Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo Tababbar u furay Guddi-hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dowladda

0
Sunday May 11, 2025 - 17:39:16 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo Tababbar u furay Guddi-hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dowladda

    Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa si rasmi ah u daahfuray wajiga labaad ee Tababbarka Guddi-hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dowladda ee ku saabsan Hirgelinta Siyaasadda Darajoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa si rasmi ah u daahfuray wajiga labaad ee Tababbarka Guddi-hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dowladda ee ku saabsan Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda. Intii uu tababbarka furayay, Guddoomiye Xasan Abshirow waxa uu ka hadlay muhiimadda uu tababbarkan u leeyahay hirgelinta nidaam caddaalad ah oo lagu jaangooyo darajooyinka iyo mushaaraadka, kaas oo saldhig u ah tayeynta maamulka shaqaalaha rayidka. Wuxuu si gaar ah ugu dhiirrigeliyay xubnaha guddi-hoosaadyada inay si buuxda u qaataan kaalintooda, kuna shaqeeyaan daacadnimo, dulqaad iyo hufnaan. Guddoomiyuhu waxa uu dardaaran u jeediyay ka qeybgalayaasha, isagoo xusay in xilka loo igmaday uu yahay mid muhiim u ah kobcinta dowladnimo, loogana baahan yahay in ay noqdaan tusaale wanaag leh oo hormuud u ah hirgelinta siyaasadda qaranka ee lagu horumarinayo nidaamka shaqaalaha rayidka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip