halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 30-4-25

0
Wednesday April 30, 2025 - 07:58:32 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 30-4-25

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee xukuumadda oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee cusub, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii Labaad ee hore Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh dowladda, isla markaana Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka cusub looga baahan yahay in uu xoogga saaro qorsheyaasha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Mushaaraadka Shaqaalaha dowladda, dib-u xoreynta goobahay ay argagixisadu ku harsan yihiin iyo garab istaagga ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenkii labaad ee hore, shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu qabtay, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab ah, iyo abaabulka bulshada ee ku aaddan garab istaagga ciidamada geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira argagixisada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo go’aan cusub ka soo saaray kursiga Hop 201

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo dibna uu golaha ugu soo celiyo.

Wasiirka warfaafinta oo kulan la yeshay wakiilka UNESCO ee Bariga Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) Marwo Louise Haxthausen.

Wasiirka ayaa Wakiilka UNESCO ee Bariga Afrika uga mahad celiyay wadashaqeynta hay’adda iyo Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay mid qoto dheer oo waqti badan soo socday.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay muhimad gaar ah siineyso iskaashi ay kala yeelato UNESCO dhanka casriyeynta keydka baaxadda weyn leh ee Radio Muqdisho oo muddo ka badan 70 sanno ah lagu uruuriyay agab waxtar u leh taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliya, loona baahan yahay in laga dhigo mid casri ah ama loo riyo adeegga digitalka ah.

Wasiirka iyo Wakiilka UNESCO ee Bariga ayaa sidoo kale ka wadahadley xoojinta barnaamijyada dhaqanka ee sahlaya in shaqo abuur looga sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo in dhaqanku uu fure u noqdo kaabeyaasha loo adeegsan karo dib u heshiisiinta iyo is-dhexgalka bulshada.

Wakiilka Hay’adda UNESCO ee Bariga Afrika, Marwo Louise Haxthausen ayaa dhankeeda ka mahad celisay soo dhoweynta loogu fidiyay Wasaaradda Warfaafinta, waxayna bogaadisay bogaadisay dadaallada ay DFS ugu jirto in keydka Radio Muqdisho loo casriyeeyo, tallaabadaas oo ay ku tilmaantey mid micno weyn u leh Soomaaliya dhanka kaydinta taariikhda iyo dhaqanka, iyadoo isla markaa intaa raacisay in UNESCO arintaasi gacan weynka geysan doonto.

Wasiirka iyo Wakiilka UNESCO sidoo kale kormeeray Keydka Radio Muqdisho, iyagoo u kuurgaley agabka qiimaha leh ee halkaasi yaalla . Wasiirka ayaa wafdiga UNESCO U

uga warbixiyay qorshaha wasaaradda iyo tallaabooyinka xiga ee la doonayo in lagu casriyeeyo laguna badbaadiyo kaydkaasi dhaxalka u ah jiilasha soo socda ee Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa waxaa kulanka u la yeeshay Wakiilka UNESCO waxaa ku wehliyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka amniga oo guddoomiyey kulan ku saabsan amniga caasimadda

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala qeyb galay Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda mudane Maxamed Axmed Amiir, shir lagaga hadlayay dardargelinta amniga caasimada iyo qadashada kararka codbixinta ee isdiiwaangelinta dadwenaha.

Wasiirka ayaa ku ammaanay maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo adeegyada ay siiyaan shacabka, gaar ahaan la shaqeynta hay’adaha amniga iyo dhiirrigelinta ka qeybgalka doorashada qof iyo cod.

"Waxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay codkooda ku doortaan hoggaankooda. Waxaan bogaadinayaa maamulka Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay arrintan,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo ka qayb galay shirweynaha hal-abuurnimada Afrika

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Addis Ababa uga qaybgalay Shirweynaha Hal-abuurnimada Afrika oo si rasmi ah u daahfuray Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Itoobiya, Mudane Temesgen Tiruneh.

Shirweynahani, oo socon doona saddex maalmood (28–30 Abriil 2025), ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirrada iyo mas’uuliyiinta ee wasaaradaha shaqada iyo horumarinta xirfadaha ee dalalka Afrika. Waxa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa xirfadaha hal-abuurnimada iyo ganacsiga, taasoo qayb muhiim ah ka ah hirgelinta himilooyinka horumarineed ee sanadkan.

Maalmaha soo socda, Wasiir Yuusuf waxa uu kulamo la yeelan doonaa Wasiirada wasaaradaha shaqada ee dalalka Afrikada, isagoo sidoo kale ka qaybgalaya dood cilmiyeed cinwaankeedu yahay: Kartiyo iyo Xirfado Cusub si loo Horumariyo Hal-abuureyaasha iyo Ganacsatada Afrika.

Wasaaradda arrimaha Islaamka oo xujeyda uga digtay la macaamilka shirkado been abuur ah

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay uga digaysaa dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Xujayda sanadkan aadeysa gudashada waajibaadka xajka 1446/2025 inay ka digtoonaadaan la macaamilka Shirkado been abuur ah iyo shaqsiyaad dullaaliin ah oo sheeganaya inay hayaan adeegga xajka, kuwaasoo ka baxsan xayndaabka Wasaaradda iyo guud ahaan nidaamka rasmiga ah ee loo maro bxinta adeegga Xajka.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya iyo Masar oo khadka Telefone ka ku wada xiriiray

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Al-Atty, ayaa khadka taleefoonka ugu soo hambalyeeyey Wasiirka cusub ee arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Abdisalam Ali

Wasiir Al-Atty ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliyeed xilka cusub ee loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar. Wuxuu xusay xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, kaas oo la xoojiyay bishii Janaayo 2025 kadib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagay Masar, laguna gaarey heer iskaashi istaraatiji ah.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in Masar ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo hay’adaha qaran, si kor loogu qaado xasilloonida dalka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Masar ay garab taagan tahay Soomaaliya xilligan adag ee la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Labada wasiir waxay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee ku aaddan horumarinta gobolka Geeska Afrika. Waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii wadaan la-tashiga dhow ee ku saabsan shirarka heer gobol iyo heer caalami si ay uga wada shaqeeyaan caqabadaha ay wadaagaan.

Wasiirka Cabdisalaam ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaalinteeda ay ka qaadato hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka ayaa booqday qaar ka mid ah Geesiyaasha Macawisleyda oo ku dhaawacmay dagaalka lagu cirib tirayo al-shabaab

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Somalia Mudane Daahir Shire Maxamed ayaa Isbitaalka Di martino ee Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada qaar ka mid ah halyeeyada Macawisley ee ku soo dhaawacmay dagaalka ciribtirka Al-shabaab eek a socda dalka.

Ujeedka Booqashada Wasiirka ayaa ah u kuur galidda xaaladda dhaawacyada, isaga oo mid mid u kor tagay, waxaana uu kulan la qaatay Maamulka sare ee Isbitaalka oo uu ka dhageystay warbixin la xiriirta xaaladahooda iyo adeegyada loo qabtay.

Wasiir Daahir ayaa u rajeeyey halyeeyada bogsiino deg deg ah waxaana uu u sheegay in dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeduba ay si buuxda u garab taagan yihiin, daryeel caafimaad oo dhammeystirana ay heli doonaan.

Hay’adda isgaarsiinta Qaranka oo Muqdisho ku qabatay aqoon isweydaarsi ku saabsan isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa soo qabanqaabisay aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo ku saabsan siyaasadda iyo qaab-dhismeedka nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdega ah iyo nidaamyada digniinta hore ee taleefannada gacanta (CB-EWS), oo qeyb ka ah Tiirka 3aad ee hindisaha "Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay” (EW4All).

Aqoon-is-weydaarsiga, oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, ayaa isu keenay daneeyayaal muhiim ah, oo ay ka mid yihiin shirkadaha isgaarsiinta iyo shirkadaha bixiya adeegyada internetka iyk qaar kamid ah Hay’adaha dowladda.

Dr. Mustafa Almahdi, Wakiilka ITU, oo hadal ka jeediyay furitaanka aqoon-is-weydaarsiga, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee isgaarsiintu ku leedahay badbaadinta nolosha, isagoo adkeeyay sida ITU uga go’an tahay taageeridda dadaallada Soomaaliya ee hoos yimaada hindisaha Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay (EW4All).

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa iftiimiyay baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo diyaar-garowga qaran iyadoo la adeegsanayo teknoolajiyada casriga ah ee digniinta.

Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, oo si rasmi ah u furay aqoon-is-weydaarsiga, ayaa xaqiijiyay sida ay Hay’addu uga go’an tahay dhisidda hannaan isgaarsiineed oo degdeg ah oo la isku hallayn karo, oo daboolaya baahiyaha dalkeenna.

Inta lagu guda jiro labada maalmood ee aqoon-is-weydaarsiga, ka-qaybgalayaashu waxay falanqeyn doonaan xeer nidaamiyayaasha iyo shuruucda heer farsamo ee lagu hawlgelinayo Nidaamka Digniinta Hore ee Taleefannada Gacanta (CB-EWS) ee dalkeenna, dib-u-eegista habraacyada wadashaqaynta hay’adaha ee lagu maareeyo dirista digniinaha degdegga ah, aqoonsiga arrimaha farsamo iyo sharciyed ee fududeynaya gudbinta farriimaha iyada oo loo marayo shabakadaha mobilada, iyo ku heshiinta qorshaha hirgelinta CB-EWS oo la waafajinayo tiirarka kale ee hindisaha Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay (EW4All).

Aqoon-is-weydaarsigan waxa uu qayb ka yahay dadaallada socda ee hindisaha EW4All si loo xaqiijiyo in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay helaan digniin hore oo degdeg ah oo wax ku ool ah.

Amb Jibriil oo xariga ka jaray bandhigga ganacsiga Islaamka oo ka furmay Nairobi

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xariga ka jaray bandhigga ganacsiga waafaqsan shareecada Islaamka, kaasoo ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Bandhiggan ganacsi oo ay ka qeybgaleen in ka badan 70 shirkadood oo ka kala socday dalalka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo kuwa ka socday dalalka kale ee caalamka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo munaasabadda daahfuray ayaa ku bogaadiyey ganacsatada in tani ay tahay mid ku dayasho mudan, loona baahan yahay in barnaamijkan la gaarsiiyo guud ahaan gobolka.

"Ganacsiga xalaasha ah waxa uu noqday mid caalamka si xooggan uga taabagalay. Wadamada Afrikaana aad uga shaqeeya hadda, dhaqaale aad u fara-badan oo malaayiin dollar ah ayaa ku baxa,” ayuu yiri Danjire Jabriil, isagoo hadalkiisa ku daray, "Lacagaha la filayo inay gaaraan saddex trillion, dhowrsano kadibna waxaa la filayaa in meesha ugu sareysa ay gaarto.”

Danjiraha ayaa xusay in ganacsatada isugu timid madasha ay fursad u heystaan inay soo bandhigaan ganacsi xalaal ah.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, ayaa tilmaamay in Safaaradda oo kaashaneysa mas’uuliyiinta Safaaradda Thailand ay qorsheynayaan inay qabtaan madal lagu soo bandhigi doono ganacsiga xalaasha ah iyo kaalinta bulshada uga aadan inay ka qaataan fursadaha maalgashi iyo ganacsi intuba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip