
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 27-04-25
Midowga Afrika oo madaxweyne Xasan Sheikh ku booriyay inuu xoojiyo wadashaqaynta dowlad goboleedyada
Midowga Afrika ayaa ku boorriyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dardargeliso xoojinta wadashaqaynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si xal looga gaaro ismariwaaga siyaasadeed, loona dardar galiyo dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
Midowga Afrika iyo dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, ayaa ku dhiirrigeliyay Dowladda Federaalka inay sii waddo dadaallada siyaasadeed ee dhanka dhismaha hay’adaha dowliga ah, iyada oo la xaqiijinayo in dhammaan Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ay ka qaybqaataan Golaha Wadatashiga Qaranka si loo gaaro hannaan loo dhan yahay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaab celinayay baaqa loosoo jeediyay, ayaa sheegay in bishan soo socota la qaban doono wadatashi qaran si looga doodo arrimaha mudnaanta leh ee horyaalla dalka.
Waxa uu u mahadceliyay Midowga Afrika, waddamada ciidamada geeyay Soomaaliya (TCC), iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya taageera, isagoo ugu baaqay inay sii wadaan garab istaagga Soomaaliya si dalka u gaaro nabad iyo xasillooni buuxda.
"Dadaalkeena mideysan ee lagu sugayo amniga Soomaaliya wuxuu noo suurtageliyay inaan sii wadno geeddi-socodka dowlad-dhisidda. Waxaan si joogto ah uga shaqeyneynaa dhismaha ciidan mideysan, tababaran, qalabeysan oo mas’uuliyadooda amni la wareegi kara. Si kastaba ha ahaatee, waxa naga horreeya caqabado waaweyn oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada, iyada oo aan mar kasta dhiseyno hay’adaha amniga,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay shirkii Entebbe.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan sheikh ayaa saaxiibada caalamka kala kulmaya culays ku aaddan inuu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya maamul goboleedyada. Waxay xoguhu sheegayaan in madaxweyne Xasan sheikh uu dhawaan la kulmi karo madaxweynaha Puntland, Siciid Deni. Dowladda Maraykanka ayaa qorshaha kulankan taageeraysa, si afgarad looga gaaro waxa la isku hayo.
Safiir Ilyaas” Dalalka EAC waa in ay qaadaan xayiraadaha fiisaha iyo caqabadaha safarka ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed,”
Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa ka qeyb galay shirka 47-aad ee Golaha Wasiirada Urur Gobaleedka Iskashiga Dhaqalaha Bariga Afrika.
Ilyaas Cali Xasan, Safiirka Soomaaliya ee Tanzania ayaa shirka kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin horumarka ka jira dalka iyo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay inay fuliso heshiisyada ay lagashay dalalka ku mideysan Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed caqabado ka haystaan dhanka isku socodka wadamada xubnaha ka ah EAC, taasna ay dooneyso Dowladda Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan meesha uga baxdo maadaama dadka Soomaaliyeed ganacsiyo badan ku leeyihiin dhammaan dalalka ku bahoobay Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Safiir Ilyaas ayaa yiri "Dhamaan dalalka EAC waa inay qaadaan xayiraadaha fiisaha iyo caqabadaha safarka ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, si loo ilaaliyo sinnaanta iyo midnimada gobolka”.
Dowladda Federaalka oo lagu bogaadiyay baarista iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed
Xoghayaha Guud ee Urur Gobaledka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Marwo Veronica Mueni Nduva, ayaa si weyn u bogaadisay doorka firfircoon ee ay Soomaaliya kaga jirto BBA, gaar ahaan dadaallada uu muujiyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), intii ay socotay Baarista Maaliyadeed ee Hay’adaha Dowladda ee BBA.
Bogaadinta ayaa timid kadib markii Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, uu si rasmi ah uga qaybgalay Kulanka 47-aad ee Golaha Wasiirrada Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), oo 25kii April 2025 lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Intii lagu guda jiray kulanka, Guddiga Hantidhowrka ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa soo bandhigay warbixinta baarista maaliyadeed ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ee sanadkii dhammaaday 30-ka Juun 2024, iyada oo si gaar ah loo ammaanay kaalinta iyo taageerada uu bixiyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa xoojiyay dadaallada lagu horumarinayo wada-shaqaynta uu la leeyahay hay’adaha iyo ururrada – heer caalami iyo heer gobol, si loo kordhiyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed ee gobolka, loona adkeeyo kaalinta Soomaaliya ee dunida.
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay dhiggiisa Ruushka
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa ku soo dhoweyay shalay oo Sabti ah Garonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho, dhiggiisa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Ruushka ahna Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka ee Arrimaha Bariga Dhexe iyo Wadamada Afrika, Mudane Mikhail Bogdanov.
Labada dal ayaa waxa ay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah, waxa ayna doonayaan inay ballaariyaan iskaashiga si loo horumariyo dano wadaagga labada dowladood iyo labada shacab.
Tababbarka Guddi-hoosaadyada Dowladda ee Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa shalay si rasmi ah u daahfuray Tababbarka Guddihoosaadyada, kuwaas oo qeyb ka noqonayo hirgelinta siyaasadda "shalay waa maalin aad muhiim ugu ah dib u habaynta shaqaalaha, tababbarka ka dib waxa idin fuulayo masuuliyad weyn, waxa la idinkaga baahan yahay in aad si dhab ah uga qeyb qaadataan howlaha socda”.
Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo kalimad ka jeediyey furitaanka ayaa xusay "in dib u habaynta shaqaalaha ay soo martay marxalado kala duwan iyadoo hadda qorshuhu yahay in laga guuro qaabka ay u nidaamsan yihiin darajooyinka jira loona guuro darajooyin waafaqsan halbeegyada caalamiga ah. Guddiyada shalay uu u billaabanayo tababbarka waxa ay laf dhabar u yihiin fulinta howshan, sidaas darteed, cid kasta waxa lagula xisaabtami doonaa masuuliyaddeeda”.
Tababbarkan oo ay bixinayaa Xubnaha Guddiga Farsamada ee hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka ayaa diiradda lagu saari doonaa, sidii xubnaha guddi-hoosaadyada waxa uga baran lahaayeen; siyaasaddda, xeerka kala xadeynta xukuumadda, kala saaridda & qiimeynta shaqooyinka, iswaafajiynta mushaarka, shaqada & darajada u qalanta, qiimeeynta waxqabad ku salaysan natiijo, in la abuuro hannaan si xaqsoor ah isugu jaangoynaya xuquuqda, shaqada, & howlqabadka shaqaalaha iyo mowduucya kale oo quseeya arrimaha maamulka iyo maareynta shaqaalaha rayidka oo ay ka mid tahay dib u eegista iyo sameynta qaabdhismeeyada.
Tababbarkaan ayaa ah bar-bilow wanaagsan iyo tilaabo horay loo qaaday, iyadoo isbuuccii hore uu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre uu daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda isgaoo amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqangeliyo siyaasadaan muhiimka u ah horumarinta iyo xoojinta adeegyada Dowladda.
Muddada uu socdo tababbarkan waxa ka faa’iideysanaya Guddihoosaadyo laga dhisay dhammaan Wasaarada iyo Hay’adaha dowladda, kuwaas oo ay hormuud u yihiin Agaasimeyaasha Guud.
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir
Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si habsami leh uga wada 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir diiwangelinta codbixiyeyasha doorashooyinka dalka ee ku saleysan qof iyo cod.
Degmooyinka cusub ee shalay ay guddiga ka hawlgaleen ayaa waxaa ka mid ah Kaaraan, Hodan, Warta Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Hawlwadaag, kuwaas oo si weyn loogu soo baxay goobaha diiwaangelinta dadweynaha si ay muwaadiniintu u helaan shahaaddada codbixinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhacaysa.
Horay waxaa diiwaangelinta dadweynaha ee gobolka Banaadir looga bilaabay toddoba degmo oo kala ah: Shangaani, Xamar Weyne, Shibis, Xamar Jajab, Boondheere, Waaberi iyo Cabdicasiis.
Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay fursad u helayaan in ay soo doortaan madaxdooda.
Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waayeellada iyo dadka xiisaha badan u haya in ay gutaan xuquuqdooda muwaadinnimo, kuna ciil baxaan codkooda ayaa si weyn uga soo muuqday goobaha ay ka socoto shaqada diiwaangelinta dadweynaha ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.
Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan tabinta Doorashooyinka u furay suxufiyiin ka socda qeybaha Warbaahinta
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Aqoon Isweydarsi ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Dorashoyinka dalka oo ay ka qeyb gelayaan ilaa 25 weriyayaal ah oo ka kala socda Warbaahinta Gaarka loo leeyahay iyo Warbaahinta Qaranka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Aqoon Isweydaarsiga furay ayaa sheegay in ahmiyaddu tahay kor u qaadista doorka Warbaahinta ee tabinta Doorashoyinka, iyada marwalba Saxaafadda Tabintooda ku dhisaysa dhismaha kalsoonida dadweynaha, sugnaan, daah furnaan iyo u sinnaanta dhinacyada doorashada.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa kula dardaarmay Wariyayaasha ka qeyb galaya tababarkan iyo guud ahaan Warbaahinta in ay saaran tahay mas’uuliyad oo la xiriirta jiheynta dadweynaha iyo ilaalinta dhismaha nabadda marwalba gaar ahaan xilligani oo lagu jiro marxalad dowladdu gacanna kula dagaalamayso al-shabaab, gacanna ku gudanaysa waajibka ka saaran in dadweynaha doortaan cidda maamulaysa.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sharxay ujeedada Tababarkan oo Wasaaradda Warfaafinta uu ka taageeray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in diiradda la saarayo xoojinta Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka.
Tababarkan ayaa soconayaa laba maalmood waxaa uu diiradda saarayaa xoojinta fahamka Warbaahinta ee kaalintooda baahinta Doorashooyinka waxaana bixinaya khubarro ku xeeldheer Saxaafadda.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo washington kulamo muhiim ah kula qaatay madaxda iyo ururada Caalamiga ah ee ka shaqeeya dhaqaalaha
Xili ay gabagabo ku dhaw yihiin shirarka xiliga Gu’ga ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee ka soconaya Magaalada Washington DC ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxdii matalayay Dowlad-ahooda iyo kuwa ururada caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha.
Norway:
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federal ka Soomaaliya iyo masuuliyiintii la socotay ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka horumarinta Caalmiga ah ee Dowladda Norway Mr. Åsmund Aukrust. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta gaarka ah u leh Dowladda sida horumarinta dhaqaalaha Somalia, kobcinta wax soo saarka Dalka iyo ka wada shaqeynta dhisidda hannaanka ka gudbidda aafooyinka dabiiciga ah. Intii uu socday kulanka labada Dowladood, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa mahadcelin kadib waxa uu tilmaamay Norway doorka muuqdo ee ay ku laheyd hannaankii deyn cafinta Soomaaliya iyo ka garabsiinta Dowladda barnaamijka Qorshaha Isbaddalka Qaranka NTP.
UK:
Kulankan Dowladda UK oo ahaa mid wax ku ool ah ayaa looga wada hadlay hanaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha, horumarinta hey’adaha maamulka iyo meelmarinta qorsheyaasha u dagsan kobcinta dhaqaalaha si ay fursado u helaan bulshada Soomaaliyeed. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen masuuliyiinta sare ee Xafiiska Horumarinta Dibadda ee Dowaldda UK ayaa waxa uu ku soo gabagaboobay natiijo aad u wanaagsan oo ku saleysan xiriirka dhaw ee Soomaaliya iyo UK.
Denmark:
Kulanka lala yeeshay Dowladda Denmark oo ay ka socdeen madaxda sare ee Xafiiska Horumarinta Siyasada Caalamiga ah ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha miro-dhalka ah ee horumarinta Maaliyadda, sare u qaadidda hannaanka dhaqaalaha dalka iyo maalgalinta ilaha wax soo saarka dalka ku waas oo ah fursado ay aad ugu baahan yihiin bulshada Somaliyed.
Germany:
Marwo. Birgid Pickel oo ahaa Agaasimaha Guud ee Afrika Wasaaradda Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Germany iyo qaar kale oo kamid ah wafdiga Germany ayaa kulan gaar ah waxa ay la yeesheen Wafdiga Dowlada Somalia ee uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige, iyaga oo ka wada hadlay hormarinta dhaqaalaha iyo barnaamijka Qorshaha Isbaddalka Qaranka oo ah hannaan ay Dowladdu waqti gaar ah galisay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa Dowladda Germany uga mahadceliyay xiriirka wada-shaqeyneed ee ay la leeyihiin Soomaaliya iyo taageeradooda.
Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka oo jebinaya xayiraadda gargaarka Gaza
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa Israel ku cadaadinaya in ay si dhakhsa ah u fasaxdo gargarka bani’adantinimo ee Marinka Gaza, maadaama ay ka sii darreyso xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta dhulka sida weyn loo go’doomiyay.
Ku dhawaad muddo laba bilood ah ayaan wax gargaar ah la gayn Gaza oo dhan, ka dib markii Israel ay 2-dii bishii March soo rogtay awaamiir ay ku sheegeyso inaysan hay’adaha caalamiga ah kaalmada bani’adan-tinimo gelin karin Gaza. Tan iyo markii Israel ay diiday badeecadaha iyo gargaarka Gaza ayaan halkaasi la gayn raashiinka, sahayda dawada, shidaalka iyo biyaha nadiifta ah ee aadka loogu baahan yahay, iyadoona Israel ay sii kordhineyso weeraradeeda aan kala sooca lahayn ay ku hayso dadka Gaza.
Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa Warbaahinta iyo dowladaha reer galbeedka u dusiyay warbixino ay ku ogeysiinayaan in masiibo aan la arkin oo bani’aadantinimo ay ka dhici doonto Gaza, haddii aan la jebin xayiraadda lagu hayo gargaarka.
Hoggaamiyeyaasha ayaa Raysal Wasaraha Israel, Benjamin Netanyahu ku cadadinaya in mamulkiisu aanu isku xirin gargaarka Gaza iyo sii deynta maxaabiista Israeliyiinta.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii sheegay in Raysal Wasaare Netanyahu uu u sheegay inuu ogolaado in cunnada iyo dawooyinka la geeyo Gaza.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Netanyahu uu ka dalbaday in la hagajiyo xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza, maadaama sida uu yiri ay dadka halkaas ku nool dhibaateysan yihiin.
"Waxaa jirta baahi aad u weyn oo cunto iyo dawo ah, waa inay dadkas daryel helan.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska oo Canada ay wehlineyso ayaa Israel ku riixaya inay si dhakhsa ah u furto xuduudaha Gaza, si ay uga soo gudbaan gaadiidka u raran Qaramada Midoobey ee ku xaniban bannaanada Gaza.
Mareykanka iyo xulafadiisa reer Yurub ayaa ah kuwa ay taageero ahaan ku tiirsan tahay Israel, waana kuwa suurtageliyay in markii ugu horreysay dowlad ay reer Israel leeyihiin laga aasaaso Bariga Dhexe.
Mareykanka waa dalka ugu weyn ee Israel ku ilaaliya gobolka, waana Mareykanka oo la aaminsan yahay in Israel ay dhankiisa ka liici la’dahay.
Weerarada naxariis darrada ee Israel ku leynayso hooyooyinka, dhallaanka iyo dadka da’da ee Gaza ee barraha bulshada laga daawanayo ayaa dunida ka huriyay naceyb hor leh oo ka dhan ah dadka Yahuudda, wuxuuna duulaankan uu iska horkeenay hoggaamiyeyaasha reer galbeedka iyo shacabkooda, marka aad eegto in ay soo badanayaan shacabka ka biyo diidan taageerada maaliyadeed iyo midda militari ee ay Israel siinayaan.
Shacabka ayaa sidoo kale ka carreysan, sida xushmad la’aanta ay Israel mararka qaarkood ula dhaqmeyso hoggaamiyeyaashooda, waxayna taasi keentay inay hoos u eegaan dembiyada lagu gaysanayo canshuurta ay bixiyaan iyo inay wax ka bartaan Gaza iyo dadkeeda.
Duulaanka ka hor, Israel ayaa 17 sano go’doomin guud ku haysay Marinka Gaza, waxayna xaaladda go’doominta uga sii dartay, ka gadaal markii bishii May ee sanadkii 2024 ay Gaza ka soo xirtay xuduuddii Masar ee u furneyd. Ciidamada Israel ayaa horaantii bishaasi weeraray deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, waxayna la wareegeen waddada xuduudda ku taala ee Philadelphi Corridor.
Si kastaba ha-ahaatee shaqaalaha gargaarka ayaa hadda qaba rajo ah in maalmaha soo socda la jebin doono is hortaaga Israel ee gargaarka.
Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza oo tiradooda lagu sheego in ka badan laba milyan oo qof ayay noloshooda sanado badan ku tiirsaneyd gargaarka uu caalamka halkaasi geeyo.
Degmooyinka Kaaraan iyo Hodan oo ay ka socota diiwaangelinta codbixiyaasha
Degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan Kaaraan iyo Hodan ayaa shalay looga dareeray diiwaangelinta cod bixiyeyaasha doorashada qof iyo cod ee Golaha Deegaanka, iyadoo boqolaal dadweyne ay safaf u galeen is-diiwaangelinta.
Dadka shalay safafka dhaa-dheer ku jira ee isdiiwaan-geliyay ayaa waxaa kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, si ay marka la gaaro doorashada qof iyo codka codkooda ugu ciil baxaan unq doortaan madaxdii ku hoggaamin lahayd mustaqbal wanaagsan.
Degmooyinka Gobolka Banaadir ee ilaa hadda dadkooda fursad u heleen diiwaangelinta codbixiyaasha ayaa kala ah Kaaraan iyo Hodan, Shangaani, Shibis, Cabdicasiis, Boondheere, Xamarwayne, Xamar-Jajab, iyo Waabari waxaana lagu wadaa in dhawaan la soo afjaro diiwaangelinta codbixiyaasha si bisha June dadka Muqdisho ay ugu dareeraan doorashooyinka Golaha deegaanka Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay howlgal cusub oo lagu magacaabo Onkod oo ka dhan ah Shabaabka ku sugan Calmadow
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay ku dhawaaqay inay bilaabayaan howlgal cusub oo uu ugu magac daray Onkod, kaasoo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay howlgalka Onkod inuu yahay wajigii afraad ee howlgallada ka dhanka argagixisada ku dhuumaalaysanaya Puntland.
Saddexdii waji ee hore ee howlgankan ayaa waxa laga fuliyay buuraha Calmiskaad, halkaas oo ciidamada Puntland ay muddo ku dhow lix bilood kula dagaalamayaan kooxda Daacish.
Inkasta oo madaxweynuhu ku dhawaaqay howlgalka cusub ee Al-Shabaab lagula beegsanayo, haddana ma caddayn in la soo afjaray howlgalka Hillaac ee ka socday buuraha Calmiskaad, halkaas oo ciidamada Puntland ay weli kula dagaalamayaan haraadiga kooxda Daacish oo isku uruursaday Togga Miiraale.
Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaanahan dhaqdhaqaaqyo ka wadday degaannada buuraha Calmadow, halkaas oo ay kusoo bandhigayeen dagaalamayaal cusub oo ay dhowaan qorteen.
Tirada xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan Calmadow ayaa la rumeysan yahay inay korodhay tan iyo markii Puntland xoogga saartay dagaalka ka dhanka ah Daacish.
Gobolka Hiiraan oo laga mamnuucay gaadiidka ganacsiga ee soo mara dhulka Shabaab
Saraakiisha Ciidanka Difaaca (Macawiisley) ee Gobolka Hiiraan ayaa soo saaray awaamiir ay gaadiidka ganacsiga uga mamnucayan gobolkasi gaar ahaan kuwooda soo mara dhulka ay maleeshiyada Al Shabaab ka qabsadeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.
Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gaadiid kastoo ganacsi oo ka yimid goobaha ay Shabaabku ka joogaan Gobolka Shabellaha Dhexe aanay iman karin gobolkaasi.
Bacow Maxamed Dhicisow oo ka mid ah Saraakiisha Macawiisleyda ayaa awaamiirtoda la wadaagay Warbahinta, waxaana uu sheegay in gaadiidka xamuulka iyo kuwa yaryar ee rakaabka qaada aysan soo dhex mari karin Gobolka Hiiraan.
"Gobolka Hiiraan waxaa ka soo baxay in gebi ahaanba aysan soo mari karin waddooyinka ka soo gala dhanka Gobolka Shabellaha Dhexe wax gaari ah ama gaadiid ah oo safar ah oo soo dhex maray kooxda argagixisada ee Al Shabaab.” Ayuu yiri Bacow Maxamed Dhicisow.
Waxa kaloo uu yiri "Ma jiri doonaan gebi ahaanba, haddii ay ahaan lahayd gaadiidka waaweyn ee xamuulka ama kuwa yaryar ee Layla Calaawi ama Baraadooyinka loo yaqaano gebi ahaanba waa la mamnuucay. Gaari rakaab oo safar ah oo Shabaab soo dhex maray in uu dhex maro Gobolka Hiiraan iyo Macawiisleydeeda waa la mamnuucay.”
Dhicisow ayaa sheegaya in sababta gaadiidka loo mamnuucay ay tahay in Shabaabku ay ku soo dhex qarinayaan qaraxyo iyo ciidamo ay isaga kala gudbinayaan goobaha ay ku sugan yihiin.
"Sidaasi daraadeed safarku waa uu xiran yahay, dhulku dagaal ayuu ku jiraa, dalka iyo dadkana dagaal ayay ku jiraan. Safar nabad ah oo dhulkan nabad ku mari kara ma jiro. Waa la wada shakisan yahay, ha raali ahaadaan gaadiidleyda iyo safareyda.” Ayuu yiri Dhicisow.
Shabaabka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay kordhiyay weerarada ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan deegaanadii laga saaray laba sano horteed ee bariga Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Dad rayid ah oo ku Geeriyooday tiro Hoobiyaal ah oo ku dhacay magaalada Baydhabo
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa kusoo waramaya in khasaare uu ka dhashay hoobiyeyaal shalay lagu garaacay qeybo kamid ah xaafadaha ku yaala magaaladaasi oo caasimad KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dadka degaanka ayaa sheegay in seddex Hoobiye ay ku dhaceen xaafada Wadajir ee Magaalada Baydhabo oo mid kamid ah ku habsaday guri ay dad rayid ah deganaayeen waxaana walaac iyo cabsi ku abuuray dadka degaanka.
Ugu yaraan Hooyo iyo Canugeedi ayaa ku Geeriyooday Hoobiyeyaasha ku dhacay Xaafada Wadajir halka afar kale caruur ahna ay dhaawacyo kasoo gaareen sida ay dadka degaanka xaqiijiyeen.
Ilaa iyo hadda Maamulka Koonfur Galbeed wax war ah kama soo saarin hoobiyeyaasha shalay saaladii subax kadib ku dhacay meelo kamid magaalada Baydhabo, dhowr jeer oo horey ayay xaafadaan waxa ay Al shabaab ku soo qaadeen weeraro Hoobiyeyaal ah ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.
Isbuucii hore ayuu ahaa markii ay Kooxda Al shabaab ay Degmooyinka Muqdisho qeybo kamid ah ay hoobiyeyaal ay ku soo garaaceen waxaana ku dhintay ilma yar oo kusii jeeday Dugsi Qur'aan.
Suudaantu waxa ay cunayaan dhuxusha iyo caleemaha si ay u badbaadaan, hay'ad gargaar ayaa sidaas ka digtay
Dadka Reer Suudaan ayaa bahai darteed waxa ay cunaya caleemaha iyo dhuxusha si ay u badbaadaan ka dib markii ay ka carareen weerar lagu qaaday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo u dhow magaalada el-Fasher, sida ay BBC-da u sheegtay hay'ad gargaar.
"Sheekooyinka aan maqalnay runtii waa kuwo argagax leh," Noah Taylor, oo ah madaxa hawlgallada Golaha Qaxootiga Norway, ayaa u sheegay barnaamijka Newsday ee BBC-da.
Dadku waxay ka qaxayaan el-Fasher iyagoo u socda Tawila, laakiin way dhimanayaan "markii ay yimaadaan," ayuu Mr Taylor ku daray hadalkiisa.
Waxa uu sheegay in qaarkood ay "harraad u dhimanayaan", iyaga oo 40km uga soo safray xerada Zamzam iyagoo ku jira kulayl "xanuun leh".
"Waxa aan maqalnay sheekooyin, waxaa jira meydad weli yaalla waddada u dhexeysa El-Fasher iyo Tawila.
"Waxa aan la hadalnay qoys noo sheegay gabar kaligeed lug ku soo martay el-Fasher, oo marar badan lagu kufsaday safarka, ka dibna ay u geeriyootay dhaawacii soo gaaray markii ay Tawila timid.
El-Fasher ayaa ah magaaladii ugu dambeysay ee gobolka Darfur ee galbeedka Sudan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada iyo xulafadooda. Horaantii bishan, Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ayaa weeraray xerada Zamzam ee u dhow, taas oo ku qasabtay tobanaan kun inay ka cararaan hoyga ay ku noolaayeen ee ka sameysan cooshadaha.
Dad badan oo reer Zamzam ah ayaa halkaas ku sugnaa muddo labaatan sano ah, ka dib markii ay ka soo carareen colaadihii hore ee Darfur.
RSF ayaa ciidanka dowladdala dagaalamaysay labadii sano ee la soo dhaafay, dagaal ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 150,000 oo qof, kuna qasbay ilaa 13 milyan oo qof in ay guryahooda ka qaxaan.
Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in ay tahay dhibaata bini'aadantinimo tan ugu xun adduunka.
Si kastaba ha ahaatee, dhibaatooyinka maalgelinta ayaa horseeday in QM ay dhinto cunnada gargaarka ah ee ay geyso meelaha ay macaluushu ku dhufatay ee dalka Suudaan, ayay tiri QM.
RSF ayaa lagu eedeeyay in ay beegsatay dadka aan Carabta ahayn ahayn ee deggan Darfur intii uu dagaalku socday.
Khamiistii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK David Lammy ayaa sheegay in ay tani muujinayso "astaamaha isir sifeynta oo laga yaabo inay u dhigmaan dembiyo ka dhan ah aadanaha".
Waxa uu ku boorriyay labada dhinac in ay "siiyaan hawl-wadeenada bini'aadantinimada dammaanad qaadka amni ee loo baahan yahay si ay gargaar degdeg ah u gaarsiiyaan".
Ugu yaraan 481 qof ayaa lagu dilay Waqooyiga Darfur, agagaarka El-Fasher, tan iyo 10kii Abriil, Qaramada Midoobay ayaa sidaasi sheegtay Jimcihii, iyadoo ka digaysa in tirada guud ay aad uga badan tahay.
Madaxa Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee QM, Volker Türk, ayaa walaac ka muujiyay xaaladda, isagoo yiri: "Nidaamka lagu caawinayo dhibanayaasha meelo badan ayaa qarka u saaran inu burburo, shaqaalaha caafimaadka laftooda ayaa khatar ku jira iyo xitaa ilaha biyaha oo si ula kac ah loo weeraray."
Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay "warbixinnada baahsan ee xadgudubyada galmada".
Xerada Zamzam ayaa la gubay "oo dhulka lala simay", sida uu sheegay Nathaniel Raymond, madaxa shaybaarka cilmi-baarista bini'aadantinimada ee jaamacadda Yale ee Caafimaadka Dadweynaha.
Mr Raymond ayaa ku tilmaamay "burbur nidaamsan guud ahaana gubista guryaha" iyo "goobaha gargaarka", isagoo intaa ku daray in dadkii ay u suurtagashay in ay ka baxsadaan xerada Zamzam ay waddada ku dhimanayaan ".
Mr Taylor ayaa sidoo kale ka digay in Tawila ay la daalaa dhacayso qulqulka dadka ka cararaya guryahooda.
"Waxa jira cunto yari, habka biyaha ayaa aad u yar," ayuu yirii, isagoo intaas ku daray in magaaladaasi yar ay hadda hoy u tahay qiyaastii 130,000 ilaa 150,000 oo qof.
Toddobaadkii hore, dad ka qaxay xerada Zamzam ayaa BBC-da u sheegay in guryahoodii la gubay, isla markaana rasaas lagu furay. RSF ayaa sheegtay in ay weerartay xerada balse waxa ay beenisay in ay geysatay wax xadgudub ah.
Dagaallada ayaa sidoo kale ka socda meelo kale oo Suudaan ah.
Gobolka koofureed ee galbeedka Kordofan 74 qof ayaa lagu dilay markii RSF ay weerartay tuulada al-Zacafah, sida ay sheegtay shabakada dhakhaatiirta Sudan maalintii Jimciha.
Xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 27-04-25
.....