Ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka oo weerar ku qaaday deegaanka Aboorey ee G/Hiiraan.

0
Thursday May 29, 2025 - 09:54:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka oo weerar ku qaaday deegaanka Aboorey ee G/Hiiraan.

    Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda gobolka Hiiraan ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Abooreey, oo hoostaga degmada Buulo-burt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda gobolka Hiiraan ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Abooreey, oo hoostaga degmada Buulo-burte, ee Gobolkaasi. Weerarka ayaa la sheegay in lagu dilay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab, waxaa ayna gubeen gaadiid dagaal oo ay lahaayeen kooxda Al-shabaab. Guddoomiyaha deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan Nuur Cilmi Cariif oo wareysi siiyay Risaala Media ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay miinooyin ku aaseen wadooyinka gala deegaanka Aboorey, wuxuuna xusay in maalmaha soo aadan ay Al-shabaab ka saari doonaan deegaankaasi. Deegaanka Aboorey ayaa waxaa ku sugan Maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ee G/Hiiraan ay wadaan Guluf xooggan oo ku doonayaan in ay dib ugu qabsadeen deegaankaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip