
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 15-5-25
Wasiir Fiqi oo soo xiray tababar ku saabsan istiraatiijiyadda warbaahineed ee difaaca Qaranka
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada, Mudane Abdifatax Abdulqadir Faarax, ayaa si rasmi ah Xarunta Warbaahinta ee Wasaaradda ugu soo xiray tababar socday muddo saddex maalmood ah. Tababarkan, oo ay ka faa’iideysteen ku dhowaad 30 xubnood oo ka kala socday Waaxyaha Warfaafinta ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana uu hagayay khabiir sare oo ku takhasusay arrimaha saxaafadda, waxaa diiradda la saaray tayeynta, mideynta iyo casriyeynta istiraatiijiyadda warbaahineed ee difaaca qaranka, iyadoo si gaar ah xoogga loo saaray sidii loo curin lahaa fariimo midaysan oo kaabaya Hawlaha baaxadda iyo naghurnimada leh ee ciidamadeenu samaynayaan iyo sidoo kale kuwo lagaga hortagayo dacaayadaha iyo afkaarta qaldan ee kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.
Wasiir Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday sida ay muhiimka u tahay in argagixisada looga guuleysto dagaalka warbaahinta. Waxaa uu wasiirku carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay warbaahin hufan oo kaalin firfircoon ka qaadata dagaalka ka dhanka ah fikirka gurracan. Waxaa uu intaasi raaciyey Fiqi "Runta iyo xaqiiqada sida xirfadda leh loo soo bandhigo ayaa ah hubka ugu culus ee aan kaga adkaan karno fikirka gurracan ee Al-shabaab.” Wuxuu hoosta ka xarriiqay in istiraatiijiyad warbaahined oo qoto dheer ay lagama maarmaan u tahay soo bandhigidda hawlkarnimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo guulaha laga gaarayo halganka, taasoo sare u qaadaysa niyadda askariga Sooma-aliyeed iyo kalsoonida shacabka.
Ugu dambayn, Wasiirka Gaashaandhiga ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha inay aqoonta ay barteen u adeegsadaan sidii ay shacabka ugu gudbin lahaayeen xaqiiqooyinka dhabta ah, una wiiqi lahaayeen dacaayadaha cadowga, isagoo farta ku fiiqay, "Xusuusnow, niyadda, qiimaha iyo cududda askarigeennu waxay si toos ah ugu xiran tahay sida aan u qiimeyno una sawirno.” Wuxuu ku boorriyay inay mar walba garab istaagaan ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ee halganka adag kula jira argagixisada, iyagoo kor u qaadaya sharafta iyo qiimaha geesiyaasha naftooda u huraya difaaca dalkooda iyo dadkooda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo qaabilay Wasiirro ka tirsan SSC-KHAATUMO
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa shalay xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wasiirro ka socda Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.
Kulanka oo looga arrinsaday dhismaha & tayeynta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Caddaalada Arimaha Diinta iyo Dastuurka SSC General Abdi Xasan Maxamed(Xijar), Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka SSC Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dib-u-dhiska SSC Mudane Abdiqaadir Cabdi Warsame.
Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo shir heer sare ah kula qaatay Muqdisho Safiirka Turkiye ee Soomaaliya
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa shir heer sare ah kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, si loo xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah.
Kulankooda ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ku aaddan maareynta kalluumeysiga waara, horumarinta kalluunka beerashada, dhisidda awoodda shaqaalaha, iyo maalgashiga khayraadka badda ee Soomaaliya. Labaduba waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda isdhaafsiga farsamada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga la dagaalanka kalluumeysiga sharci darrada ah.
Wasiir Axmed Aadan ayaa soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiye ay siiso qeybta kalluumeysiga Soomaaliya, isagoo sidoo kale tilmaamay fursadaha ay maalgashadayaasha Turkiye ku heli karaan warshadeynta kalluunka iyo horumarinta xeebaha. Safiir Aktaş ayaa dib u xaqiijiyay diyaar garowga dowladda Turkiye ee ku aaddan xoojinta iskaashiga, ka faa’iidaysiga khibradda, iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dhinaca dhaqaalaha buluugga ah.
Kulanku wuxuu kusoo gabagaboobay heshiis wadajir ah oo lagu xoojinayo mashaariic la taaban karo oo labada dal ka faa’iidi doonaan, si loo hubiyo isticmaalka khayraadka iyo horumar dhaqaale oo muddo dheer socon doona.
Wafdi ka socda Soomaaliya oo Kenya uga qaybgalaya shirka IATA
Wafdi heer sare ah oo ka socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Gaadiidka & Duulista Hawada XFS mudane Maxamed Faarax Nuux isla markaana uu qeyb ka yahay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Aaxmed Macalin Xasan ayaa magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya uga qeyb-galay shir uu soo agaasimay Ururka Caalamiga ah e Gaadiidka Hawada ee loo yaqaano International Air Transport Association (IATA), shirkan ayaa looga hadlayay hormarinta kaabayasha Duulista Rayidka iyo is-waafajinta siyaasadaha Duulista iyadoo la raacayo hababka ugu wanaagsan ee caalamiga.
Shirkan ayaa waxaa isugu yimid Hogaanka Duulista Rayidka Caalamka, Shirkaddaha Diyaaradaha iyo Hay’addaha Garoomada Maamula iyadoo diirada la saaray horumarinta addeegyada Duulista Rayidka.
Wafdiga Soomaaliya ayaa shir doceedyo la qaatay Madaxdii kasoo qeyb-gashay shirka; waxayna kulamo mira-dhal ah laa qaateen Wasiirka Gaadiidka iyo Kaaba-yaasha ee Dalka Kenya Md. Davis Chirchir iyadoo kulanka diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga Gobolka ee Duulista Rayidka iyo horumarinta isku-xirnaanshaha Gaadiidka labada dal ee Dariska ah.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee horumarinta Duulista Rayidka, hubinta iyo ilaalinta shuruucda Duulista Rayidka ee heer Caalami iyo dhiirigelinta kobaca dhaqaale ee ku saleeysan Gaadiidka Hawada.
Ka qeybgalka wafdiga Soomaaliya ee shirkan heer Caalami ah waxay muujineeysaa dadaalada Soomaaliya ay ku bixineeyso casriyeenta Duulista Hawada iyo xiriirka iskaashi ay la leedahay Caalamka intiisa kale.
Wasaaradda arrimaha dibadda oo Muqdisho ku soo gabangabaysay wadatashi ku aadan bad-qabka deegaanka
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda FS oo kaashanaysa ururka isbaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa shalay magaalada muqdisho ku soo gabagabaysay shir socday labo maalmood oo looga hadlayay Istaraatiijiyada Gobolka ee Biotechnology, Biosafety iyo Biosecurity ee Ururka Iskaashiga Bariga Afrika (EAC).
Kulankan ayaa Lagala tashanayay hay’adaha dowladda u qabilsan arrimaha la xariira badqabka Deegaanka iyo Binaadamka. Munaasabadda ayaa iskugu yimid, mas’uuliyiin ka socda dowladda, khuburo, iyo daneeyayaal si ay uga wada hadlaan sida Soomaaliya ay uga faa’iideysan karto biotechnology si loo xoojiyo koritaanka dhaqaale, iyadoo sidoo kale la hubinayo badbaadada caafimaadka bulshada iyo deegaanka. Kulanka la-tashiga ayaa xooga saaray muhiimadda ay leedahay isku xidhka siyaasadaha Soomaaliya ee beeraha, Biotechnology, iyo Biosafety iyadoo lala jaanqaadayo qorshayaasha goboleed si loo dhiirrigeliyo horumarka waara ee Bariga Afrika.
Mawduuca ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ahaa baahida loo qabo in biotechnology loo adeegsado si loo kordhiyo wax-soosaarka beeraha, loo hagaajiyo amniga cuntooyinka, loona taageero caafimaadka bulshada. Khuburadu waxay ka wada hadleen doorka biotechnology ee abuuri kara dalagyo ka-hortagga cudurrada iyo hagaajinta caafimaadka xoolaha. Sidoo kale, waxaa la muujiyay baahida loo qabo in la sameeyo xeerar adag oo baadbaado ah iyo qaab-dhismeedyo Amni si ammaan ah loo maareeyo isticmaalka cilmi-baarista ku saleysan wax-soosaarka noolaha (GMOs) iyo codsiyada biotechnology. Waxaa sidoo kale la adkeeyay muhiimadda ka-qaybgalka bulshada iyo ka qaybgalka go’aan qaadashada si loo dhiso kalsoonida iyo aqoonsiga faa’iidooyinka hal-abuurnimada biotechnological.
Mustaqbalka, ka qaybgalayaashu waxay ka go’naayeen dhameystirka istaraatiijiyadda gobolka ee biotechnology, kor u qaadista wacyigelinta dadweynaha, iyo xoojinta awooda hay’adaha ee biotechnology, biosafety, iyo biosecurity. Kulanka ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga goboleed ee hoos yimaada EAC, iyadoo Soomaaliya si firfircoon uga shaqeyneysa isku xidhka siyaasadaha biotechnology iyo xoojinta awoodda cilmi-baarista. Doodaha kulankan ayaa bixiyay waddo cad oo Soomaaliya ku noqon karto ciyaaryahan muhiim u ah dadaallada goboleedka ee horumarinta beeraha waara, hal-abuurka biotechnology, iyo biosecurity gudaha Ururka Iskaashiga Bariga Afrika.
Soomaaliya iyo Nigeria oo iska kaashanaya dhowrista xogta
Hay’adda Dhowrista Xogta dadwaynaha Soomaaliya (DPA) iyo Guddiga Ilaalinta Xogta Nigeria (NDPC) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan arrimaha ilaalinta xogta iyo asturnaanta dijitaalka ah.
Heshiiskan oo lagu saxiixay magaalada Abuja, waxa uu xoogga saarayaa wadashaqeyn rasmi ah oo u dhexeeya labada hay’adood, si ay isaga kaashadaan horumarinta nidaamka dhowrista xogta, kor u qaadidda wacyigelinta, iyo tayeynta awoodda hay’adaha u xilsaaran arrimaha xogta ee labada dal.
Maareeyaha Guud ee DPA, Mudane Maxamed Nuur Cali iyo Agaasimaha Guddiga Ilaalinta Xogta Nigeria (NDPC), Dr. Vincent Olatunji ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska is afgaradka ah oo sare u qaadaya iskaashiga gobolka iyo sidii loo heli lahaa hab-raacyo wadajir ah oo wax looga qaban karo caqabadaha la xiriira xog-ilaalinta iyo asturnaanta.
Wadashaqaynta laba dhinac ayaa sidoo kale dhiiragalinaya in la furo waddooyin rasmi ah oo lagu qaban doono tababaro iyo aqoon-isweydaarsi si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha si loo horumarinayo dadaalada wadajirka ah ee la dagaalanka xadgudubyada xogta, korna loogu qaadayo ilaalinta xogta gaarka ah ee muwaadiniinta.
Maareeyaha Guud ee DPA, Mudane Maxamed Nuur Cali, oo ka hadlay madasha saxiixa is-afgaradka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha ilaalinta xogta ee Afrika ay yeeshaan wada shaqayn muuqata, si loo xoojiyo nidaamyada sharci, farsamo iyo wacyigelin ee ilaalinta xogta.
Boqolaal xujay Soomaaliyeed ah oo isugu tagay Rawdada Barakeysan ee Masjidka Nabiga
Ku dhawaad 700 oo xujey ah ayaa daraad tagay Rawdada barakeysan ee ku taalla Masjidka Nabiga (sallallaahu calayhi wasallaam) ee magaalada Madiina, halkaas oo iyaga oo nidaamsan ay ka bilaabeen salaada iyo cibaada kale ee alle.
Xujayda gaartay Masjidka Nabiga ayaa loo sharaxay muhiimada goobaha barakeysan ee ku dhexyaalla Rawdada, sida: guriga Rasuulka (sallallaahu calayhi wasallaam), qabrigiisa shariifka ah, mihrabka, iyo mimbar-ka uu khudbadaha ka jeedin jiray.
Ugu dambeyntii xujeyda waxaa loo gudbiyey inay soo salaamaan qabrigiisa Nabiga iyo labada Khaliif ee uu saaxiibka la ahaa Abuu Bakar iyo Cumar (Radiyallahu canhum).
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay inay hubka dhigaan Kooxda PKK ee dagaalka kula jirtay Dowladda Turkiga
Wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ayaa soo dhaweysay go'aankii ay ku dhawaaqeen Kooxda PKK ee ahaa inay hubka dhigayaan, isla markaana hishiis lagaareen Dawladda Turkiga oo muddo ay dagaal kula jireen ilaa looga aqoonsaday inay yihiin Koox Argagexiso.
"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa warka kasoo baxay Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ee ku saabsan go’aankooda ah in ay kala diraan, hubka dhigaan, isla markaana joojiyaan falalkooda hubeysan." ayaa lahu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaalia.
Wasaaradda ayaa ku tilmaamtay in Tallaabadan geesinimada leh loo arki karo inay tahay dadaal muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda, laguna adkaynayo xasilloonida qaranka, sidoo kalana lagu hormarinayo horumarka Turkiga iyo guud ahaan gobolka.
"Somalia waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan dhammaan dadaallada mudnaanta siiya wadahadal nabadeed, xoojinta midnimada qaran ee shacabka Turkiga, iyo ka qayb qaadashada horumarka xasilloonida goboleed." ayaa lagu yiri qoraalka wasaradda.
Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa Isniintii ku dhawaaqay in la kala diray, isla markaana hub ka dhigis lagu sameeyay, iyagoo ka jawaabaya baaq ka soo yeeray hogaamiyaha taariikhiga ah ee xisbiga, Abdullah Ocalan, oo 26 sano ku xirnaa dalka Turkiga.
Turkiga ayaa si rasmi ah u bogaadiyay tallaabadan, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan uu ku tilmaamay ku dhawaaqista PKK inay hubka dhigeen "mid taariikhi ah oo dhiirigelin leh." Dhanka kale, af hayeenka xisbiga cadaaladda iyo horumarka (AKP) Omer Celik ayaa go’aankan u arkay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday "Turkiga ka xorta ah argagixisanimada,” isagoo sheegay in dhamaadka rabshadaha ay keeni doonto waa cusub.
Dowladda Soomaaliya oo ka shaqeynaysa in lasoo qabto dadka la shaqeeya Magafayaasha Libya
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qaadayso tallaabooyin lagu soo qabanayo dadka Soomaaliyeed ee la shaqeeya kooxaha Magafayaasha ah, kuwaas oo ka qayb qaata tahriibinta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku wareejintooda kooxaha magafayaasha.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa iskaashi caalami ah, ay diyaarisay hab sahlaya in la helo, oo lasoo qabto, laguna soo celiyo dalka dadkaasi, si maxkamadooda looga dhigo gudaha Soomaaliya.
"Waxaa noo fududaanaysa in dadkeenna Soomaaliyeed ee ku sugan Suudaan, Libya, Algeria iyo Morocco oo dambiyo ka geystay Soomaaliya aan dalka kusoo celinno, iyadoo la adeegsanayo habraacyo sharciyeed oo fududaynaya xog uruurinta iyo caddeyntooda," ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.
Sidoo kale, Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda si rasmi ah ugu biirtay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka dambiyada abaabulan ee caalamiga ah, taas oo ka dhigan in dowladda Soomaaliya ay heli doonto taageero iyo iskaashi caalami ah si loo soo qabto dambiilayaasha ku dhuumaaleysanaya dibadda.
Hadalka xeer ilaaliyaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo uu aad u kordhay tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed oo naftooda ku biimaynaya sidii ay nolol ka wanaagsan dalkooda uga heli lahaayeen qurbaha.
Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku geeriyooday iyagoo doonayay inay ka gudbaan badda Mediterranean si ay u gaaraan Yurub. Sido kale kuwa badan ayaa lagu xiray xabsiyada Libya iyo Aljeeriya, kuwaas oo loo haysto madax furasho.
Booliska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay Koox dilal iyo dhac ka geystay magaalada Muqdisho
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo shalay shir jaraa’id ah ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Koox dambiilayaal ah oo horey maxkamado u xukuntay balse heshiis Bulsho lagu sii daayay ay dib u bilaabeen falal amaanka liddi ku ah sida dilka iyo boobka shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in dhacdooyinka noocaasi oo kale ay shalay salaadii subax kadib ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay gacanta kusoo dhigeen seddex eedeeysane oo Moobilo iyo hanti kale kasoo dhacay Bulshada Soomaaliyed ay gacanta kuso dhigeen iyago saqransan oo waliba isku dagaalay qeybsiga wixii ay kasoo dhaceen Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Isla degmada Xamar Jajab 9kii Bishaan, waxa uu Afhayeenka sheegay in eeedeysanayaal iyo ruux dil ka geeystay ay gacanta kusoo dhigeen kuwaasi oo dhowaan ay horgeen doonaan cadaaladda waxaana lagu hayaa xabsiyada Booliska ay maamulaan.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa shirkiisii jaraaid ku faah faahiyay dil ka dhacay daraad degmada Hodan ee qeybta Waliyow Cadde oo uu tilmaamay inuu ka dhacay dil si arxan darro ah loogu dilay Gaashanle Sare Marxuum Cabduqaadir Xuseen Cigaal oo loo qabtay shan eedeysane oo 100% lagu tuhmaayo inay ka dambeeyeen dilka marxuumkaasi oo xitaa meydkiisa la gubay si loo tirtiro cadeeymaha falka dilka.
Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilka marxuum Feysal Cabdullahi Takar iyo laba qof oo iyagu gacan ka geestay dilka marxuumkaasi sida uu sheegay afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan.
Ugu dambeeyn waxa uu shacabka ugu baaqay in si ammaan loo helo in qofkii dil ka geeysta magaalada Muqdisho loo daayo xeerarka cadaalada iyadoo laga fogaanayo hanti ka dhiibida iyo damiin in lagu sii daayo gacan ku dhiiglaha, waxaana uu xusay in boqolkiiba todobaatan kuwa dilalka ka geesta magaalada ay yihiin kuwa horey xabsi u soo maray oo diyo laga dhiibay laguna sii daayay xeerarka bulsho ay shacabka dhigteen.
Wasiirka warfaafinta Puntland: Waxaan soo iibsanay diyaarado wax duqeeya iyo kuwo loogu talagalay gargaarka degdegga ah
Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in maamulkoodu uu iibsaday diyaarado dagaal.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaligda ee BBC, ayaa xaqiijiyay in warkaasi yahay mid sax ah.
Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay isugu jiraan kuwo dagaal iyo kuwo ambalaas ah, isagoo xusay inay qayb ka yihiin dadaallada maamulka ee lagu xoojinayo awoodda ciidamada Puntland.
"Waxaa la keenay diyaarado dagaal, kuwa wax duqeeya, iyo sidoo kale helikabtaro loogu talagalay gargaarka degdegga ah," ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu wasiirka warfaafintu sheegay, in Puntland ay leedahay awood dhaqaale oo ay ku iibsan karto diyaarado, isla markaana aysan cid kale kala tashan arrintaas.
Si kastaba ha ahaatee, wasiirku ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee diyaaradaha lasoo iibiyay, balse wuxuu xusay in hawlaha diyaaradahaasi ay qayb ka yihiin howlgal ballaaran oo ka dhan ah ururka ISIS, kaasoo uu sheegay inuu socday tan iyo bishii January ee sanadkan.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafintu wuxuu caddeeyay in Puntland ay hawlgalladaasi qaaday iskeed, iyadoo aan helin taageero gudaha ah.
Wuxuu sheegay inay jirto taageero caalami ah oo ay ka mid yihiin dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kuwaasoo ka caawiyay Puntland dagaalka ay kula jirto ururka Daacish.
Madaxweynaha Mareykanka oo Riyaadh kula kulmay dhiggiisa dalka Suuriya
Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mudane Donald Trump ayaa magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay dhiggiisa dalka Suuriya, Axmed Sharac, kuwaas oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.
Kulanka labada Madaxweyne waxaa goobjoog ka ahaa dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, halka uu Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan uu habka foggaan-arag ah kulanka uga qeybgalay.
Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mudane Donald J. Trump ayaa daraad ku dhawaaqay in Suuriya uu ka qaaday cunaqabateyntii la saaray xiligii Madaxweynahii hore ee dalkaasi Bishaar Al-asad, taas oo culeys badan ku haysay dowladda cusub ee Madaxweyne Axmed Sharac.
Ka qaadista cunaqabateyntan ayaa albaabo badan oo maalgashi ah u fureyso dowladda cusub ee dalka Suuriya, iyadoo dowladda Qatar horay u sheegtay inay bixineyso miisaaniyadda Dowladda cusub ee Madaxweyne Axmed Sharac taas oo muhiim u ah horumarka dowladnimada dalkaasi.
Maraykanka oo laga yaabo inay waqti dheer ku qaadato soo celinta maalgelinta howlgalka AUSSOM
Maraykanka ayaa laga yaabaa inuu waqti dheer ku qaato go’aanka uu dib ugu bilaabayo maalgelinta howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kadib kulan ay yeesheen Guddiga Xiriirka Dibadda ee Aqalka Senate-ka ee u qaabilsan Bariga Afrika iyo Geeska Afrika.
Kulankan oo diiradda lagu saarayay isbeddelada siyaasadeed iyo ciidamada shisheeye ee ka hawlgala Geeska Afrika, ayaa walaac looga muujiyay dalal uu Turkigu kamid yahay oo saamayn xooggan ku leh arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Maraykanka ayaa hore u sheegay in Soomaaliya aysan ku habboonayn qaabka maalgelinta ee loo yaqaan '2719 framework ee uu Golaha Amamanku meel mariyay, kaas oo dad badan u arkaan midka ugu haboon howlgalka. Maraykanku ku baaqay in la eego habab cusub oo dhaqaale uruurin ah.
Warar dambe ayaa sheegaya in madaxda Midowga Afrika ay qorsheynayan safar ay ku tagaan Washington si ay wadahadallo ula yeeshaan maamulka Maraykanka iyo deeq-bixiyeyaasha kale, kadib markii la baajiyay shir deeq-bixiyeyaasha ah oo lagu waday inuu bishii hore ka dhaco magaalada Doha ee dalka Qatar.
Waxaa weli mugdi ku jira in arrintan laga hadli doono intii uu socdo booqashada Madaxwene Donald Trump uu todobadkan ku tegayo Qatar.
OCHA oo ka digtay roobab kale oo lixaad leh oo ka da'a Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya
Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaa lagu sheegay in dad ka badan 84,000 qof ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay roobabkii ka curtay Bishii April ee lasoo dhaafay Soomaaliya, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 17 qof.
Warbixin uu daabacay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in khubarada saadaasha hawada ka digeen suurtagalnimada roobab kale oo maalmaha soo socda ka da’a koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ugu wacan tahay isbadalka dhinaca cimilada.
Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in daadadka ka dhashay roobab xilliyeed oo lixaad leh ay ku dhinteen 17 qof ayna saameeyeen in ka badan 84,000 oo kusugan gobolada Soomaaliya meelo badan oo kamid ah tan iyo bartamihii bishii April.
Daadadkan ayaa imaanaya xilli hay'adaha samafalka ee aan dawliga ahayn oo inta badan ka mid ah kuwa ugu horreeya ee ka jawaaba masiibooyinka ay soo food saartay dhaqaale yari taasoo caqabad ku ah awooddooda wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah, sida ay sheegtay OCHA.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2023 waxaa soo gaarey daadad waaweyn, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, in ka badan hal milyan oo qof ay ku barokaceen, taas oo ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo lala xiriiriyey El Niño.
Shacab lagu laayay Marinka Gaza
Tobanaan qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqaymo ay shalay diyaaradaha dagaalka Israel ka gaysteen xerada qaxootiga Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay beegsadeen dhismayaal ay degan yihiin dad rayid ah, una badan dad horey looga soo barakaciyay guryahooda.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 53 qof ay ku dhinteen duqaymahaasi, kuwaas oo ay ku jiraan dumar iyo carruur.
Maamulka Isbitaalka Indonesian ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa sheegay in 22 ka mid ah dhibaneyaasha ay yihiin carruur.
Militariga Israel ayaan weli ka hadlin duqayntan ay dadka faraha badan ku dhinteen, waxayse Talaadadii habeen hore ay soo saareen awaamiir lagu barakacinayo shacabka.
Tiro kale oo dad rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay Arbacadan Ciidanka Cirka Israel ku qaadeen xerada dadka barakacayaasha ay degan yihiin ee Al-Nahda ee waqooyiga Gaza.
Mohammad Al Dreiny oo ka mid ah dadka ku nool xeradaasi ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay duqeeyeen teendho, taasoo keentay in tiro dad ah ay shahiidaan, kuwa kalena ay dhaawacmaan.
"Carruur kubad ku ciyaareysay meesha ayaa ka mid ah dadka la dilay.” Ayuu yiri Mohammad Al Dreiny.
Dhanka kale diyaaradaha dagaalka Israel ayaa shalay lix gantaal ku garaacay agagaarka Isbitaalka European oo ku yaala nawaaxiga deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, saacado uun ka dib weerar ay dad badani ku dhinteen oo isbitaalkaasi ay ka gaysteen.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in mid ka mid ah gantaalada lala beegsaday cagaf-cagaf ka shaqeynayay, sidii loo nadiifin lahaa burburka barxadda isbitaalka.
Duqayntii habeen hore ayaa lagu dilay ugu yaraan 28 qof. Adeeggii caafimaadka ee isbitaalka uu bixinayay ayuu gaabis ku yimid, waxaana xusid mudan in bukaanadu aysan si caadi ah u geli karin dhismaha isbitaalka, gaadiidka gurmadkana aysan ka bixi karin isbitaalkaasi.
Militariga Israel ayaa sheegay in habeen hore ay bartilmaameedsadeen xarun talis ah, oo sida ay sheegeen ay Xamaas ku leedahay dhulka hoose ee isbitaalkaasi, iyaga oo aan soo bandhigin wax caddeyn ah.
Isla habeen hore, Militariga Israel ayaa sheegay in ay weerar qorsheysan ku qaadeen Isbitaalka Nasser oo sidoo kale ku yaala Khan Yunis, halkaas oo ay ku dileen laba qof oo uu ku jiro Wariye Falastiini ah oo lagu magacaabayay Hassan Eslaih.
Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa xaqiijiyay dilka Eslaih, kaas oo ay sheegeen in la dilay, isagoo lagu daweynayay isbitaalkaasi, ka dib dhaawac daran oo 7-dii bishii April ka soo gaaray weerar ay Israel ku qaadday teendho ay leeyihiin Wariyeyaasha oo ku dhegan isbitaalkaasi.
Dhakhaatiirka Gaza ayaa sheegay in tan iyo waaberigii shalay ay Ciidamada Israel dileen 84 qof oo shacab ah, isla-markaana ay ku dileen meelo kala duwan oo Gaza ah.
Israel ayaa kordhisay weeraradeeda aan kala sooca lahayn ee Gaza, iyadoo Mareykanku uu ka shaqeynayo wada hadalo ay tahay in lagu soo afjaro colaadda Gaza.
Israel oo weerar kale kala kulantay Xuuthiyiinta Yemen
Xoogaga Xuuthiyiinta ee dalka Yemen ayaa gantaalkii saddexaad oo nooca ballaastikada ah ku weeraray bartamaha Israel, wax ka yar 24 saacadood.
Weerarkan ugu dambeeyay ayaa seeriga digniinaha ka kiciyay magaalooyin ay ka mid tahay magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv, iyadoo mallaayiin Israeliyiin ah ay khasab ku noqotay in ay gabaad raadsadaan.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa Arbacadan sheegay in ay si sax ah u beegsadeen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.
"Ciidamada Yemen ayaa gantaal ballaastik ah si guul leh ugu garaacay Garoonka Ben Gurion.” Ayuu yiri Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta.
Afhayeenka ayaa Warbaahinta la wadaagay in weerarku uu qayb ka yahay tallaabooyinka ay Yemen kaga jawaabeyso xasuuqa baahsan ee Israel ka waddo Marinka Gaza.
General Yahya Saree ayaa wacad ku maray in aanay culeyska ka qafiifin doonin Israel, illaa iyo inta ay ka joojineyso xasuuqeeda Gaza, kana qaadeyso go’doominta ay ku hayso.
Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, Ciidamada Israel ayaa Gaza ku dilay 52,928 qof, halka 119,846 kalena ay dhaawaceen, waxaana jira illaa toban kun oo kale oo nolol geeri aan midna lagu hayn, balse la tuhunsan yahay in ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.
Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inaanay marnaba ka tanaasuli doonin mowqifkooda ay garab istaaga ugu muujinayaan shacabka Falastiin.
Dhanka kale shacabka Israel ayaa waxay ka cabanayaan kororka weerarada gantaalada Xuuthiyiinta, iyagoona sheegaya in xitaa ay ka shaqeysan la’yihiin.
Gantaalahan guuxooda ka dheereeya ee Hypersonic ayaa baqdin iyo qalqal joogta ah ku haya Israeliyiinta, iyagoona ka walaacsan in mararka qaarkood uu gantaalku ka fara baxsanayo gantaalada Israel ee u diyaarsan inay ka hortaggaan gantaalada kale.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa shalay sheegay in Xuuthiyiinta ay gaysanayaan dembi dagaal, ka dib markii uu ku eedeeyay in ay beegsanayaan dadka rayidka ah.
"Mallaayiin Israeliyiin ah ayaa hadda u cararaya hoy ay gabaadsadaan, tanina waxay ku dhaceysaa iyadoo dhammaan carruurtu ay aadayaan dugsiyo ama xanaanooyin. Tani waa nolol maalmeedka weeraradan, waxaana aaminsanahay in tani ay tahay dambi dagaal, sababtoo ah waxay beegsanayaan rayidka.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel oo ka hadlayay shir jaraa’id oo shalay uu ku qabtay Magaalada Tokyo oo booqasho uu ku joogo.
"Ma aqbali karno khataraha joogtada ah ee amnigeenna.” Ayuu yiri Wasiirka oo Iran ku eedeeyay in ay iyadu gadaal ka taagan tahay werarada ay Xuthiyiintu gaysanayan.
Xuuthiyiinta Yemen ayaa lagu tilmaamaa ururka militari ee aan dowliga ahayn ee shalay ugu tunka roon Gobolka Bariga Dhexe.
Xoogaga Yemen oo gantaal Hypersonic ah ku weeraray Israel
Militariga Israel ayaa sheegay in dhawaqa seeriga digniinaha ee habeen hore fiidkii laga maqlay bartamaha Israel uu ka dambeeyay, ka dib gantaal ballaastik oo ay sheegeen in lagaga soo tuuray dalka Yemen.
Seeriga ayaa si weyn looga maqlay magaalooyin ay ka mid tahay Tel Aviv, waxaana la arkayay dadka oo ku yacaalaha meelaha ay gabaadka ka dhigan karaan iyo kuwa kale oo fariistay, isla-markaana seexday sagxadda waddooyinkii ay marayeen.
Seeriga ayaa ah nooc digniin oo dadka loogu sheegayo in uu jiro weerar xagga cirka ah, si ay gabaad u raadsadaan, inta ay xaaladda dhinac u dhaceyso.
Militariga Israel ayaa war ay soo saareen ku sheegay gantaalka oo ka soo dhacay jihada Yemen in si toos ah loogu soo weeraray gudaha Israel, balse nidaamkooda difaaca hawada uu qabtay, xilli uu soo galay hawada Israel.
Adeegga Ambalaasyada Israel ee Magen David Adom ayaa sheegay in ay qaadeen laba qof, oo sida ay sheegeen dhaawacmay, intii ay gabaadka raadsanayeen.
Warbaahinta maxaliga ayaa Saraakiisha Wasaaradda Difaaca ee Israel ka soo xigatay in daqiiqado ka dib uu gantaal labaad ku dhacay meel aad uga fog dhulka Israel. Saraakiishan ayaa sheegay in sababta aan mar labaad seeriga looga maqlin gudaha Israel ay tahay, iyadoo gantaalkaasi looga hortegay meel ka baxsan Israel, isla-markaana aanay muuqan wax khatar ah oo amniga Israel uu ku ahaa.
Ururka Xuuthiyiinta ayaa sheegay in gantaal Hypersonic ah ay ku weerareen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv. Gantaalkan ayaa ah kuwa guuxooda ka dheereeya.
General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa sheegay in Garoonka Ben Gurion uu weli u xiran yahay Yemen, uuna ku celinayo in cid tagi kartaa aanay jirin.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan go’doominta ay ku hayaan Israel, inta Israel ay xasuuqeyso dadka reer Gaza, go’doomintana ay ku hayso.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 15-5-25
........