
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 10-5-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay janaasada AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaaas Faarax
Madaxwenaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda Janaazadda ku tukaday AUN Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib tacsi gaar ah la wadaagay qoyska iyo qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Ugaasku. "Alle ha u naxariistee, Ugaas Cabdullaaho Ugaas Faarax, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygiisa ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay marxuumku”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeybgalay tukashada Salaadda Janaasada Madaxwaynaha Dowlad Goboleeeka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka.
Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan hordhac u ah shirweynaha isbaddalka cimilada ee ka dhacaya Brazil
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, ayaa soo agaasintay kulan hordhac ah oo lagu diyaarinayo ka qaybgalka Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada ee 30aad (COP30), kaasoo lagu wado inu ka dhaco magaalada Belem ee dalka Brazil sanadkaan 2025.
Kulankaan, oo ay isugu yimaadeen khubaro farsamo oo ka kala socday wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda federaalka, waxaa ujeeddadiisu aheyd sidii loo mideyn lahaa dadaallada diyaar garowga iyo sidii looga wada hadli lahaa qorshayaasha iyo istiraatiijiyadaha lagu horumarinayo ka qaybgalka Soomaaliya ee COP30.
Waxaa sidoo kale looga dooday caqabadihii iyo casharadii laga bartay shirarkii hore,si gaar ahna looga faa’iideysto waayo aragnimadii hore ee laga helay. Waxa kale oo diiradda la saaray sidii loo mideyn lahaa aragtida qaran iyo diyaarinta xogaha farsamo ee loo baahan yahay, si Soomaaliya u yeelato kaalin muuqata oo wax ku ool ah marka la gaaro shirweynaha COP30.
Wasaaraddu waxay ku boorrisay dhammaan hay’adaha la shaqeeya in ay si buuxda uga qayb qaataan diyaar garowga, iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo wadashaqeynta si looga faa’iideysto fursadaha ay shirkaasi u keeni karto dalka, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgelinta, horumarinta waara, iyo la tacaalida isbeddelka cimilada.
Wasiiru Dowlaha Beeraha XFS oo dalka Siri Lanka kula kulmay madax iyo mas’uuliyiin kale
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed oo ka qaybgalaya shirwaynaha ka socda Dalka-Siri Lanka, ayaa shir doceed kula kulmay Raisul Wasaaraha dalkaas Marwo Harini Nireka Amarasuriya.
Kulanka dhinacyadaasi wuxuu wasiiru Dowlaha si kooban uga warramay xaaladda Soomaaliya iyo fursadaha lagu samayn karo iskaashi dhanka beeraha ah ee labada dal.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka waxaa kale oo uu la kulmay Dr. Cabdalla Axmed Almanduus oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Caalamiga ah ee Saadaasha Hawada.
Shirweynaha 4-aad oo looga hadlay arrimaha beeraha iyo qodobbo kale oo khuseeyay dhanka cimilada iyo deegaanka waxaa soo qabanqaabisay hay’adda Nidaamka Digniinta Khatarta ee Gobolka (RIMES).
Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo wafdi ka socday Ingiriiska oo ka wadahadlay qodobbo muhiim ah
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi ayaa la kulmay Danjire Harriet Mathews oo ah Agasimaha Guud ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Afrika iyo Americas.
Kulanka labada dhinac oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Danjiraha Dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo saraakiil kale, waxaa diiradda lagu saaray hawlgallada socda ee ka dhanka ah al-shabaab, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo qorshaha kala-guurka.
Kulankaasi dhexmaray wasirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo wafdiga ay hoggaamineysay madaxa Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Afrika iyo America waxaa kaloo looga hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo la-dagaallanka argagixisada iyo doorka xukuumadda Ingiriisku ka qaadato taageerada Soomaaliya ee xagga amniga iyo horumarinta awoodda ciidamada.
Wasiirka Gaashaandhigga mudane Axmed Fiqi ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay kaalinta firfircoon iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga iyo dib u dhiska hay’adaha dowliga ah.
Wasiirka Kalluumaysiga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka shiinaha
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa shalay xarunta wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyo wafdi uu hoggaa-minayo. Waxaa kulanka qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdi Diirshe.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga dhaqaale — gaar ahaan kan la xiriira kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa bogaadiyay xiriirka iskaashi ee ganacsiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee labada dal, wuxuuna muujiyay sida ay Wasaaradda uga go’an tahay horumarinta fursadaha suuq-geynta kalluunka Soomaaliyeed.
Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Shiinaha ay diyaar u tahay in ay suuqyadeeda waaweyn u furto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hawlan kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, isagoo xusay in badeecadahaas si canshuur-dhaaf ah looga iibin karo gudaha Shiinaha.
Sidoo kale, labada dhinac waxay isla garteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, ayna taageeraan horumarinta ganacsiga kalluumeysiga sharciyeysan iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah ee u dhexeeya labada dal.
Ugu dambeyn, Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u caddeeyay taageeradooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha.
Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (Network of African Data Protection Authorities – NAPDA), ka dib kulankii 8-aad ee Ururka oo lagu qabtay magaalada Abuja ee dalka Nigeria.
Mareeyaha Guud ee Hay’ada Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Maxamed Nuur Colow oo ka qaybgalay shirka ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilalinta xogta shakhsiyed, asturnanta dijitaalka ah iyo ka qaybgalka madasha heer goboled ee arrimaha dhowrista xogta.
Kulanka NAPDA oo ay isugu yimaadeen madaxda hay’adaha dhowrista xogta ee dalal Afrika ayaa si qoto dheer uga dooday xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ah, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo sidii loo horumarin lahaa sharciyo iyo hannaan mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha dijitaalka ah.
Maareeyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda hay’adaha kale ee ka qeybgalayay shirweynaha, isagoo adkeeyay muhiimada iskaashi dhow oo dhex mara Soomaaliya iyo dalalka Afrika si loogu wajahdo caqabadaha wadajirka ah ee xagga xog-ilaalinta.
Wasiirro ka tirsan XFS oo shalay sagootiyay xujeey Soomaliyeed oo ku sii jeeda Dalka Sacuudiga
Wasiirro ka tirsan XFS ayaa shalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku sagootiyay 431 ruux oo doonaya in ay soo gutaam waajibaadka acmaasha xajka ee sanadkaan.
Munaasabadda sagootinta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Sheekh Mukhtaar Robow Cali, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux, Gudiga xamlada xajka iyo masuuliyiin kale.
Tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa gaaraya ilaa 11,500 oo ruux, kuwaas oo shalay ka Kala safraya, garoomada diyaaradaha Hargeysa, Puntland iyo Muqdisho, waxaana howlaha dhoofinta xujeyda ee bilowday ay socon doonaan illaa 31-ka bishan May.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo kaashanaysa guddiga Xamlada iyo Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sucuudiga ayaa ka shaqeyneysa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay si hufan u gutaan waajibaadka xajka.
Soomaaliya iyo Qadar oo ku heshiiyay in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada dalka
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada XFS Mudane Xildhibaan yuusuf Maxamed Aadan oo ku sugan magaalada Doha ee ayaa kullumo miro dhal ah waxay la qaateen madaxda dawladda Qadar gaar ahaan madaxda Wasaaradda shaqada ee Xukuumadda dalkaasi.
Guddi laba dhinac ah oo ka socda Soomaaliya iyo Qadar ayaasi gaar ah uga hadlay nidaamka shaqaalaysiinta iyo hirgelinta heshiiska shaqada oo ay labada dal saxiixeen.
Hishiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Qatar waa mashruuc lagu shaqaaleysiinayo in ka badan 10 kun oo dhallinyaro ah kuwaasi oo iskugu jira dhallinyarada xirfadaha leh iyo kuwa aan xirfadaha lahayn.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxaa ka go’an raadinta fursadaha shaqo abuurka ee dalka dibaddiisa, si ay dhalinyarada Soomaaliyeed u helaan nolol iyo mustaqbal waara.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah ee laga dhaxlay tahriibka qatarta ah ee lagu daabulayo dadka doonaya in ay naftooda ku biimeeyaan safarro dhanka dhulka ah iyo sidoo kale safarro xagga badda ah.
Xeer Ilaaliyaha ayaa xusay in dhallinyaro badan ay naftooda ku waayeen socdaallo aan sharci aheyn oo ay soo abaabulaan kooxaha wax tahriibiya oo aan u naxeyn ama aan u tureyn bulshada,gaar ahaan dhallinyarada.
Xeer Ilaaliyaha waxa uu ka codsaday dhallinyarada in ay gartaan qiimaha ay ku dhex leeyihiin nulshada,isagoo ka dalbaday qeybaha waalidiinta in ay kala shaqeeyaan wax ka qabashada dambiyada la xiriira masaafurinta dadka.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud waxa uu soo jeediyay in cid kasta oo heysa xogaha tahriibka in ay la soo xiriiraan hey’adaha ammaanka,isagoo dhinaca kale ciddii ku lug yeelata ama lagu helo ka shaqeynta falalka tahriibinta ah laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir-guddoomiyay kulan fogaan arag oo uu la qaatay safiirrada, ergooyinka joogtada iyo Qunsulada guud
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abdisalan Cabdi Cali, ayaa shalay oo Khamiis ah shir-guddoomiyay kulan fogaan-arag ah oo uu la qaatay Safiirada, Ergoyinka Joogtada iyo Qunsulada guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia, kaasi oo ujeedkiisu ahaa kor u qaadista isku-duwidda iyo xoojinta wada-shaqeynta diblomasiyaded.
Kulanka intii lagu guda-jiray, ayaa Wasiirku faray madaxda ergooyinka diblomaasiyadeed inay diyaariyaan qorshe howleed sanadle ah oo la jaan-qaadaya Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalka iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka. Waxa uu carabka ku adkeyay muhiimada ay ledahay horumarinta wadashaqaynta Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsulada guud ay la leeyihiin Waaxyaha Wasaaradda, isaga oo ugu baaqay in ergooyinka diblom-asiyaded ay si bille ah iyo seddex biloodle u soo gudbiyaan warbixinno.
Kulanka ayaa sidoo kale lagula taliyay madaxda ergooyinka dibadda sare-u-qaadida matalaada Somalia, dardargelinta adeegyada loo fidiyo dadka iyo xoojinta wax-wadaagga istiraatiijiyaded ee dalalka safaaradaha Soomaaliya ay ku yaallaan.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 10-5-25
.....