
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 11-5-25
Madaxweynaha JFS oo qaabilay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo
Hoggaamiyaha Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa booqasho shaqo ugu tagay Madaxweynaha JFS Mud. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Hoggaamiyaha ayaa Madaxweynaha dalka uga warbixiyey xaalada hormarined, nabadeed iyo dawlad-dhis ee Dawlad Goboleeedka SSC-Khaatumo.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale Madaxweynaha JFS uga mahadceliyey casuumaddii shirka Golaha Wadashiga Qaran, isgarab-taaga dhismaha Dawladni-mada SSC-Khatumo io dadalada xukumda JFS ee ku aaddan ilaalinta midnimada dalka.
Duqa Muqdisho oo amray in shirkadihii dhisay Wadddooyinkii Roobka burburiyeen inay dib u dhisaan
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay inay wadaan gargaar gaarsiinta dadka ku waxyeeloobay dhibaatadii ka dhalatay roobkii mudada sacadaha ka da'ayay magalada Muqdisho.
Roobkii habeen hore ee sababay inay waddooyin badan oo dhowaan la dhisay ay ku burburen ayuu Duqa magaalada Muqdisho waxa uu ku amray shirkadihii horey u dhisay waddooyinkaasi inay dib u dhisaan waliba kuwa tayo badan.
Waxa uu Guddoomiye Amiir uu xusay in goor dhow ay warbixin kasoo saari doonaan Maamulkiisa xaaladda degdeg ah e ka dhalatay Robabka ka da’ay Casimada.
"Roobabka mahiigaanka ah ee Xamar iyo agagaarkeeda ka da’ay waxaan xaaladaha ka dhashay ka qaadnay tallaabo kasta oo suuragal ah, Waxaana goordhow soo saari doonnaa warbixin la xariirta saameynta Roobka, sidoo kale gargaar deg deg ayaan gaarsiin doonaa dadkii ku waxyeellobay Roobka iyo daadadka ka dhashay” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.
Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa intaas ku sii daray in Dowladda Hoose ay wali howl adag ay ka wado maareynta saameynta roobka ka dhashay, waxaana uu xusay in Maamulkiisa diyaariyay Matoorro tuura biyaha iyo Booyado ka dhuuqa meelaha ay biyuhu fadhiisteen.
Dhinaca kale Tirada dadkii ku dhintay roobab saacado badan ka da'aayay magaalada Muqdisho ayaa korortay waxaana ay gaareen ilaa lix Qof sida aan kasoo xiganay maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Lixda Qof ayaa la sheegay inay iskugu jiraan kuwa biyaha qaadeen iyo kuwa Guryaha kula dumay intii roobka socday, waxaana ugu dambeeyay wiil 12 jir ah oo biyaha ay soo qaadeen oo meydkiisa laga soo saaray isgooyska Soobe oo biyuhu meel tog ah ay ka sameeysteen.
Degmada Xamar Jajab waxaa laga soo wariyay dhimashada laba Qof, Degmada Hodan 2 Qof, Degmada Warta Nabadda 1 Qof iyo Degmada Wadajir oo 1 Qof ah.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kulan la qaatay Safiirka Maraykanka ee Soomaliya.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xukuumadda Faderalka Soomaliya, Mudane. Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Riley.
Labada dhinac Waxay kulankaasi uga wada hadleen sii ambaqaadidda iskaashiga ku saabsan arrimaha duulista rayidka, Nidaamka PISCES, iyo ilaalinta Amniga Hawda Dalka iyo Garoomada.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa dawlada Maraykanka uga mahad celiyey tageerada Dawlad dhiska Soomaliya, gaar ahaan mashaariicda hortabinta u leh Dalkeenna Soomaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abdisalan Cabdi Cali, ayaa shalay oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaarada ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wang Yu, oo booqasho sharafeed ugu yimid, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, korna loogu qaadi karo xiriirka diblomaasiyadeed.
Kulanka oo la isku dhaafsaday ereyo soo dhowayn ah, ayaa intii lagu guda-jiray uu Safiirka ugu hambalyeeyay Wasiir Cabdisalaan xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dhowaan loo magacaabay. Wang Yu waxa uu carabaabay taageerrada Shiinaha iyo ifafaalaha uu ka qabo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo is-fahanka ka dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale u saldhigidda iskaashi xooggan oo dhinacyo badan leh.
RW ku-xigeenka labaad ee XFS oo kormeeray goobihii ay Saameyeen Roobabkii Da’ay
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid oo hoggaaminayey guddi heer Qaran iyo heer Gobol isugu jira oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey qaar ka mid ah goobihii ay samenta ku yeeshen roobabkii xooganaa ee habeen hore illaa iyo shalay ka da’ayey caasimadda.
Goobaha ay kormeerka ku tageen guddiga oo ay kamid yihiin Iskool Buluusiya iyo waddada isku xirta garoonka Aaadan Cadde iyo KM4, ayaa waxa ay u kuurgaleen saameynta uu geystay roobka, si looga jawabayo khasaaraha ka dhashay.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan caasimadda, gaar ahaan kuwoodda daggan meelaha u dhow dhow biyo mareennada in ay muujiyaan feejigaan dheeri ah, maadaama la saadaalinayo saacadaha soo foogan in ay di’i karaan roobab kale.
Taliyaha Booliiska oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobab ku da’ay Muqdisho
Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliyed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa habeen hore kormeer howled ku tagay goobo dhowr ah oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa boogaadiyay ciidanka Booliiska oo gurmad bini’aadanimo u sameeyay shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho oo qaarkood ay waxyeello u geysteen daadadkii ay dhaliyeen roobabkii habeen hore.
Mas’uuliyiinta kale ee booqday goobaha ay saameeyeen roobabka waxaa kamid ahaa Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi, Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska.
Roobabkii habeen hore ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana goobaha ugu daran kamid ah wadoyinka ku yaalla Degmoyinka Waaberi, Hodan, Xamar-Jajab, Wadajir, Boondheere, Yaqshid iyo kuwo kale.
Dadkii dhibaatada ka soo gaartay Roobkii ka da’ay caasimadda oo Gurmad la gaarsiinayo
Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray roobabkii xoogganaa ee habeen hore ka da’ay magaalada Muqdisho ee khasaaraha sababay iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen daadadkii ka dhashay roobkii habeen hore.
Sidoo kale masuuliyiintaan ayaa kormeeray waaxda saadaasha hay’adda iyadoo hay’addu ballan-qaaday in ay gurmad deg deg ah gaarsiin doonto dadka dhiibatadu ka soo gaartay roobkii habeen hore caasimadda ka da’ay,
Masuuliyiinta Hay’adda ayaa sidoo kale sheegay in ay soo saari doonaan warbixin ku saabsan khasaaraha guud ee roobabkii habeen hore ka dhashay.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 11-5-25
...