
SOMA oo 30 Saxafi Tababar ugu Soo gabagabeysay Muqdisho
Tababarkan oo lagu baranayay badqabka saxafiyiyiinta ayaa waxaa uu socday mudo sadax cisho ah 22-24 bishan April ayaa waxaa loo qabtay 30 wariye ka kala yimid goballada dalka iyo magaalada Muqdisho.
Madaxa tababarada dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Muuse Qanciye oo soo xiray tababarkan ayaa saxafiyiinta ka faa,ideysatay tababarkan kula dardaarmay inay fuliyaan casharadii ay ka barteen tababarkan una sii gudbiyaan saaxiibadooda ay shaqa wadaagga yihiin ee aan helin fursadaan oo kale.
Gabagabada tababarka waxaa shahaado lagu gudoonsiiyey waraiyaasha ka faaideystay tababarka.
Dalladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo ah dallad ay ku mideysanyihiin xarumaha warbaahinta Soomaaliyeed ayaa marwalba waxay samaysaa tababaro lagu kordhinayo xirfadda wariyaasha Soomaaliyeed si ay bulshada ugu adeegaan si xirfadnimo leh iyo siday isaga ilaalin lahaayeen khataraha uga imaan kara goobaha ay shaqada u aadaan ee halista ah.
SOMA oo 30 Saxafi Tababar ugu Soo gabagabeysay Muqdisho
Tababarkan oo lagu baranayay badqabka saxafiyiyiinta ayaa waxaa uu socday mudo sadax cisho ah 22-24 bishan April ayaa waxaa loo qabtay 30 wariye ka kala yimid goballada dalka iyo magaalada Muqdisho. Madaxa tababarada dalladda Warbaahinta Soomaaliy