Soomaaliya oo ka qaybgashay xuska maalinta Afrika oo lagu qabtay Hindiya

0
Thursday May 29, 2025 - 11:04:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qaybgashay xuska maalinta Afrika oo lagu qabtay Hindiya

    Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdillaahi Maxamed Odowaa, oo ay weheliyeen diblomaasiyiinta safaaradda iyo xubno ka socday madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ka qayb galay xuska maalinta Afrika (Africa day) oo lagu qabtay caasim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdillaahi Maxamed Odowaa, oo ay weheliyeen diblomaasiyiinta safaaradda iyo xubno ka socday madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ka qayb galay xuska maalinta Afrika (Africa day) oo lagu qabtay caasimadda Hindiya ee New Delhi. Munaasabadda oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa ka qaybgalay madax sare, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socda dalalka Afrikaanka ah ee fadhigoodu yahay magaalada New Delhi. Munaasabadda waxaa marti sharaf ku ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Hindiya, Dr. S. Jaishankar, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad qoto dheer oo dhinacyo badan taabaneysay. Wasiirku wuxuu u hambalyeeyay dalalka Qaaradda Afrika, isagoo xusay muhiimadda uu leeyahay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhaxeeya Hindiya iyo Afrika. Sidoo kale, Wasiir Jaishankar wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta si loo gaaro horumar waara, xasillooni iyo dan guud oo la wadaago.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip