
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 17-5-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baqdaad
Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq halkaas oo uu uga qaybgali doono meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.
Shirka ayaa lagu gorfayn doonaa arrimo la xiriira dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka aloosan qaybo badan oo ka tirsan mandiqadda, iyada oo Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu uu dhankiisa soo bandhigi doono halganka ka dhanka ah Al-shabaab ee ay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay xuska maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed
Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa shalay ka qaybgalay munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyed ee 15ka May, taasoo lagu xusayay 81 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xoreynta, dowladnimada iyo horumarka dalka, isagoo sheegay in dhallinyaradii SYL ay horseedeen midnimo iyo xornimo, halka dhallinyarada shalay laga sugayo inay kaalin mug leh ka qaataan dib-u-dhiska dalka iyo la dagaallanka argagixisada.
"13 dhallin yaro ah oo gumeysi ku hoos nool, oo aan haysan fursadaha shalay jira ayaa inoo horseeday gobanimo iyo dowladnimo. Maatna dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa horyaalla door la mid ah kaas oo kaga aaddan in ay codkooda ku doortaan hoggaanka dalka, dhexdana u xirtaan difaaca iyo xoreynta”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey in ay ka go’an tahay dowladda in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, waxa uuna xusay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay haatan si rasmi ah uga socoto caasimadda Muqdisho, lagana shaqeeyey shuruucdii iyo nidmaadyadii doorashada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda qabyo-tirka Dastuurka, waxa uuna ku bogaadiyey Guddiyada Dastuurka dadaalkooda ku aaddan dhameystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo midnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ay soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo aragtiyahooda ku aaddan qarannimada iyo dowlad-dhiska, halka ay ku mashquulsan yihiin dhaliisha guulaha dowladda iyo barnaamijyada hortabinta u leh dalka, waxa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay iyagu leeyihiin talada, lagana gudbay xilligii kooxo gaar ah ay isku jaangooyn jireen masiirka iyo mustaqbalka dalka.
Munaasabadda waxaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali, Taliyaha Booliska Federaalka Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Madaxweynaha Soomaaliya oo dhagax dhigay xarun cusub oo ay ku howlgalaan Wasaaradda Ciyaaraha
Madaxwanaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyada oo lagu guda jiro munaasabadda xuska Maalinka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, waxaa uu dhagax-dhigay dhismaha cusub oo ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS.
Dhagax-dhigga waxaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ku weheliyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdishu Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan-doceed kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Masar
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abdisalan Cabdi Cali, ayaa shalay oo Khamiis ah kulan-doceed kula yeeshay Magaalada Bagdaad intii uu socday Shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaarayay Shir-madaxeedka 34aad ee Carabta, ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty.
Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa Wasiir Cabdisalaan waxa uu carabaabay tixgelintiisa taageerada Masar ee nabadda iyo degannaanshaha Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay ka qeyb-noqoshadeeda Howlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaalia (AUSSOM), caddeeyayna inuu ku dadaali doono kor-u-qaadidda iskaashiga Soomaaliya kala dhexeeya Masar iyo ka faaideysiga khibradaha dhinac weliba.
Dhankiisa, Wasiir Badr Abdelatty ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliya xilka dhowaantan loo magacaabay, isaga oo caddeeyay sida ay uga go’antahay Masar sare-u-qaadidda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo tilmaamay in xiriirka labo geesoodka la gaarsiiyay heerkii ugu sarreeyay oo ah wax-wadaag istiraatiijiyadeed kadib booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Qaahira bishii January, 2025.
Wasiir Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay taageerada sugan ee Masar ee midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya , isaga oo xaqiijiyay in Masar ay ka go’antahay taageeridda awood-dhisidda iyo tababbaridda Soomaalida si howlgudashada hay’adaha dowladda ay u noqdaan kuwa wax-gal ah.
Labada Wasiir ayaa waxa ay isku af-garteen inay sii wadaan wada-shaqaynta dhow si loo qotodheereeyo iskaashiga jira, lana xoojiyo xasiloonida gobolka iyadoo loo marayo dadaallo wadajir ah.
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay Shirweynaha Wasiirrada Dhaqanka ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Islaamka
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeybgaley Shirweynaha Wasiirrada Dhaqanka ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Waddamada Islaamka OIC oo ka dhacay magaalada Kazan ee Jamhuuriyadda Tatarstan oo ka tirsan Xiriirka Federaalka ee Ruushka.
Waxaa kulankan looga hadley doorka diblomaasiyadda dhaqanka ka qaadan karto arrimaha amniga iyo nabadda, xalinta xasaradaha iyo isku soo dhoweynta dalalka caalamka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah Madasha Kazan Forum 2025 oo ay ku kulmayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka OIC iyo Ruushka, kaas oo diiradda lagu saarayo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac ka dhexeeya, gaar ahaan horumarinta ganacsiga, iskaashiga dhinacyada sayniska, tiknoloojiyadda, arrimaha bulshada , dhaqanka iyo kuwo kale oo ay labada dhinac wadaagi karaan.
Khadka telefonka ee magaalada Kazan ee Jamhuuriyadda Tatarstan waxaan kula xiriirney Wasiir Daa’uud Aweys oo aan wax ka weydiinay shirkaasi iyo Madasha Kazan Forum ee halkaasi ka so
Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee golaha Shacabka oo ka qayb galay shirka Baarlamaanka dalalka Islaamka
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ku sugan Magaalada Jakarta ee Casimada wadanka Indonesia ayaa ka qeyb galay shirweynaha 19-aad ee Baarlamaanka Islaamka oo muddo afar cisho ah ka socday Magaaladda Jakarta.
Shirweynaha 19-aad ee Baarlamaanka wadamada Islaamka oo sanadkan si guud loogaga hadlayay maamul wanaaga iyo dhisida hay’ado xoog leh ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray xuquuqda dadka muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay, Sahaminta istaraatiijiyado qoto dheer oo lala yeesho dhalinyarada, haweenka, iyo bulshada rayidka ah si kor loogu qaado ka-qaybgal dimoqraadiyadeed oo loo dhan yahay iyo sidoo kale ujeedooyinka ku xusan Xeerka Midowga Baarlamaanka ee Dawladaha Xubnaha ka ah OIC iyo waajibka ka saaran in la ixtiraamno ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga OIC iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.
Gabagabadii Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay ayaa sheegay Baarlamaannada xubnaha ka ah midowga muhuim tahay in ay si firfircoon uga hortagaan Islaam nacaybka, ajaanib nacaybka, dulqaad la’aanta, iyo nooc kasta oo takoorid ah iyaga oo tusaale u ah qiyamka mabaadi’da Islaamka iyo horumarinta sharafta muslimiinta iyo wada-xaajoodka baarlamaanka iyo sidoo kale ilaalinta sharafta iyo xuquuqda dadka oo dhan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan doceedyo muhiim ah la yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Jabuuti iyo Aljeeriya
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Somalia, Mudane Abdisalaam Abdi Cali, oo ku sugan magaalada Baqdaad ayaa kulan doceedyo muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Shalay, Wasiir Cabdisalaam waxa uu kulammo miro-dhal ah la qaatay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Aljeeriya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti. Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyo sidoo kale taagerada labada dal ay u hayan dadallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka dalka.
Kulammadani waxay ka tarjumayaan sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyada oo la sii amba-qaadayo wada-shaqeynta dhow ee ku saleysan danaha wadajirka ah ee gobolka iyo dunida Carabta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Baqdaad kula kulmay dhiggiisa Yemen
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdul Salaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Baqdaad kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Jamhuuriyadda Yemen, Mudane Dr. Shaye Mohsen Al-Zindani, oo ka qayb galay shirka Golaha Wasiirada Carabta.
Labada wasiir ayaa ka wadahadlay qodobbo ay kanid yihiin xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo yemen iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa barnaamijyada wax ku oolka ah ee saacidaya horumarka labada dal.
Wasiir C/salaan ayaa ku nuux-nuuxsaday xiriirka walaaltinimo ee xooggan iyo taariikhda wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, isagoo muujiyay sida dalkiisu u doonayo inuu xoojiyo iskaashiga iyo taageerada hindisaha wadajirka ah.
Dhankiisa, wasiir Al-Zindani ayaa ugu hambalyeeyay wasiir Cabdul Salaam xilka dhawaan loo magacaabay, wuxuuna u rajeeyay guul, isagoo carabka ku adkeeyay inay Yemen ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada badan ee kala dhexxeeya dalkeenna..
Trump oo dhameystay socdaal uu ku tagay Sacuudi,Qadar iyo Imaaraadka
Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump oo ku jira lugtii u dambeysay socdaal uu ku marayo Bariga Dhexe ayaa sheegay in Dalka Imaaraadka Carabta uu $1.4 trillion ku maalgelin doono Mareykanka tobanka sano ee soo socda.
Heshiiskaasi maalgalinta ee lala galay Imaaraadka waxaa ku jira kuwo lagu hormarinaayo waaxda AI ,gaar ahaan adeegyada loo yaqaanno nidaamyada kombuyuutarada awoodda u leh inay qabtaan hawlaha sida caadiga ah u baahan garaadka aadanaha.
Waxaa kaloo heshiiska ganacsi kamid ah hub laga iibinaayo Imaaraadka,inkastoo ay jiraan koox katirsan senetarada Maraykanka oo isku dayaya inay joojiyaan hub laga iibinaayo Qadar iyo Imaaraadka.
Trump waxaa lagu wadaa in shalay uu ka ambaboxo Dalka Imaaraadka oo maalinimadii daraad uu soo gaaray kadib markii uu soo maray Sacuudiga iyo Qatar.
Wasiir Fiqi oo boogaadiyay howsha wax ku oolka ah ee ka socota Dugsiga Tababarka TURKSOM
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo la socday ayaa booqasho howleed ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.
Wasiirka oo si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta dugsigaasi ayaa salaan sharaf ka qaatay saraakiisha Turkiga iyo ardayda Soomaaliyeed ee tababarka ku qaadanaya halkaasi.
Kulanka booqashada wasiirka oo uu goob joog ka ahaa Safiirka Türkiye ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş waxaa halkaasi la isku dhaafsaday ereyo la xiriiray xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.
Dhinacyadaasi waxaa kaloo ay ka hadleen doorka muhiimka ah ee Dugsiga TURKSOM ee uu ka qaato dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Nairobi oo lagu soo gaba-gabeeyay shir u dhexeeyay Hey’adaha Maaliyadda Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka
Waxaa shalay Magaalada Nairobi lagu soo gaba-gabeeyay shir muhiim ah oo u dhexeyay Hey’adaha Maaliyadda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda mudan in la maalgaliyo ee wax soo saarka uu ka mid yahay.
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirkaan ka soo qeyb galay oo ka kooban Xafiisyada Madaxeynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Batroolka, Bangiga Dhexe, Hey’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo Xafiiiska Xisaabiyaha Guud.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo xiritaanka shirka ka hadlayay ayaa xusay sida ay Dowladda Soomaaliya ahmiyad gaar ah u siinayso in la helo maalgalin ku saabsan ka faa’iideysiga kheyraadka Dalka, sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa xaqiijiyay qorshaha Dowladda ee ku aadan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta hannaanka dakhli uruurtinta si sare loogu qaado dakhliga gudaha.
Shirkaan oo 3 Biloodle ah ayaa inta badan waxaa dib-u-eegis lagu sameeyaa horumarinta hannaanka maamulka maaliyadda Soomaaliya iyo wixii u qabsoomay Dowladda tan iyo markii lagu dhawaaqay hannaankii deyn cafinta.
Cisbitaalka Banaadir oo helay gargaar ka yimid Hay’adda SODMA
Maamulka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa gargaar bini’aadanimo oo wax loogu qabanaayo bukaanada isugu jira hooyada iyo dhallaanka gaarsiisay Cisbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Deeqdaan oo ka koobneyd nuucyada cuntooyinka waxaa loogu talagalay in lagu quudiyo bukaanada ku jira Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir
Agaasimaha waaxda gargaarka SODMA Sahra Cali Yuusuf ayaa ka warbixisay gaariga raashinka ah ee ay ugu deeqeen maamulka cisbitaalkaasi iyo ahmiyadda uu samofalkaan u leeyahay dhibanayaasha la ildaran nafaqa darida iyo cudurada kale eek u dhaca carruurta sida Jadeeco iyo Xiiq-dheerta.
Agaasime ku xigeenka cisbitaalka Aamino Sh Xasan ayaa ka mahadceliyay kaalmadaasi ay bixiyeen Hey’adda SODMA oo markii 3-aad cisbitaalkaasi gaarsiisay daawo, qalab iyo cunto muddo ka yae sanad.
Dardar-gelinta Maalgashiga Warshadaha Soomaaliya
Waaxda Maalgashiga ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (SOMINVEST), iyadoo iskaashi la leh Barnaamijka SDIT ee Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u bilaawday Daraasad Maalgashi oo lagu sameynayo Qaybaha Mudnaanta Leh ee Maalgashiga Warshadaha Soomaaliya.
Daraasaddan ayaa ah mid istiraatiiji ah oo lagu qiimeynayo fursadaha maalgashi ee ka hira warshadaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kobcin kara wax-soo-saarka warshadaha, sare u qaadi kara suuqyada shaqada, xoojin kara dhoofinta, isla markaana kaalin mug leh ka qaadan kara xaqiijinta sugnaanta cunnada qaranka.
Mashruucani wuxuu la jaanqaadayaa yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP 2025–2029), kaas oo diiradda saaraya horumar waara, koboc loo dhan yahay, iyo dhisidda dhaqaale ku tiirsan wax-soo-saarka gudaha.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shirka Wasiirrada arrimaha Dibada ee Golaha Jaamacadda Carabta
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali Cabdi, ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirrada arrimaha Dibada ee Golaha Jaamacadda Carabta, kaas oo ka dhacay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, waxuuna gogol xaar u ahaa shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee lagu wado in la qabto 17-ka May.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray diyaar garowga shir-madaxeedka, iyadoo Wasiirradu ay si qoto dheer uga doodeen xaaladaha siyaasadeed, Dhaqaale iyo Amni ee ka taagan gobolka Carabta. Sidoo kale, waxa ay xoogga saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Carbeed, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha cusub iyo kuwa isbedelka ku yimid ee saameynta ku yeeshay dalalka xubnaha ka ah ururka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta iskaashiga iyo midnimada dalalka Carabta, si loo helo xalal waara oo lagaga hortagayo caqabadaha iyo duruufaha taagan, loogana shaqeeyo nabad, xasillooni iyo horumar wadajir ah.
Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay xafiiska la-taliyaha Amniga Qaranka
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa shalay ka qeybgalay shir muhiim ah oo ka dhacay xafiiska la-taliyaha Amniga Qaranka.
Shirkan oo ay isugu yimaadeen wakiillo ka kala socday hay’adaha Dowladda Federaalka, howlgalka taageerista iyo xasillinta Midowga Afrika (AUSSOM), iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa ujeeddadiisu ahayd wadatashi ku saabsan dardargelinta howlgalka AUSSOM iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee ka shaqeynaya amniga iyo xasilloonida dalka.
Guddoomiyaha golaha shacabka oo shirguddoomiyey kulanka guddiga joogtada
kulanka Guddiga Joogtqda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Frderaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeyaa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyay howlaha Golaha gaar ahaan shuruucda ay muhiim tahay inuu Goluhu ka howlgalo inta ka dhiman kalfadhigan lixaad.
Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa laga dhageystay guddiga walba warbixin ku saabsan shuruucda hortaala iyo habraacyada u dhiman, waxaana ugu dambeyn ajendeyn iyo jadwaleynba lagu sameeyay ajendayaasha Golaha ee todobaadka soo socda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga kula dardaaramay dardargelinta howlaha Golaha Shacabka, maadaamaa uu gabogabo yahay kalfadhiga lixaad ee Golaha.
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Sacuudiga
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa ee Magaalada Muqdsiho.
Kulankaan ayaa waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka, gaat ahaan amniga, guulaha laga gaaray dagaalka Al-shabaab iyo arrimo kale oo ku saabsan arrimaha Xajka.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaasi ku ansixiyey heshiis is afgarad oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo khuseeya dhanka milatariga iyo amniga, waxaana soo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Xubnaha golaha ayaa mudadii uu socday shirkaasi, halkaasi ku dhageystay warbixin ay soo jeediyeen guddigga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab.
Wafdi ka socday Gaashaandhigga XFS oo lagu soo dhoweeyay Safaaradda Soomaalida ee Jarmalka
Danjiraha Dowladda
Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 17-5-25
.....