Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

0
Sunday May 18, 2025 - 15:10:31 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

    Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Hassan Sheikhali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Daccò Coppi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka socday Safaaradda Talyaaniga. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xooji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Hassan Sheikhali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Daccò Coppi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka socday Safaaradda Talyaaniga. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada caddaaladda, dib-u-habaynta garsoorka, iyo dhameystirka dastuurka. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Soomaaliya, halka wafdigu ay ku bogaadiyeen dadaallada dowladda ee ku aaddan tayeynta cadaaladda iyo dastuurka iyagoo ballanqaaday sii wadista taageerada. Wasaaradda Cadaaladdu waxay sii xoojineysaa dadaallada ku aaddan tayeynta nidaamka Cadaaladda iyo dhameystirka iyadoo la kaashaneysa bahda cadaaladda iyo saaxiibada caalamiga ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip