Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania

0
Sunday May 11, 2025 - 17:54:30 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania

    Magaalada Arusha ee dalka Tanzania waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka arrimaha Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kaas oo ay isugu yimaadaan agaasimayaasha iyo khubarrada Kastamyada waddamada xubnaha ka ah EAC si ay uga w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Arusha ee dalka Tanzania waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka arrimaha Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kaas oo ay isugu yimaadaan agaasimayaasha iyo khubarrada Kastamyada waddamada xubnaha ka ah EAC si ay uga wada hadlaan arrimaha la xiriira isdhexgalka gobolka, fududeynta ganacsiga, casriyeynta Kastamyada, mideynta habraacyada iyo hirgelinta heshiiska Kastamyada EAC. Shirkan ayaa agaasimayaasha Kastamyada Afrika diiradda ku saareen horumarinta iskaashiga Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, fududeynta ganacsiga iyo hagaajinta habka maareynta gaadiidka xamuulka ah ee isku mara gobolka. Dowladda Soomaaliya waxaa shirka uga qayb galay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Furdooyinka ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Abuukar Sheekh Axmed Mursal oo ay wehliyaan khubarro ka tirsan Furdooyinka Soomaaliya. Wafdiga Soomaaliya ayaa madasha ka jeediyay warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray dib-u-habaynta iyo casriyeynta Furdooyinka Dalka, iyagoo soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojin karo iskaashiga gobolka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip