Safiir ku-xigeenka JFS ee Shiinaha oo ka qeyb galay shir caalami ah

0
Sunday May 25, 2025 - 19:48:28 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiir ku-xigeenka JFS ee Shiinaha oo ka qeyb galay shir caalami ah

    Lataliyaha koowaad ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Kodar, ayaa ka qeybgalay shirka caalamiga ah ee "BRI Green Brand Global Overseas Promotion Conference – Chi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lataliyaha koowaad ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Kodar, ayaa ka qeybgalay shirka caalamiga ah ee "BRI Green Brand Global Overseas Promotion Conference – China-Arab Green Industrial Cooperation Forum" oo lagu qabtay magaalada Beijing. Shirkan oo ay martigelisay Ururka-Midnimada Deegaanka ee Shiinaha (All-China Environment Federation – ACEF), ayaa diiradda saaray horumarinta iskaashiga deegaanka iyo horumar waara oo ay wada yeeshaan Shiinaha iyo dalalka Carabta, iyada oo loo marayo hindisaha Belt and Road Initiative BRI,ee lagu hormariyo Dhaqaalaha Caalamiga ah. Cabdisalaam Koda ayaa khudbad ka jeediyey madasha, tilmamaysa sida ay Soomaaliya uga go'an tahay in ay si firfircoon uga qaybqaadato dadaallada caalamiga ah ee deegaanka, iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada oo muhiim u ah xaalada Soomaaliya madaama ay ka jirto xaalado ay keenan is-badelka cimilada. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya, inkasta oo ay la tacaaleyso caqabado dhanka isbadalka cimilada ah sida abaaraha soo noqnoqda iyo nabaad-guurka, balse ay leedahay fursado badan oo dabiici ah oo ay ka mid yihiin qorraxda diiran , iyo xeebaha dheer ee hodan ka ku ah khayraadka Badda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip