halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 29-4-25

0
Tuesday April 29, 2025 - 08:56:45 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 29-4-25

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweynaha Soomaaliya oo caasumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Ruushka si uu uga qeyb galo Shirka Moscow iyo Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lasoo gaarsiiyay dhambaalka casumaadda inuu ka qeyb galo shirka u dhaxeeya Dowladda Ruusha iyo Madaxda Ururka Jaamacadda Carabta oo dhowaan la filaayo inuu ka dhaco magaalada Moscow.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia ku qaabilay Mr. Mikhail L. Bogdanov, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika ayuu ka guddoomay caasumadda.

Labada Mas'uul ayaa sidoo kale waxa ay kawada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ruushka.

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Butin ayaa ku dhawaaqay inuu ku martigelinayo wadamada Jaamacadda Carabta magaalada Moscow si ay is kula meel dhigaan qadiyadda dhowr ah.

Butin ayaa arrimahaani kala hadlay Madaxweynaha Dalka Cumaan oo booqday magaalada Moscow todobadkii lasoo dhaafay waxaana waxyaabaha miiska saaran qeyb ka ah arrimaha Gaza, Syria iyo Ruushka inuu balaariyo saxiibadda uu kuleeyahay wadamada Carabta.

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha oo kulan la qaatay danjiraha Shiinaha

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Abdulqaadir Cali, ayaa shalayy Safiirka Safaaradda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Fei Shengchao kulan kula qaatay xarunta Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray, xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada dhalinyarada iyo isboortiga ee labada dal.

Wasiir Maxamed ayaa si qoto dheer u muujiyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo dadaalada lagu hormarinayo hawlaha la xiriira dhalinyarada iyo cayaaraha. Wasiirka ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay laga garab taagan tahay Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha ayaa dul isaatagay in Shiinuhu xoojin doono iskaashiga Somalia, gaar ahaan arrimaha la xiriira dhalinyarada iyo cayaaraha.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Bankiga Adduunka ku wareejiyay Astaan dhaqan

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Bangiga Adduunka astaan dhaqameed Soomaaliyeed — Haan, Intii lagu jiray gabagabada shirka sannadlaha ah ee hay’adaha IMF iyo Bangiga Adduunka,

Waa markii ugu horreysay ee taariikhda ee astaan ka turjumaysa dhaqanka Soomaaliyeed la suro xarunta Bangiga Adduunka.

Haanta ayaa ah astaan ka tarjumaysa adkeysi, iskaashi iyo horumar.

Wasiirka Dekadaha oo qaabilay danjiraha Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Abdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta dekedaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka badda, si loo taageero kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay go’aanka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay diyaar garowga Türkiye ee ku aaddan taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda iskaashi waara oo labada dal dhexmara.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo sii dardargeliyo horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qabatay kulan ku saabsan Wacyigelinta iyo Abaabulka Shacabka ee dagaalka Al-shabaab

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa caasimadda Muqdisho ku qabatay kulan guud oo Odeyaasha Dhaqanka Soomaa-liyeed ah kaasi oo diiradda lagu saaray Olaha Wacyigelinta iyo Abaabulka shacabka ee ladagaalanka Argigixisa.

Kulankan oo cod dheer lagu diidanyahay Argigixisada iyo joogisteeda gudaha Soomaaliya, looguna abaabulayo beelaha Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka sidii loo ciribtiri lahaa Al-shabaab ayaa waxaa Goobjoog ka ah Wasiirka Wasaaradda mudane Cali Yuusuf Xoosh, Wasiir Dowlaha mudane Saadaad Caliyow, Wasiir Kuxigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdi ka socda wasaaradda ganacsiga oo shir uga qaybgalaya Shiinaha

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, oo ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamud Abdullahi Ahmed (Abukaate), ayaa shalay ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta, oo si rasmi ah uga furmay magaalada Haikou, oo ah caasimadda gobolka Hainan ee Jamhuuriyadda Shiinaha.

Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale, maalgashi, iyo horumarinta warshadaha ee labada dhinac. Sidoo kale, shirkan waxa ka soo qeyb-galay madax sare oo ka kala socday dalalka Carabta iyo Shiinaha, kuwaas oo ka wada hadlayay fursadaha cusub ee iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada geesood.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo khudbad ka jeediyay kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdixakiim Ashkir oo khudbad ka jeediyey kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka ee Olaha Wacyigelinta iyo Abaabulka shacabka ee la dagaalanka Argigixisada ayaa ugu horreyn bogaadiyay kaalinta odeyaasha dhaqanka iyo beelaha Soomaaliyeed ee ciribtirka Al-shabaab.

Mudane Ashkir waxaa uu xusay in al-shabaab ay dhiigyacab yihiin, dagaalna kula jiraan diinta iyo dadka, isaga oo soo qaatay odeyaasha Dhaqanka ee ku shahiiday waddada halganka ee ladagaalanka Al-shabaab.

"Kaalinta Odeyaasha waa muhiim, Dhaqanka Dhiigooda u shubeen halganka, waxaana loo dilay dowlad-dhiska”.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashkir waxaa uu odeyaasha dhaqanka kula dardaarmay in ay beel-beel u shiraan, oo aan loo kala harin wacyigelinta iyo olalaha ciribtirka Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Wasiir Ashir waxaa uu soo jeediyey in ay sidoo kale muhiim tahay Doorashada Qof iyo Codka ah iyo in umadda lagu dhiirigeliyo isdiiwaanhelinta iyo in ay go’aan ka gaaraan ciddii matali lahayd.

Xuska maalinta caalamiga ah ee Tallaalka oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa ka qeyb gashey Munaasabada xuska maalinta Caalamiga ah ee Tallaalka oo shalay lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Xuska maalinta Caalamiga ah ee Tallaalka waxaa ka soo qeyb galay Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaa-radda Caafimaadka, Madax qeybeedyo, xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, Hay’adaha Caalamiga ah ee qeybta ka ah taageerada Caafimaadka Soomaaliya sida GAVI, UNICEF, Ururka Caafimaadka aduunka ee WHO, Save the Children, iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda Tallaalka ee badbaadinta nolosha dadka, gaar ahaan carruurta, iyo sida bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysan karto adeegyada Tallaalka ee la heli karo, mas’uuliyiinta iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ayaa hoosta ka xariiqay in Tallaalku yahay furaha ka hortagga cudurrada halista ah, islamarkaana muhiim u yahay horumarinta Caafimaadka guud ee bulshada.

Waxa kale oo lagu boorriyey waalidiinta Soomaaliyeed in ay caruurtooda si joogto ah u Tallaalaan, si loo ilaaliyo Caafimaadka jiilalka soo koraya, xuskan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu dhiirrigelinayo wacyigelinta bulshada iyo kobcinta adeegyada Caafimaadka dalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta adeegyada Caafimaadka gaar ahaan adeegga Tallaalka oo ah mid muhiim u ah bulshadeena taasoo carruurteena siinaysa awood Caafimaad iyo adkeysi nolaleed, waxayna Wasaaraddu markasta waalidiinta Soomaaliyeed ugu yeereysaa in ay qaataan tallooyinka Caafimaad ee ka imanaya qeybaha Caafimaadka.

Madaxweynaha Aljeeriya oo aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Aljeeriya Cabdulmajiid ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Aljeeriya ayaa shalay warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego), oo ah Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Aljeeriya.

Munaasabadda looga gudoomayay waraaqaha safiirnimo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadda Qaranka ee Dibedda iyo Arrimaha Afrika Maxamed Ataf.

Golaha wasiirada Hirshabeelle oo ka shiray dagaalka Al-shabaab iyo horumarinta adeegga caafimaadka

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada kaas oo diirada lagu saaray arrimo dhowr ah.

Ugu horeyn waxaa hab-raaca dhaarinta la marsiiyey Wasiirada Wasaaraddaha cusub ee Howlaha Guud iyo Tamarta iyo Biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Kheyre ayaa Golaha uga warbixiyey howlgalka dabar-gooynta Al-shabaab waxana uu ka mahadceliyey kaalinta dadka deegaanka iyo ciidamada qalbka sida ee Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ku baacsanayo firxadka Al-shabaab.

Sidoo kale shirka ayaa lagu gorfeeyay saameeynta Roobka oo si weyn uga curtay deegaanada Dowladda Hirshabeelle kaas oo goobaha qaar saameyn ku yeeshay isku-socodka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdi ayaa faahfaafin ka bixiyey sida ay u socdaan mashaariicda sannadkan ee 2025.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa amray Wasiirka Caafimaadka baahinta Adeega Caafimaad iyo dardargelinta shaqadda Damal Caafimaad.

"Ma aqbali doono dayacaad shaqo, dhismaha jidadka uu hirgelin waayey ayuu shaqaddiisa maalin ka hor ku waayey Wasiirka Howlaha Guud. Isla-xisaabtan adag ayaa keeno shaqo-hufan.”

Gunaanudkii Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku baaqay in markale loo midoobo dagaalka argagixisada.

Dowladda Mareykanka oo $170 Milyan oo Gargaar ah ka Jaratay Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa jaratay $170 milyan oo gargaar ahaa oo loogu talagalay Soomaaliya, sida uu sheegay urur u dhaqdhaqaaqa gargaarka oo lagu magacaabo "Stand Up for Aid".

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa muujiyay in go'aankan uu sii xumeynayo saamaynta abaaraha, colaadaha, iyo sicir-bararka ba'an ee cuntada, taas oo la filayo inay gaarsiiso ilaa 4.4 milyan oo qof oo ah ku dhowaad 23% shacabka — xaalad macluul ah sanadkan 2025.

Hay'adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay in carruurta ka yar da'da shanta sano ay noqon doonaan kuwa ugu daran ee ay saameyn doonto nafaqo-darrada, iyadoo la saadaalinayo in ilaa 1.7 milyan oo carruur ah ay la ildaran doonaan nafaqo-xumo ba'an dhammaadka sanadkan.

Hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa ka digay in hoos u dhaca deeqda Mareykanka uu durba sababtay xiritaanka qaar kamid ah xarumihii badbaadinta nolosha.

"Qofna ma filayn xaaladdan. Waxaan ku qasbanaannay inaan shaqada ka joojino ku dhawaad 150 shaqaalaheenna ah sababo la xiriira dhaqaale-xumo, sidoo kale waan xirnay xafiisyadii garoomada, taasoo si weyn u dhintay awooddeennii gaarsiinta adeegyada,” ayuu yiri Binyam Gebru, Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Save the Children ee Soomaaliya.

Binyam Gebru waxa uu intaas ku daray, in haddii aan la helin kheyraad ku filan bixinta adeegyadooda ay carruur badan dhiman doonaan.

Mareykanka oo dad badan oo African ah ku laayay dalka Yemen

Dad fara-badan ayaa ku dhintay weerar xagga cirka ah oo Mareykanka uu ka fuliyay dalka Yemen, iyadoona ay isa soo tareyso tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqayntaasi.

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa Isniintan sheegay in 68 qof ay ku dhinteen, 47 kalena ay ku dhaawacmeen duqayn uu Mareykanku ku qaaday xarun lagu hayo muhaajiriinta Afrika oo ku taala Magaalada Sacda (Saada) ee waqooyiga dalkaasi.

Telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in xarunta la beegsaday ay hoostagto Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah ee IOM iyo weliba Laanqeyrta Cas, weerarka lagu qaadayna uu yahay dembi dagaal.

Telefishinka ayaa baahiyay muuqaal muujinaya meydad iyo dhaawacyo laga soo daadgureynayo goobta la weeraray, waxaana uu telefishinku sheegay in dhaawacyada ay ku jiraan kuwo ay xaaladdoodu liidato.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaan weli wax war ah ka soo saarin weerarka loo gaystay xarunta lagu hayay muhaajiriinta.

Xaruntan ayaa lagu hayay 115 muhaajiriin ah, markii uu weerarku dhacayay, waana xarun si ku-meel-gaar ah loogu hayo muhaajiriin African ah oo intooda badan ka soo jeeda dalka Itoobiya iyo dalal kale oo Somaliya ay ka mid tahay, kuwaas oo Yemen u tegay, si ay uga sii gudban dalka Sacuudiga, iyagoo raadinaya fursad ay uga shaqeysan karaan dalkaasi.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Yemen, Ibraahim Cabdiqaadir Macalin ayaa sheegay in waaberigii saaka ay diyaaradaha Mareykanka weerareen xaruntaasi, oo dadka lagu hayayna ay Soomaali ka mid yihiin.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in xaruntaasi lagu xiro dadka laga soo qabto xuduudda Sacuudiga, halkaasna loogu hayo si ku-meel-gaar ah, inta looga celinayo dalalkooda.

Gudoomiyaha ayaa sheegaya in ay xogta ku hayaan in saddex illaa afar qof oo Soomaali ah ay ka mid ahaayeen dadkii goobta lagu hayay, xilligii ay duqaynta dhaceysay, balse ay dib Warbaahinta kala soo wadaagi doonaan, marka ay si sax ah u xaqiijiyaan tirada Soomaalida.

Illaa iyo hadda lama hayo wax caddeyn ah oo mujineysa in Somalidu ka badbaaday duqaynta cirka ee lagu qaaday xaruntaasi.

Duqayntan ayaa waxay timid saacado yar uun ka dib, markii Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka uu sheegay inay garaaceen in ka badan 800 oo bartilmaameed oo gudaha Yemen ah, tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu 15-kii bishii March amray in la ballaariyo duqaymaha ka dhanka ah Ururka Xuuthiyiinta.

Taliska ayaa sheegay in duqaymahaasi ay ku dileen boqolaal ka mid ah dagaal-yahanada iyo saraakiisha sarsare ee ururka reer Yemen. Xuuthiyiinta ayaa waxayse dhankooda sheegeen in Mareykanka ay duqaymahaasi ku dileen dad fara-badan oo rayid ah, isla-markaana uu yar yahay khasaaraha dhankooda ka soo gaaray.

Mareykanka ayaa muddooyinkan kordhiyay duqaymaha ay diyaaradihiisa dagaalka ka gaysanayaan dalkaasi, gaar ahaan dhulka ay Xuuthiyiintu maamulaan.

Waa weerarkii labaad ee ugu dhimashada badnaa ee Mareykanka uu ka gaysto dalkaasi. 18-kii bishan ayay ahayd markii Mareykanku uu weerarkii ugu dhimashada badnaa ka gaystay Dekedda Ras Isa ee Gobolka Hudaydah, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 150 kale.

Xuuthiyiinta ayaa bishii hore dib u bilaabay weeraradii ay ku hayeen Israel iyo maraakiibta Israel & Mareykanka ee mareysa marin biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ka gadaal markii Israel ay bartamihii bishaasi soo cusbooneysiisay weeraradeedii aan kala sooca lahayn ee Marinka Gaza.

Madaxweyne Trump ayaa wacad ku maray inay wiiqi doonaan Xuuthiyiinta, hadii aysan joojin gantalada iyo diyaradaha drones-ka ee ay ku weerarayaan gudaha Israel iyo maraakiibta ganacsiga ee ku goshaya Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xuuthiyiintu waxay sheegeen inaysan joojin doonin weerarada ay garab istaaga ugu muujinayaan shacabka Falastiin, illaa iyo inta laga soo afjarayo colaadda Gaza, lana ogolaanayo in gargaarka uu si caadi ah u galo Marinka Gaza.

Xuuthiyiinta oo shacabka Yemen ay taageersan yihiin ayaa ah garabka keliya ee militari ee Bariga Dhexe ka jira, isla-markaana ka dhiidhinaya xasuuqa Gaza.

Somaliland iyo Taiwan oo iska kaashanaya amniga badda iyo la dagaalanka budhcad-badeeda

Somaliland ayaa sheegtay inay Taiwan kala saxeexan doonaan heshiis ay iskaga kaashanayaan amniga badda iyo horumarinta dhismayaasha iyo adeegyada la xidhiidha badaha, xili ay sii kordhayso hanjabaada Shiinaha ee ka dhan ka ah xidhiidhkooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo waraysi siiyay Euro Daily Times, ayaa ka hadlay safar la filayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, Lin Chia-lung, uu ku yimaado Somaliland, isaga oo sheegay in labada dhinac ay bilaabayaan iskaashi dhinaca amniga badda ah.

Wasiirka oo la waydiiyay in heshiisku noqon karo mid milateri, ayaa sheegay in heshiisku wax ka tari doono dhinacyada amniga ganacsiga, la dagalanka budhcad-badeeda, iyo horumarinta loojistikada iyo qalabka badda.

"Xidhiidhkeena Taiwan wuxuu ku salaysan yahay is-ixtiraam, wadaagista qiyamka dimuqradiyada, iyo ballanqaadka horumar nabadeed. Iskaashiga badda wuxuu inta badan diiradda saari doonaa amniga ganacsiga, la-dagaallanka budhcad-badeda, io hormarinta kabeyasha saadka... ee ma aha milatariyeyn," ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan.

Waxa uu sheegay in Geeska Afrika uu u baahan yahay nabad, laakiin aanu u baahnayn tartan hubaysan, isla markaana iskaashi kasta oo ay cid la yeelanayaan uu salka ku hayn doono baahiyaha guud ee gobolka, sida sugidda amniga biyaha badda iyo la dagaalanka budhcad-badeeda, maadaama Geeska Afrika yahay meel aan xaaladdeedu degganayn.

Wasiirka oo la waydiiyay suuragalnimada in Shiinuhu taageero siiyo SSC-Khaatumo, oo sheegtay inay ka go'day Somaliland, ayaa sheegay inuu ogyahay khatarta Shiinaha, laakiin aqoonsi-raadintoodu ay tahay mid loo marayo dowlad-wanaaggooda, dimuqraad-iyaddoda, iyo taariikhdooda, isla markaana aanay madaxbannaanidooda ku badalan doonin dano muddo gaaban. "Somaliland waxay soo dhawaynaysaa iskaashi wax tar leh, waxayna diidaysaa in shisheeye wax u yeedhiyo," ayuu yidhi Wasiirku.

Somaliland iyo Taiwan, oo aan si rasmi ah loo aqoonsan, ayaa sannadkii 2020 yeeshay xidhiidh rasmi ah. Xidhiidhkooda ayay ku sheegeen mid ka tarjumaya qiimaha xornimo-donka iyo dimuqradiyada ee ay wadaagaan. Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa si weyn uga cadhooday xidhiidhkooda, kuwaas oo hadda iska kaashanaya sidii loo joojin lahaa xidhiidhka Hargeysa iyo Taipei.

Dowladda Shiinaha ayaa 16 Maarso ku hanjabtay inay qaadayso tallaabooyin ka dhan ah Somaliland haddii ay ka noqon waydo xidhiidhka Taiwan, isla markaana waxay si adag u cambaareeysay xidhiidhka labada jamhuuriyadood.

"Taiwan waxay gacan saar la leedahay quwadda siyaasadeed ee Hargeysa, iyagoo si cad ugu ololeynaya gooni-isu-taaggeeda. Waanu cambaaraynaynaa oo waanu uga digaynaa xoojinta xidhiidhkasi," ayuu yidhi Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho, Wang Yu, waraysi uu siiyay warbaahinta Dalsan Tv.

Madaxwenaha Somaliland, Abdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dhawaan sheegay in xukuumadiisu sii xoojin doonto xidhiidhka Taiwan, iyada oo wakiil cusub u magacawday xafiiskeeda Taipei. Madaxweynaha iyo xisbigiisa, ayaa xilligii ay mucaaradka ahaayeen, xidhiidhka Taiwan u arkayay mid sababi kara khatar kaga timada Beijing.

Xidhiidhka Taiwan ayaa Somaliland usoo jiiday taageero siyaasadeed oo ka heshay xildhibaano iyo siyaasiyiin badan oo Maraykan iyo reer Galbeed ah oo Taiwan taageera. Dhanka kale, Shiinaha ayaa hanjabaado joogto ah ku haya Somaliland, waxaana suuragal ah inuu hor istaago fursado badan.

Maxkamadda sare ee Kenya oo diiday in lala wareego hantida diblumaasi Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay xagjirnimo

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa diidday codsi ka yimid dowladda Kenya oo ku saabsan in lala wareego guri qiimihiisu yahay Sh110 milyan iyo lacago dhan Sh8.6 milyan oo uu leeyahay Jibriil Cusman Mohamed, oo ah diblumaasi hore oo Soomaaliyeed.

Dowladda Kenya ayaa ninkaan ku eedeeysay inuu xiriir la leeyahay shabakadyo argagixiso oo ka jira Yemen.

Hay’adda Soo Celinta Hantida (ARA), oo mataleysa dowladda Kenya, ayaa ku doodday in guri ku yaal Eldama Ravine Road, Westlands, Nairobi, iyo lacagaha ku jira saddex akoon oo ka furan I&M Bank, ay yihiin lacagihii ka soo baxay argagixisada iyo lacag la dhaqay.

Codsigan waxaa la gudbiyay Agoosto 2024 waxana lasoo horgeyay Maxkamada Xatooyada iyo Musuqmaasuqa ee Milimani. ARA waxay dalbatay in lagu caddeeyo in hantida uu leeyahay Jibriil Cusman Mohamed iyo shirkaddiisa, Jibca Services Limited, ay ka mid yihiin hanti la xiriirinayo arrimo argagixiso.

ARA waxay sidoo kale codsatay amar maxkamadeed oo oggolaanaya dowladda inay qaadato hantidaas.

Sida ay ARA sheegtay, lacagta loo adeegsaday iibsashada hantidaas waxaa la socday nin lagu magacaabo Abdi Nasir Ali, oo lagu daray liiska Xafiiska Xakamaynta Hantida ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka (OFAC), isagoo loogu eedeeyay inuu maalgeliayo fallaagada Houthi iyo inuu carqaladeynayo xasilloonida Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, Garsoore Benjamin Musyoki ayaa diiday codsiga, isagoo sheegay in ARA aysan keenin caddeymo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya xiriirka Jibriil Cusman Mohamed, shirkaddiisa, ama macaamilka uu la leeyahay Abdi Nasir Ali. Waxa uu cambaareeyay hay’adda isagoo sheegay inay ku eedeeyeen xiriir argagixiso oo aan caddeyn.

"ARA waxay soo jeedisay kaliya eedayn guud oo ku saabsan baaritaano la sheegay inay muujinayaan xiriirka argagixisada, laakiin wax faahfaahin ah ama caddeymo ah looma keenin maxkamadda. Haddii ay jiraan baaritaano dhab ah oo muujinaya xiriirka Mohamed iyo Ali, ARA waxay ku guul darreysatay inay keento caddeynas," ayuu yiri Garsooraha Musyoki.

Maxkamaddu waxay sidoo kale tixgelisay xirfadda diplomasi ee Jibriil Maxameed iyo xaqiiqda ah in uu weli haysto baasaboorka diplomasi ee Soomaaliya, wuxuuna horey uga soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee Malaysia.

Somaliland oo sheegtay inaanay ku dhex milmi doonin colaadaha Bariga Dhexe

Somaliland ayaa sheegtay inaanay qayb ka noqon doonin colaadaha ka taagan Bariga Dhexe sida dagaalka Qasa, kadib markii dhawaan la sheegay in Maraykanku doonayo in qayb ka mid ah dadka reer Qasa loo raro Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo waraysi siiyay warbaahinta Daily Euro Times, ayaa sheegay in Somaliland diyaar u tahay iskaashi kasta, balse aanay doonayn inay dhex gasho colaadaha Bariga Dhexe.

"Ma rabno in aqoonsigeennu noqdo sidii wax la kala iibsanayo oo kale; waa inuu noqdaa mid salka ku haya mabaadii', oo aanu noqon mid ku dhisan dad la kala badalanayo. Waanu soo dhawaynaynaa wadahadal kasta oo aanu la yeelano matalayaasha caalamiga ah ee ku saabsan nabadda iyo iskaashiga, laakiin gorgortan uma noqon karno colaadaha aan la xalin ee Bariga Dhexe," ayuu yidhi Wasiir Abdiraxman.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in Somaliland ay xidhiidh la yeelan karto Israa'iil, balse sida dowlad kasta oo masuul ah, ay siyaasaddeeda arrimaha dibadda ku dhisantahay danteeda, ilaalinta nabadda gobolka, iyo rabitaanka dadkeeda, isla markaana ay la xidhiidhi doonaan qaran kasta oo ay dani ugu jirto.

Warka sheegaya in dadka reer Qasa loo rari doono Somaliland ayaa soo baxay 14-ka Maarso, 2025, kadib markii wakaaladda wararka ee AP ay ku warantay in Maraykanka iyo Israa'iil ay qorshaynayaan in dadka reer Qasa loo raro Suudaan, Somaliland iyo Soomaaliya.

Haddaba, Wasiir Cabdiraxmaan oo kadib waraysiyo gaar-gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters iyo warbaahinta Israa'iil, ayaa sheegay in Maraykanka iyo Israa'iil aanay arrinta Qasa kala hadal Somaliland, sidaas dartedna anu donayn inu bunbuniyo wax war an jirin.

Warbaahinta qaarkeed ayaa bilihii lasoo dhaafay qorayay in maadaama Somaliland ay Maraykanka ka rabto aqoonsi, ay u badan tahay inay aqbasho qaadashada qayb ka mid ah bulshada reer Qasa si ay aqoonsi ugu beddelato, taas oo ka cadhaysiisay qaybo kamid ah bulshada Carabta.

Warbixin ay dhawaan qortay New York Times ayaa lagu sheegay in wadahadal hordhac ahi uu u socdo Washington iyo Hargeysa, isla markaana laga yaabo in Maraykanku uu saldhig ciidan ku yeesho Berbera, taa beddelkedana uu aqoonsado Somaliland.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalilan, Abdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa Trump ku tilmaamay nin lala macaamili karo, isla markaana uu ka rajaynayo inuu Somaliland siiyo aqoonsi.

Wufuud sare oo ka socota Somaliland aya la filayaa inay Maraykanka u socdasbo bilaha soo socda, si ay u xojiyan dadallada aqoonsi raadinta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo socdaal dhawaan ku tagay Maraykanka ayaa sheegay in masuuliyiinta Maraykanka ay u sheegeen inay arrimaha gobolka kala macaamilaan Somaliland.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa kor u qaaday dadaaladeeda ay kaga hortagayso in Somaliland noqoto dowlad gaar ah, iyada oo wada dadaallo dibloma-asiyadeed iyo fursado dhaqaale iyo iskashi o ay u so bandhigayso Washington, si looga maarmo Somaliland.

Puntland oo soo saartay go'aamo lagu xakamaynayo tahriibka dhalinyarada

Puntland ayaa soo saartay go'aamo ku saabsan xakameynta tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah ee ka dhaca garoomada Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulan ay yeesheen saraakiisha socdaalka iyo hay'adaha amniga ayaa lagu sheegay in tahriibka sii kordhaya uu halis weyn ku yahay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Go'aannada kasoo baxay kulankan ayaa muujinaya in hay'adaha Puntland ay u baahan yihiin inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ka hortagga tahriibka, iyadoo la isku raacay in tallaabo laga qaado tahriibayaasha iyo shabakadaha tahriibinta ka shaqeeya. Shirkadaha diyaaradaha iyo xafiisyada tigidhada, ayaa lagu amray inay hubiyaan saxnaanta dokumentiyada rakaabka ka dhoofaya garoomada.

Puntland ayaa caddeysay in qof kasta oo lagu qabto garoomada Puntland isagoo ku lug leh tahriib ama adeegsanaya dukumentiyo been abuur ah uu wajahi doono ciqab adag oo sharciga waafaqsan.

Garoonka diyaaradaha Garowe aya noqday meesha ugu badan ee laga tahriibiyo dhalinyarada Puntland.

Dhallinyaro badan oo ka tahriibtay Puntland ayaa lagu la'yahay xeebaha u dhaxeeya Aljeeriya iyo Spain, halkaas oo sanadihii ugu dambeeyay noqotay marin cusub o ay ku badan yihiin dadka tahriibaya.

Shirka ayaa lagu go’aamiyay:-

• In si buuxda looga hortago dhammaan falalka sharci-darrada ah ee garoomada laga dhoofo.

• In la joojiyo tahriibka sii kordhaya ee dhibta ku haya dhalinyarada naf io maalba.

• In si wada jir ah looga shaqayo dhamaan hay'adaha dawladda ee ku shaqada leh ka hortaga tahriibka ah.

• In si adag sharciga loo mariyo tahriibayasha iyo shabakadaha tahriibkaka shaqeeya.

• In shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa tigidhada ay kawda wada shaqeyan hubinta saxda ah ee dokumentiyada rakaabka.

Maxaan ka ognahay Soomaalida ku dhimatay duqaynta Maraykanka uu ka geystay Yemen

Ugu yaraan 68 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa lagu dilay Yemen kaddib markii Mareykanka uu hawada ka duqeeyay xarun dadka lagu hayo oo Xuutiyiinta maamulaan oo ku taal waqooyi-galbeed Yemen.

Goobta la duqeeyay waxaa booqday dad badan waxaana ka mid ah Ibrahim Cabdulqaadir Macallin oo ka mid ah Soomaalida ku nool Yemen, wuxuuna BBC uga warramay wixii uu ku soo arkay indhahiisa iyo sida ay waxa u dheceen.

Ibraahim wuxuu sheegay in goor aroor ah uu weerarka ka dhacay meel lagu hayo muhaajiriinta oo bannaan ah.

"Dadka waxaa laga soo qabtay xadka, in ay Sucuudiga galaan ayey doonayeen, waxaa laysugu keenay xabsiga magaalada Sacda, waxaana loo diyaariyay in la soo tarxiilo".

Xarunta dadka lagu hayo ee Sacda waxaa la sheegay in lagu hayay dad gaaraya 115 qof oo Afrikaan ah. Wax yar ka hor shanti arroornimo waqtiga Yemen ayaa la duqeeyay xarunta ilaa afar jeer.

TV-ga Al Masirah ee Yemen wuxuu sheegay in 47 muhaajiriin ah ay dhaawacmeen iyadoo intooda badan ay qabaan dhaawacyo halis ah. Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya meydad badan oo ku hoos jira burburka. Mareykanka degdeg jawaab ugama bixin sida ay wax u dhaceen.

Saacado ka hor ayuu taliska dhexe ee Mareykanka sheegeen in ciidankooda ay duqeeyeen ilaa 800 oo bartilmaameed tan iyo markii madaxweyne Trump uu amray in la kordhiyo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta 15-ka bishii hore.

Waxaan weydiinay Ibrahim Cabdulqaadir Macallin markii uu tagay xabsiga duqeynta kaddib in uu arkay Soomaali halkaas joogtay ama wax ku noqotay.

"Soomaalida tiradooda way yarayd, 3 maalin ka hor ayaa Soomaali badan oo meesha ku jirtay laga soo saaray" ayuu yiri Ibraahim oo sidoo kale noo sheegay waxa uu ka ogyahay tirada dadka wax ku noqoday xeradaas iyo inta ay Soomaali ka tahay.

"Dadka dhintay waa 90, dadka dhaawaca waa 25, Soomaalida waxaa la leeyahay 3 ilaa 4 qof ayaa ku jirtay laakin ilaa hadda xaqiiqdooda ma hayno" ayuu yiri, inkastoo ay BBC werisay geerida 68 qof.

Ibraahim wuxuu BBC-da u sheegay in ay la socdaan xaalada Soomaalida la soo qabto iyagoo u tahriibaya Sacuudiga.

"Muhaajiriinta aad ayaan ula soconaa, dad badan ayaa soo dhawacma oo marka ay galayaan xuduudda Sacuudiga la soo dilaa, jaaliyada way la socotaa dadkaas" ayuu yiri Ibraahim oo intaas ku daray "Qofka Soomaaliga ee la soo qabto waa la soo gudbiyaa si khasaaraha loo yareeyo".

Wararka waxay kaloo sheegayaan in weerarka lagu dilay boqollaal dagaalyahanada Xuutiyiinta iyo hoggaamiyayaal.

Balse Xuutiyiinta dhankoodu waxay sheegeen in duqeymaha lagu dilay rayid iyo tiro aan badneyn oo ka mid ahaa xubnahooda.

Ibraahim waxaa kaloo wax laga weydiiyey waxa ka run ah in halkaas ay aheyd saldhig ciidanka Xuutiyiintu leeyihiin wuxuu sheegay in ay taasi jirin.

"Waxba kama jiraan waxaas, meesha ay dadka ku xirnaayeen waa meel bannaan ah, xabsi ah oo ciidan u dhaweyn, meel ciidan iyo xero ciidan u dhow ma aheyn".

Tirada dhimashada iyo dhaawaca degdeg looma xaqiijin karo balse muuqaallo Al Masirah soo bandhigeen ayaa lagu arkayay shaqaalaha gurmadka degdegga oo ka soo dhex saaraya meydad burburka dhismaha.

Sidoo kale waxaa la arkayay nin dhaawac ah oo ku qeylinayay "Hooyadey", luuqada uu ku hadlayay ninkaas ayaa la cadeeyay in ay aheyd afka Axmaariga.

Wasaarada arrimaha gudaha Xuutiyiinta ayaa cambaareysay weerarka iyadoo ku tilshalayy in ay ka dhigan tahay dambi dagaal.

Dhanka kale hay'adda Qaramada Midoobay ee Muhaajiriinta (IOM) ayaa sheegtay in ay "si weyn uga walaacsan ahay dadka ku dhintay Sacda".

"IOM kama shaqeyneyn dhismaha, waxaan naga go'an in aan si dhow ula socono xaaladda, lana garab istaagno taageerada loo baahan yahay" ayey tiri hay'adda.

Iyadoo burbur iyo xaalad bani'aadannimo ay ka jirto Yemen taas oo ay keeneen dagaallada 11-ka sano ka socday dalka, ayaa haddana muhaajiriin waxay dalka ku yimaadaan doomo kuwaas oo ka soo baxa geeska Afrika. Arrimo la xiriira, dhaqaale, siyaasad iyo abaaro ayaana sabab u ah waxyaabaha ku Kallifa muhaajiriinta in ay ka soo baxaan dalkooda.

Inta badan muhaajiriinta waxay doonayaan in ay u sii gudbaan Sacuudiga si ay halkaas uga shaqeystaan balse waxay la kulmaan in la dhiigmiirto, la xiro iyo safarro khatar ah ay ku marayaan dhul dagaal uu ka socdo, sida ay IOM sheegeyso.

Hay'adda waxay sheegtay in sanadkii 2024-kii kaliya ay yimaadeen muhaajiriin gaaraya ilaa iyo 60,900. Intooda badan waxay ka soo baxeen dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Kumannaan muhaajiriin ah ayaa la rumeysan yahay in lagu hayay xerooyin sida tan hadda la duqeeyay ee Sacda, balse ma jirto xog rasmi ah oo ay soo saareen maamulka Xuutiyiinta ee maamula xarunta.

Kooxaha xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in dadka la xiro ay ku jiraan xaalado quus ah oo ay ka mid yihiin ciriiri, xadgudub iyo nadaafad xumo.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip