kusoo aadaya, iyadoo dorraad do wladda Fedaraalka ay sheegtay in duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Horj oogihii ugu halista badnaa Al-shabaab ee deegaanada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle Nuur Cabdi Rooble Nuunuule.

Ukraine oo sheegtay inay soo riday diyaarad casri ah oo Ruushku leeyahay

Ukraine ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay oo ah nooca Su-35 ah. Weli ma jiro wax war ah oo ku saabsan in kani uu ahaa iska horimaad xaga cirka ah oo ay ku lug lahaayeen diyaaradaha Ukra ine, ama in ciidamada cirka Ukraine ay adeegsadeen nidaamka difaaca hawa da am lidka diyaaradaha.

Warka ka soo baxay Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa u qornaa sidan:"Saa ka oo ay bishu tahay June 7, 2025, na tiijada hawlgalkii Ciidanka Cirka ee la gu guulaystay ee aagga Kursk, diyaa rad dagaal oo Ruushku leeyahay oo ah Su-35 ayaa la soo riday!”

Diyaarada Su-35 ayaa ah diyaarad da gaal oo casri ah oo loo isticmaalo dag aalka.

Waxay la mid tahay nooca Maraykan ka, ee aadka u horumarsan sida F-15 wanaa mid ka mid ah diyaaradaha uu ku faano mareykanka.

Puntland oo sii deeysay 26 Kalluumaysato u dhashay dalka Yemen

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay xabsiga kasii daayeen 26 kaluumaysato u dhashay dalka Yemen kuwaasi oo si sharci darro uga kalluumaysanayay xeebaha Puntland sida ay qortay wakaalada Al mashhad Al Yemeni.

Kalluumaysatadaan Yemeniyiinta ayaa markii hore kasoo shiraacday howla hoodi Kalluumaysiga gobolka Hadhra maut, waxaana ay ku dhawaad ​​sa ddex toddobaad oo ah ku jireen xabs iga maadama loosoo jeediyay eedeymo la xiriira kalluumeysi sharci darro ah oo ay ka sameynayeen xeeba ha Puntland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kall uumaysatada la sii daayay kadib mar kii ninkii lahaa doonida ay la socdeen uu bixiyay ganaax lacageed oo dhan 44,000$.

Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaa qabtay kalluumeysatada bartami hii bishii May, xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Raas Casir oo ay saarnaa yeen dooni lagu magacaabo "May moon 1”.

Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyra adka badda Puntland ayaa sheegtay in doonidaasi ay ku kalluumeysaneysay habka loo yaqaano "Hawi” oo si rasmi ah looga mamnuucay xeebaha degaa nada Puntland.

Waxay intaas ku dartay in markabka uusan lahayn wakiil rasmi ah oo ka diiwaangashan wasaaradda, taasoo ay u aragtay xadgudub hor leh oo ka dhan ah shuruucda maxalliga ah ee nidaamisa howlaha kalluumeysiga.

Mareykanka oo taageeray dadaalka Itoobiya ugu jirto Helidda aag Baddeed

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Mareykanka uu si buuxda u taageeray dadaalka Itoobiya ee ay ku raadineyso marin badeed iyada oo adeegsaneysa waddooyin nabadeed iyo diblomaas iyadeed.

Safiirka Mareykanka ee Itoobiya, Ervin Massinga, oo waraysi siiyay wakaala dda wararka Itoobiya (ENA) ayaa she egay in Washington ay si buuxda u ga rab taagan tahay hammiga Itoobiya ee deked helid, taasoo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarka dhaqaale iyo rajada gobolka ee dalkaasi.

"Dalka sida Itoobiya oo kale ah, oo leh koboc dhaqaale iyo dad badan, marin u helidda ganacsiga badda ma ahan mid kaliya muhiim ah, waa lama hur aan,” ayuu yiri Safiir Massinga.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in Mareyk anku uu ka go’an yahay taageeridda Itoobiya iyada oo loo marayo waddoo yin ganacsi, diblomaasiyadeed iyo ku wa nabadeed, taasoo muujinaysa sida uu sheegay isku xirka adag ee Marey kanka iyo istaraatiijiyadda Itoobiya ee ku aaddan isdhexgalka gobolka.

Itoobiya ayaa si xooggan u raadinaysa in ay marin badeed hesho, gaar ahaan iyadoo ka duulaysa heshiiskii muranka dhaliyay ee ay 2024 la gashay Somali land, kaasoo dhalisay xiisado cusub oo dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia.

In kasta oo Safiirku uusan shaacin mar in gaar ah oo Itoobiya damacsan tahay, hadalladiisa ayaa kusoo beegmaya xilli Itoobiya ay xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalal badda Cas leh sida Jabuuti, Kenya, iyo Imaaraadka


Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo Bad-la’aanta Itoobiya ku Tilmaamay Cadaalad-darro

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay inuu aad uga shallaayo xaalada bad-la’aanta ah ee Itoobiya haysata, taas oo uu dalkiisu ku jiray muddo 30 sano ah, tan iyo ma rkii ay kala go’een dalka Eritriya oo la wareegay baddii iyo dekedihii.

Ra’iisul Wa saaraha oo waraysi gaar ah siiyay ETV ayaa muujiyay si da ay muru go weyn ugu hayso in Itoobiya aysan marin badeed lahayn. Wuxuu sheegay inuu muddo dheer u ololeynayay in Itoobiya hesho marin badeed.

"Sida ay Itoobiya ku weyday badda, waxay igu tahay walaac weyn," ayuu yidhi. "Markaan leeyahay waan ka murugooday, dadka qaar waxay u ma leyn karaan in ay tahay arrin dhowaan igu dhalatay, balse muuqaalada layga duubay 15 sano kahor ayaa caddey naya mowqifkayga joogtada ah."

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay waja hday khasaare weyn oo dhanka dhaq aalaha iyo istiraatiijiyadda ah, isagoo til maamay in waddanku heli karay marin badeed iyo deked isagoo aan dhib u geysanayn dalal kale.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku tilma amay xaaladda bad-la’aanta Itoobiya "cadaalad-darro aan hore loo arag" marka la eego taariikhda caalamiga ah ee waddamada aan bada lahayn, wux uuna ku baaqay in loo helo xal iyada oo loo marayo wadahadal.

Itoobiya ayaa sanadihii u dambeeyay xooga saartay dadaallada ay ku doo nayso inay ku hesho marin badeed iyo deked ay alaabaha kala soo degto. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa si gaar ah isha ugu haya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sanadkii 2024, Itoobiya oo ka duuley sa baahideeda badeed, waxay heshiis ay ku helayso saldhig ciidan iyo marin badeed la gashay Somaliland. Heshiis kaasi wuxuu si weyn uga cadhaysiiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ma daama oo Somaliland ay aqoonsi ku badalatay heshiiska badda.

Bilo kaddib, waxaa dhacay heshiis uu Turkigu dhexdhexaadiye ka ahaa oo u dhexeeyay Muqdisho iyo Addis Ababa, taasoo keentay in hoos loo dhigo hesh iiskii hore ee Somaliland.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshii yay in Itoobiya la siiyo marin badeed, sida ku cad heshiis ay si wadajir ah u shaaciyeen.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda waxba lagama fulin. Dowladda Sooma aliya ayaa heshiiska kadib dhowr jeer ku celisay in ay Itoobiya u oggolaan karto kaliya heshiis ganacsi, balse aysan ogolayn wax ka baxsan.

Mareykanka oo beeniyay in uu jaray dhaqaalaha howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa beeniyay warar she egayay in uu joojiyay taageerada dha qaale ee uu siiyo hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), isa goo sheegay in halkii laga eedeyn lah aa uu kaliya codsanayo in dalalka kale ay si siman u qaataan kharashaadka.

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa mar kale ku celiyay in Mareykanku weli ka go’an tahay taageerada dadaallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, balse wuxuu ku baaqay in waddamada Yurub iyo Afrika ay si siman uga qeyb qaataan mas’uuliyadda dhaqaale ee hawlgal kan.

Bayaan uu Guddiga Arrimaha Dibadda soo dhigay baraha bulshada, ayaa gud doomiyaha guddiga Senator Jim Risch ku yiri:"Mareykanku kama uu harin taa geerada AUSSOM, balse waxaan doo neynaa in Yurub iyo Afrika ay qeybt ooda ka qaataan. Qorshayaal sida Qar aarka Golaha Ammaanka ee Qara mada Midoobay (UNSCR 2719) waxay u oggolaanayaan dalalka kale in ay is ka siibaan mas’uuliyadda oo culayska saaraan canshuur-bixiyeyaasha Marey kanka.”

Qaraarka UNSCR 2719 oo la meel ma riyay Diseembar 2023 ayaa u oggolaa naya in ilaa 75% miisaaniyadda haw lgallada Midowga Afrika laga bixiyo kharashaadka guud ee Qaramada Mid oobay.

Sida laga soo xigtay Taliska Mareykan ka ee Afrika (AFRICOM), Mareykanka wuxuu tan iyo 2007 taageerayay dad aallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, isagoo bixiyay in ka badan $1.5 bilyan oo gargaar bani’aadannimo ah iyo $240 milyan oo horumarineed.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanku wuxuu dhawaan muujiyay walaac ah in uu qaaday culays dhaqaale oo aan caddaalad ahayn marka loo eego dalalka kale.

Bishii May 2025, Senator Risch oo ay weheliyaan Senators Ted Cruz iyo Rick Scott waxay horgeeyeen Congr -ess-ka Mareykanka sharci la yiraahdo "AUSSOM Funding Restriction Act of 2025,” kaasoo lagu xaddidayo in Mare ykanku bixiyo taageero dhaqaale oo dheeraad ah ilaa ay UN-ka iyo AU-du caddeeyaan mas’uuliyadda isticmaalka lacagaha maalgalinta howlgalka AUSSOM.

Sharcigan wuxuu kaloo dhigayaa in Xoghayaha Arrimaha Dibadda uu san nad walba sameeyo qiimeyn madax-bannaan oo ku saabsan sida hawlgal lada nabad ilaalinta ee AU-du ugu hog gaansamaan qaraarka UNSCR 2719, wuxuuna farayaa in warbixinnadaasi loo gudbiyo Congress-ka si joogto ah.

Sweden oo ballaarisay iskaashiga gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Horumarinta ee dalka Sweden (SIDA) ayaa ku dhawaaqday iskaashi cusub oo ay la yeelatay Qaramada Midoobay si loo xoojiyo dadaallada gargaar ee bani’aadannimo ee Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta sugnaanta cuntada iyo adkeysiga bulshooyinka reer miyiga ah.

SIDA ayaa ballanqaadday $3 milyan oo dheeraad ah si ay u taageerto Mashruuca Dhisidda Adkeysiga ee Shabeellaha Dhexe (BRiMS) oo ay hormuud ka tahay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).

Hindisahan ayaa ujeedkiisu yahay in la taageero in ka badan 15,000 oo bee raley ah oo ku nool hareeraha wabiga, iyada oo la horumarinayo helitaanka iyo maareynta biyaha, si dib loogu soo celiyo wax-soosaarka dalagga waraab ka leh ee ka jira degmada Jowhar.

SIDA ayaa horey u bixisay $2 milyan sanadkii 2022, taasoo wadarta guud ee maalgelinta ka dhigeysa $5 milyan saddex sano gudahood. Mashruuca waxaa lagu fulinayaa iskaashi lala leeyahay mas’uuliyiinta maxalliga ah, waxaana ku jira qaybinta agabka beeraha si loo kordhiyo wax-soosaarka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mashruucan ay durba ka faa’iideyste en in ka badan 50,000 oo qof tan iyo markii la bilaabay, iyadoo la qorshey nayo in la gaarsiiyo 20,000 oo kale dhammaadka 2025.

Deeqda SIDA ayaa la jaanqaadaysa dhimista saboolnimada iyo taageeridda horumarka waara, iyadoo loo sii mar ayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ee dalka Sweden.


Sababta korista Jaranjarada ay faa'iido ugu leedahay jirkaaga iyo maskaxdaada

In kasta oo aan isku dayno inaan qaada no wiishka, beddelka jaranjarooyinka, ko ritaanka dhowr dabaq maalintii waxa ay kor u qaadi kartaa caafimaadka maskax da iyo awoodda. Inta badan oo aad soco tid, waa inta ay sii badato in aad daal ba dan dareento.

Bishii Sebtembar 3, 2021, Sean Greas ley waxa uu koray oo uu ka soo degay 8,849 mitir in ka yar 23 saacadood, ma saafo geyn lahayd meesha ugu sarreysa buurta ugu sarreysa adduunka. Dhama adkii, wuu dhididsanaa oo si dhib leh ayuu u socon karay. Wuxuuna ku samee yay dhiirigelinta qoyskiisa.

Greasley waxa uu haystaa rikoorka adduunka ee wakhtiga ugu dhakhsaha badan ee la koro ama looga soo dego masaafada la mid ah kan Mount Everest ee jaranjarada oo ah 22 saacadood, 57 daqiiqo iyo 2 ilbiriqsi.

Inteena badan suurtagal ahaan ma gaari karaan dhererkaas, laakiin fuulista dha wr jaranjaro ee nolol maalmeedkeena waxa ay noqon kartaa yool qiimo leh oo la hiigsado.

Cilmi-baaristu waxa ay muujinaysaa in koritaanka jaranjarada ay faa'iidooyin la yaab leh u yeelan karaan caafimaadka jirka iyo maskaxda labadaba, iyada oo aan loo baahnayn in la fuulo laba duuli maad markiiba ama jebinta wax diiwaan ah.

Fuulitaanka jaranjarada ayaa lagu muuji yay inay hagaajinayso dheelitirka ayna yaraynayso khatarta dhicitaanka dadka waaweyn, iyada oo sidoo kale hagaajin aysa qaybta hoose ee jirka.

Daraasado kale ayaa sidoo kale muujinaya in fuulitaanka dhowr jaranjaro ay saameyn togan ku yeelan karto awoo ddeena garashada, sida xallinta dhibaat ooyinka, xusuusta, iyo suurtagalnimada fikirka hal-abuurka.

Sida qaab jimicsi saamayntiisu hoosee yso, korista jaranjarada, xitaa wakhti gaa ban, waxa ay gacan ka geysan kartaa hagaajinta jimicsiga wadnaha iyo yarayn ta khatarta cudurada wadnaha.Fa a'iidooyinka neefsashada ee lagu gaaro jaranjarada guriga ayaa laga yaabaa inay xitaa la mid noqoto kuwa lagu gaa ro isticmaalka mashiinnada jaranjarada ee qolka jimicsiga.

Waa dhishibiliikan maalinlaha ah tan leh awoodda ugu weyn si ay u keento natii jooyin caafimaad oo wanaagsan. Jara njarooyinka meel walba waa yaalaan, waxaan kula kulannaa guriga, shaqada, iyo goobaha caamka ah. Adiga oo dooranaya in aad fuusho jaranjarada halkii aad ku boodi lahayd wiishka, waxaynu isku howlnaa qaab jimicsi nasiib leh oo saameyn weyn ku yeelan kara caafimaadkeena.

"Waa layli uu qof walba samayn karo sababta oo ah waa la heli karaa, waxaana samaynaa maalin kasta," ayuu yiri Alexis Marcotte-Chenard, oo ah cilmi-baare caafimaadka wadnaha ah oo ka tirsan Jaamacadda British Columbia ee Kelowna, Canada.Alexis Marcotte-Chenard wuxuu daraaseeyaa sida loo isticmaalo jimicsiga iyo nafaqada si loo yareeyo khatarta cudurrada wadnaha iyo xiddidada, gaar ahaan saameynta "tababarka dhexe" oo ah jimicsiga xoogga badan ee soconaya hal daqiiqo ama ka yar, oo la sameeyo maalinta oo dhan.

Koritaanka jaranjarada waa waxqabad rajo leh sababta oo ah si fudud ayaa loo hagaajin karaa markii la dhibtooda iyada oo la beddelayo xawaaraha umana baahna qalab ama kharash.

Cilmi-baaris ku saabsan jimicsiga, gaar ahaan "VILPA" oo ah dhaqaaq xooggan oo la sameeyo gaar ahaan qayb ka ah hab nololeedkeena ayaa kor u kacaya, iyada oo cilmi-baarayaashu ay raadina yaan xalal jimicsi oo wax ku ool ah si loo la dagaallamo qaab nololeedka fadhii dka ah iyo jimicsi la'aanta taas oo hadda ka dhigaysa 1.8 bilyan oo qof oo qaan-gaar ah oo adduunka oo dhan ah inay khatar ugu jiraan cudurrada.

Maxaa ka dhiga jaranjarooyinka kuwo waxtar u leh jimicsiga jirka?

Marka hore, koritaanka jaranjarada waa hab sahlan oo lagu kordhiyo garaaca wadnahaaga oo ah qayb muhiim ah oo ka mid ah helitaanka faa'iidooyinka jireed. Koritaanka jaranjarada waxay leedahay faa'iidooyin gaar ah marka loo eego noocyada kale ee jimicsiga.

"Fuulitaanka jaranjarada waxa ay kordh isaa garaaca wadnaha iyo isticmaalka ogsijiinta in ka badan socodka degdega ah" ayuu yiri Marcotte-Chenard. Waxa uu rajo ka qaba in jimicsiga fudud, gaar ahaan fuulitaanka jaranjarada ay bixin karto xal wanaagsan oo lagu jebiyo caa dooyinka adag ee shaqada.

Koritaanka jaranjarada waxay kordhin kartaa xajmiga iyo xoogga muruqyada bowdadaada sidoo kale waxaad u isticm aashaa murqaha calooshaada si aad u hesho degganaanta dhererka.

Andreas Stenling waa ku-xigeen borofi sar oo cilmu-nafsiga ee Jaamacadda Umeå,ee Sweden, wuxuuna diiradda saaraa xiriirka muddada fog ee ka dhex eeya dhaqdhaqaaqa jirka iyo caafima adka. Isaga iyo asxaabtiisuba waxay baaris ku samaynayeen saamaynta deg dega ah ee fuulitaanka jaranjarada ku leedahay awoodaha garasho ee kala duwan ee dhalinyarada.

"Joojinta iyo beddelidda waa labada haw lood ee garashada ugu muhiimsan ee aan diiradda saarnay halkan.beddelka garashada, mararka qaarkood loo yaqa an dabacsanaanta maskaxda, waa sa hlanaanta in aan uga gudbi karno hal hawl garasho mid kale," ayuu ku shara xay.

"Fuulida in ka badan shan dabaq maa lintii waxay la xiriirtaa khatarta hoose ee cudurrada wadnaha ee atherosclerotic."

Stenling iyo asxaabtiisu waxay ogaa deen in jimicsiga fuulitaanka jaranjarada ay si weyn u wanaajisay awoodaha gara shada ka qaybgalayaasha. Ka qaybga layaashu waxay sidoo kale dareemeen farxad iyo tamar badan ka dib markii ay jaranjarooyinka koreen.

Daraasad kale oo ay daabaceen cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Yamag uchi School of Medicine ee Japan ayaa sidoo kale muujisay in dadka koray laba jaranjaro ay ka xirfad fiican yihiin xallinta dhibaatooyinka marka loo eego kuwa raacay wiishka.

Daraasad kale oo ay sameeyeen isla kooxdan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in socodka dagitaanka ee jaranjarada uu horseeday kororka fikirka hal-abuurka, isaga oo abuuraya 61% fikrado asal ah marka loo eego dadka qaatay wiishka. Markaa, haddii aad raadinayso kobcinta xallinta mashaakilaadka, safar degdeg ah oo kor iyo hoosba jaranjarooyinka ayaa noqon kara waxa kaliya ee aad u baahan tahay.

Maleeshiyaad hubeysan oo labo qof ku dilay Gaalkacyo

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa ay xalay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay ku dileen Saciid Gurre Cali Baar Xoosh iyo gabar la socotay oo lagu magacaabi jiray Canab Burhaan Maxa -med Cali, kadib markii ay weerar qorshe ysan ku qaadeen maleeshiyaadkaasi.

Weerarkan ayaa ka dhacay meel ku dhow Beerta Bilan oo ku taalla dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyaadka hubegsan ayaa beegsa day gaari ay saarnaayeen labada qof ee la dilay

Goobta falku ka dhacay ayaa ah inta u dhaxeysa Beerta Bilan iyo Kaamka Ta wakal ee duleedka magaalada Gaalkac -yo qeybta uu ka taliyo maamulka Puntland.

Allaha u naxariistee labadii ruux ee saa rna gaariga ayaa halkaas ku nafwaayey.

Ma cadda illaa hadda sababta keentay weerarkan ay ku naf waayeen labada ruux, waxaase loo malaynayaa inuu sal ka ku hayo dilalka la xiriira aanooyinka qabiilka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka.


Waa sidee xaaladda magaalada Los Angeles ka dib rabshado ka dhashay howlgalada beegsiga Muhaajiriinta?

Maamulka madaxweyne Donald Tru -mp ayaa sheegay inuu magaalada Los Angeles u dirayo 2,000 oo askari oo ah Ciidanka Ilaalada Qaranka (National Guard) si ay ula tacaalaan rabshadaha ka dhashay howlgalka lagu beegsa nayo muhaajiriinta aan sharciga hay -san.

Mas'uulka qaabilsan xuduudaha, Tom Homan, ayaa Sabtidii u sheegay Fox News: "Waxaan ka dhigaynaa Los Angeles meel ammaan ah."

Magaalada ku taalla gobolka California ayaa wajahday maalintii labaad oo rabshado ah kaddib markii dadka degg an xaafad ay u badan yihiin dadka Latino-ga ah ay isku dhaceen wakiillo ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Kasta mka Mareykanka (ICE).

Gaaska ilmada keena iyo ulaha ayaa loo adeegsaday kala eryidda dadkii ba naanbaxa ka dhigay xaafadda Paramo -unt.

Illaa 118 qof ayaa lagu xiray magaal ada Los Angeles toddobaadkan intii ay socdeen howlgalada ICE, iyadoo 44 ka mid ah la qabtay Jimcihii.

Xaaladda Paramount way degan tahay marka loo eego sidii hore, balse weli waxaa socda isku dhacyo u dhexeeya mudaharaadayaasha iyo booliska.

Waxaa la arkayaa qiiq agagaarka Home Depot oo ah halka uu mudaha raadku ka billowday markii ugu horr eysay iyadoo hawada aga daree mayo sunta dadka ka ilmaysiisa.

Booliska degmada LA ayaa daqiiqad kasta ridaya bambaanooyin dhawaq leh iyo gaaska dadka ka ilmaysiisa si ay u kala eryaan dadka mudaharaa daya.

Dadka deegaanka iyo mudaharaad ayaasha ayaa sheegaya in ay jiraan muhaajiriin ku xiniban gudaha ganacsi yada maxalliga ah kuwaas oo cabsi darteed ka baqaya in ay bannaanka u soo baxaan.

Dadka deggan Paramount in ka badan 80 boqolkiiba waa dad Hispanic ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu yiri: "Maalmihii la soo dhaafay, kooxo rabshado wata ayaa weeraray saraakiisha ICE iyo booliiska federaalka oo fulinayay howlgalka musaafurinta dadka sharci darrada ah ee magaalada Los Angeles, Califor -nia."

"Howlgalladan waa kuwa muhiim u ah joojinta iyo ka hortagga duullaanka dembiilayaasha sharci darrada ah ee gudaha u soo galay Mareykanka. Iyada oo ay rabshadahani socdaan, hoggaamiyeyaasha Dimuqraadiga ah ee California ayaa gabi ahaanba ka gaabiyay inay ilaaliyaan muwaadiniin tooda. Taasi waa sababta Madaxwe yne Trump uu u saxiixay Amar Madaxweyneed uu ku dirayo 2,000 askari oo National Guard ah si ay ula tacaalaan in sharci darradu sii korarto

Isagoo ka hadlayey magaalada Los Angeles Homan, oo halkaas u tegay si uu shaqsiyan ula socdo howlgalada ICE, wuxuuna yiri: "Waxaan hadda keeneynaa gargaar dheeri ah. Waxaan caawa keeneynaa ciidamada ilaalada qaranka National Guard. Shaqadeenna waan sii wadaynaa."

Wuxuu uga digay dadka mudaharaa daya inaysan waxyeeleynin hantida gaarka ah, isagoo sheegay in ay jiri doonto "dulqaad la'aanta " la xiriirta rabshado ama burbur.

Qoraal uu ku baahiyay barta X, oo horey loo oran jiray Twitter, Ku-xige enka Agaasimaha FBI Dan Bongino ayaa sidoo kale uga digay muda haraadayaasha: "Haddaad keentaan fawdo, annaguna waxaan keeneynaa katiinado. Sharciga iyo kala dambeyn tu way guuleysan doonaan."

Wuxuu sheegay in "dad badan" la xi ray sababo la xiriira "carqaladeynta howlgalada."

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sidoo kale qoraal ku sheegay in waaxdiisu "si degdeg ah u abaabulayso ciidamada ilaalada Qaran ka si ay u taageeraan booliska fede raalka ee Los Angeles."

Wuxuu intaas ku daray: "Haddii rabsha duhu sii socdaan, ciidamada joogtada ah ee Marines ee Camp Pendleton sid oo kale waa la hawlgelin doonaa – wa xay ku jiraan heegan sare."

Fiidnimadii Sabtida, Taliska Booliska Los Angeles (LAPD) ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegayaan in "mudahar -aadyadii ka dhacay magaalada Los Angeles ay ahaayeen kuwo nabad ah, waxaana ammaaney naa dhammaan dadka si masuuliyad leh u adeegsaday xuquuqdooda ku xusan Qodobka Koowaad ee Dastu urka."

Bayaanku wuxuu intaas ku daray in LAPD "si buuxda ugu diyaar garoo bayso in ay si dhakhso ah oo habboon uga jawaabaan wixii rabshado ah ee dhici kara."

Bayaankii Jimcaha, Guddoomiyaha California Gavin Newsom wuxuu yiri: "Howlgallada kacsan ee federaalka ee ka socda guud ahaan California si loo gaaro tirakoobka xarigga ee aan sal iyo raad lahayn waa kuwo aan damiir lahayn isla markaana arxan daran.

"Fowdada Donald Trump waxay burbu rinaysaa kalsoonida, waxay kala jaray saa qoysas, waxayna hoos u dhigey saa kalsoonida dadka shaqeeya iyo warshadaha dhaqaale u ah Mareykan ka."

Duqa magaalada Los Angeles, Karen Bass, ayaa horey ugu eedeysay ICE in ay "argagax gelinayaan" magaalada la baad ee ugu weyn dalka Mareykanka.

Hoggaamiyeyaasha FBI-da iyo Waax da Ammaanka Gudaha ayaa sheegay in hadalka duqa magaalada uu khatar gelinayo ciidamada federaalka.

Angelica Salas, oo ah madaxa Kooxda Xuquuqda Muhaajiriinta ee Bani'aada mnimada, ayaa dad badan hortooda ka sheegtay: "Bulshadeennu waxay ku jirtaa xaalad weerar ah oo lagu cabsi gelinayo. Waa dad sha qeeya. Waa aabayaal. Waa hooyooyin. Tani waa in la joojiyaa."

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu haystaa awood uu ciidamada ilaalada Qaranka ee (National Guard) ugu hawlgeliyo arrimo ay ka mid yihiin "xakamaynta kacdoonka."

Laakiin Sabtidii, Guddoomiyaha California ayaa ka falceliyay tallaabada federaalka ee lagu doonayo in lagu "geeyo California ciidamada ilaalada Qaranka laguna geynayo 2,000 askari" ay tahay "mid si ula kac ah u kicineysa xaaladda" isla markaana ay "kaliya kordhin doonto xiisadda."

"Mas'uuliyiinta Los Angeles waxay awood u leeyihiin inay si degdeg ah u helaan caawimaad amni mar kasta oo loo baahdo," ayuu Newsom sii raaciyay.

Trump ayaa weeraray guddoomiyaha isagoo ku qoray batriisa bulsha ee Truth Social: "Haddii adiga iyo Bass aydin qaban karin shaqadiina, mar kaas Dowladda Federaalka ayaa soo faragelin doonta oo xallin doonta dhibaatada, rabshadaha iyo bililiqada, si ay ahayd in loo xalliyo!!!"





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip