Madaxweynaha Mareykanka oo Riyaadh kula kulmay dhiggiisa dalka Suuriya

0
Wednesday May 14, 2025 - 20:59:29 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Mareykanka oo Riyaadh kula kulmay dhiggiisa dalka Suuriya

    Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mudane Donald Trump ayaa magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay dhiggiisa dalka Suuriya, Axmed Sharac, kuwaas oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal. Kulanka labada Madaxweyne waxaa g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mudane Donald Trump ayaa magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay dhiggiisa dalka Suuriya, Axmed Sharac, kuwaas oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal. Kulanka labada Madaxweyne waxaa goobjoog ka ahaa dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, halka uu Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan uu habka foggaan-arag ah kulanka uga qeybgalay. Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mudane Donald J. Trump ayaa shalay ku dhawaaqay in Suuriya uu ka qaaday cunaqabateyntii la saaray xiligii Madaxweynahii hore ee dalkaasi Bishaar Al-asad, taas oo culeys badan ku haysay dowladda cusub ee Madaxweyne Axmed Sharac. Ka qaadista cunaqabateyntan ayaa albaabo badan oo maalgashi ah u fureyso dowladda cusub ee dalka Suuriya, iyadoo dowladda Qatar horay u sheegtay inay bixineyso miisaaniyadda Dowladda cusub ee Madaxweyne Axmed Sharac taas oo muhiim u ah horumarka dowladnimada dalkaasi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip