
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 28-4-25
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo sameeyay isku shaandheen Golahiisa Wasiirada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay waxa uu isku shaandheen kooban uu ku sameeyay Golahiisa wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya waxaana ay sameeysay ilaa sedex wasiir oo kaliya ah.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa warbaahinta u akhriyay isku shaandheenta kooban ee xafiiska Ra'iisul wasaaraha uu sameeyay, waxaana ay saameyn ku yeelatay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad iyo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo midka Gaashaandhigga.
Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa laga dhigay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka labaad, waxaana uu badelayaa Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay oo isaguna loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa noqday Wasiirka Gaashaandhigga, waxaana uu badelay Jibril Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo muddo kooban ahaa wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa siweyn waxaa loo hadal haayay inay jiri doonaan isbadelo isku shaandheen dhinaca Golaha wasiirada iyo laamaha amaanka Soomaaliya inkasto hadda aysan jirin wax isbadal ah oo lagu sameeyay talisyada kala duwan ee ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya.
17kii Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii sidaan oo kale uu Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya u sameeyay isku shaandheen kooban oo la isku badalay qaar kamid ah Golaha Wasiirada kuwa kalana ay xilalka looga qaaday sida Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Wasiirkii Gadiidka.
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Somalia Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan mira dhal ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.
Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadiyay hogaamintiisa Golaha Shacabka iyo sida ay uga shaqeynayaan shuruucda furaha u ah horumarka dowladnimada Soomaaliya.
Dhinaca kale Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa amaanay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya uga duwantahay dalalka kale islamarkaana xiriirka ka dhaxeeya uu yahay mid mudo aad u dheer soo jiray hadana uu meel wanaagsan marayo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan oo hada meel wanaagsan maraya.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u bogaadiyay xiriirka ka dhaxeeya baarlamaanadda labada wadan oo meel wanaagsan maraya muhiimna ay tahay in la xoojiyo lana dardargeliyo.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka iyo Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa isla gartay in labada baarlamaan ay dhex marto wada shaqeyn joogta iyo is dhaafsi dhinaca qibrada ah iyo sidoo kale in kor loo qaado aqoonta iyo tayada howlwadeenadda Golaha Shacabka.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 28-4-25
........