Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad oo Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Isbedalka Cimillada

0
Wednesday June 04, 2025 - 20:07:58 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad oo Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Isbedalka Cimillada

    Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha, ahna Ra'iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Isbedalka Cimillada oo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimillada ee XFS ay soo qaban qaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha, ahna Ra'iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Isbedalka Cimillada oo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimillada ee XFS ay soo qaban qaabisay. Ku simaha Ra'iisul Wasaaraha, ahna Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Muqdisho ka furay shirweynaha qaran ee isbedalka cimillada ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go'an tahay in xal waara loo helo saameynta togan ee isbedalka cimilladu ku yeelatay dalkeena. Shirkaan oo Muqdisho ka socon doona muddo labo maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha isbedalka cimillada, waxaana ka qeyb gelaya wasiirro ka tirsan XFS, masuuliyiin ka socota wasaaradaha deegaanka ee dowlad goboleedyada, xubno ka socda beesha caalamka, masuuliyiin iyo marti sharaf kale. Wasiirka Deegaanka iyo Isbedalka Cimillada XFS Bashiir Maxamed Jaamac "Waa shirweynihii ugu horeeyey ee noociisa Soomaaliya lagu qabto, waxaana isugu keenay hay'adaha beesha caalamka iyo daneeyayaasha arrimaha deegaanka, qorshe qaran ayaan ka dhiganay isbedalka cimillada." James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda, isagoo xusay taageerada QM ee dadaallada Soomaaliya ee la xiriira cimilada, deegaanka, iyo horumar waara. Wuxuu si gaar ah u xoojiyay doorka dhalinyarada iyo muhiimadda iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro yoolalka SDGs iyo NDCs. Arrimaha la xiriira isbedalka cimillada ayaa adduunka oo dhan laga dareemayaa waxa uuna saameyn dhan kasta ah ku yeeshay bulshooyinka aduunka haba ugu darnaadeene dowladaha u nugul isbaddalka cimilada oo ay Soomaaliya ku jiro, waxaana socda dadaalo lagula falgalayo isbeddalladan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip