Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wada tashi ah la qaatay hoggaanka xisbiyada

0
Wednesday June 04, 2025 - 20:05:31 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wada tashi ah la qaatay hoggaanka xisbiyada

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka xisbiyada siyaasadeed ee isu diiwaangeliyey doorashada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya geeddi-socodka dimuqraadiyeynta da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka xisbiyada siyaasadeed ee isu diiwaangeliyey doorashada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka. Kulankan oo diiradda lagu saaray hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa Madaxweynaha waxa uu uga warbixiyey dadaallada baaxadda leh ee 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu bixiyey si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaan ka turjumaya rabitaankooda. Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay ka go'an tahay in la dhameystiro hannaanka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod, isagoo carrabka ku adkeeyey in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay ka mid yihiin tiirarka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daah-furan. Dhankooda, hoggaanka xisbiyada siyaasadeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka iyo go'aanka dowladda ee dhammaystirka nidaamka dimuqraadiyadeed, iyagoo soo jeediyey in dowladdu ay kordhiso wacyigelinta dadweynaha ee nidaamka doorashada tooska ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip