Wasiir Fiqi "120 Al-shabaab ah ayaa la dilay 72-dii saac ee la soo dhaafay"

0
Wednesday May 21, 2025 - 17:25:34 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fiqi "120 Al-shabaab ah ayaa la dilay 72-dii saac ee la soo dhaafay"

    Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hawlgallo dhulka ah iyo duqeymo lagu weeraray maleeshiyaadka Al-shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Hiiraan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hawlgallo dhulka ah iyo duqeymo lagu weeraray maleeshiyaadka Al-shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose lagu dilay ilaa 120-ka tirsan Al-shabaab. Wasiir Fiqi ayaa xusay in dagaallo culus oo wali ka socda xadka gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe jab weyn lagu gaarsiiyey argagixisada, sidoo kalena Jubada hoose oo lagu dilay ilaa 30-ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab qaarkood oo gacanta lagu dhigay, lana hubinayo inay ku jiraan horjoogayaal kooxda ka tirsan. Hawlgal kale oo xalay ka shacay deegaanada Sabiid iyo caanoole oo ay fuliyeen ciidanka nabadsugidda Qaranka ayaa lagu dilay horjooge iyo koox ilaalo u ahayd, kaas oo si gaar ah ugu lug kahaa Hoobiyaal dhowr mar lagu soo tuuray xaafadaha Muqdisho. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa u mahadceliyey Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey dhabar adeyg iyo geesinimo, islamarkaana ku guulaystay inay dhul badan ka saaraan Al-shabaab. Ugu dambeyntii, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay ka fogaadaan hadal kasta oo dhaawacaya halganka Qaran, ayna noqdaan kuwo garab istaaga Ciidanka iyo shacabka – halkii ay noqon lahaayeen codka cadowga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip