Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

0
Sunday April 27, 2025 - 17:08:11 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

    Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Ciro), Taliyaha Hoolgalka Ciidanka Midowga Yurub General Giuseppe Zizzari iyo Taliyaha Dugsiga tababarka General Dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Ciro), Taliyaha Hoolgalka Ciidanka Midowga Yurub General Giuseppe Zizzari iyo Taliyaha Dugsiga tababarka General Dhagabadan G/dhexe Muxudiin Asbaro iyo Saraakiil kale iyo Macalimiinta tababarasha caafimadka nafbadbadinta CXDS. Tababarkan oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Dhaga-badan ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka faa'iideystay ku dhawaad 25 askari, kuwaas oo loo diyaariyay Xirfada Nafbadbadinta goobta dagaalka howlgallada ciidamada, difaaca qaranka, iyo ilaalinta nabadgelyada. Saraakiisha sare ee tababarka soo xiray ayaa sheegay in askarta la tababaray ay yihiin kuwo si wanaagsan u diyaarsan, ayna ka qeyb qaadan doonaan howlaha kala duwan ee lagu xoojinayo amniga dalka, Waxa ay sidoo kale ammaan u jeediyeen dadaalka Midowga Yurub oo taageray tababarkaan General Cabdullaahi Ciro ayaa bogaadiyay askarta tababarka dhamaysatay, wuxuuna ugu baaqay in ay aqoonta ay barteen ku dabaqaan shaqadooda si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip