Guddoomiyaha Aqalka Sare oo booqday masajidka cathedralka ee Moscow

0
Wednesday June 04, 2025 - 20:12:00 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Aqalka Sare oo booqday masajidka cathedralka ee Moscow

    Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa ku sugan magaaladda Moscow ee dalka Ruushka, ayaa booqday maanta masajidka cathedralka ee Moscow, waxaana ku soo dhaweeyay ima

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa ku sugan magaaladda Moscow ee dalka Ruushka, ayaa booqday maanta masajidka cathedralka ee Moscow, waxaana ku soo dhaweeyay imaamka iyo khadiibka masajidka Mudane Ildar Galeev. Guddoomiyaha iyo xubnaha safarkiisa shaqo ku wahelinaayey waxay booqdeen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay masjidka isla markaana uga mahadceliyay imaanka sida wanagsan ee milgalaha leh ee ay u soo dhaweyeen maamulka masjidka. Ugu dambeyntii, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa kula dardaarmay maamulka masjidka sidii dadka loo soo bandhigi lahaa wanaagga ay leedahay diinta islaamka isla markaana loo bari lahaa bulsho weynta Ruushka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip