Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

0
Sunday May 25, 2025 - 19:52:57 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 79
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

    Shir ballaaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho, Waxaana ka qeyb galay madax sare oo ka socoto hay'adaha kala duwan ee Dowladda oo ay ugu horeeyaan Wasii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir ballaaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho, Waxaana ka qeyb galay madax sare oo ka socoto hay'adaha kala duwan ee Dowladda oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra'iisul wasaaraha, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiin kale. Shirka waxaa soo qaban qaabiyay guddiga isku dabaridka gogosha Qaran, ee uu guddoomiyaha u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xassan Macallin Maxamuud. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shirweynaha uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo Qaran.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip