Ra'iisul wasaare Xamse oo ka tacsiyeeyey geerida Jeneraal Moorgan

0
Wednesday May 28, 2025 - 20:50:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaare Xamse oo ka tacsiyeeyey geerida Jeneraal Moorgan

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo galabtay ku geeriyooday dalka Kenya. Qoraalka Ra'iis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo galabtay ku geeriyooday dalka Kenya. Qoraalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa u qornaa sidan. "Waxaan uga tacsiyeeynayaa qoyska, Qaranka iyo guud ahaan Ciidanka qalab-sida geerida naxdinta leh ee ku timid Alle u naxariistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ahaa sarkaal ku tilmaaman karti iyo geesinimo, kaalin weynna ka soo qaatay dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Marxuumka, oo kamid ahaa saraakiishii laf-dhabarta u ahayd xilligii dowladdi dhexe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu xasuustaa doorkii uu ka qaatay difaaca dalka. Isaga oo soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo qeybo kala duwan oo kamid ahaa hoggaankii ciidanka. Waxaan Alle uga baryayaa marxuumka in uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo, " ayaa lagu yiri qoraalka Ra'iisul Wasaaraha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip